Ciidamada Badda Holland Oo Soo Badbaadiyay Dooni Ganacsi Oo Ku Soo Jeeday Boosaaso


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso[Radio RBC] Maamulka Puntland   ayaa sheegay in la soo badbaadiyay dooni  ganacsi oo u kireesneed ganacsato Soomaali ah oo ku soo jeeday magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ee ku sugan biyaha gobalka ay soo badbaadiyeen dooni ganacsi oo dhowr maalin ka hor ay ka afduubteen xeebaha khaliijka.

“ Waxa dhawaan dooni ku sugneyd xedebaha Puntland afduubtay kooxo burcad-badeed, waxana doonta ay ku doonayeen in ay ku afduubtaan maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee adeegsada xeebaha Soomaaliya, waxa ay markii dambe heleen doon ganacsi oo ku soo jeeday Boosaas”

Wuxuu yiri Doonta waxa ay ka timid wadamada Khaliijka waxana ay ku soo jeeday Boosaaso dhex ayey ka qabsadeen, waxan markiiba aan xiriir la sameenay ciidamada Nato iyo Midowga Yurub, waxana ay ku guuleesteyn in ay qabtaan kooxdii burcad badeeda oo ahaa ilaa lix, waxana la geenayaa magaalada Rotterdam ee dalka Holand” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Ilaa hadda kama hadlin ciidamada Holand ee ka midka ah howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

RBC Radio

================

Xafiiska Wararka Boosaaso

Share

Tags:

1 Response for “Ciidamada Badda Holland Oo Soo Badbaadiyay Dooni Ganacsi Oo Ku Soo Jeeday Boosaaso”

  1. [...] View the original here: Ciidamada Badda Holland Oo Soo Badbaadiyay Dooni Ganacsi Oo Ku Soo Jeeday Boosaaso [...]

Leave a Reply