DAAWO SAWIRADA: Ciidamada Booliska Ee Ka Socda Midowga Afrika Oo Ka Howlgalaya Saldhigyada Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo Boolis ah oo ka socda midowga Afrika ayaa soogaaray magaalada Muqdisho,ayagoona haatan ka howlgalaya qaar ka mid ah saldhigyada Booliska ee degmooyinka kala duwan ee gobalka banaadir.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay soo gaareen magaalada Muqdisho ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka.

Sidookale Afahyeenka ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaan ay ka socdaan wadanka Uganda isla markaana ay hor u dhac u yihiin ciidamo dhor ah oo ka imaanya wadaamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamadaan maalmahaanba ay imaanayeen magaalada Muqdisho, asgoona carabka ku dhuftay in ciidamadaan ay la shaqayn doonaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Cali Adan xaamud ayaa sheegay in ciidamadaan ay howshoodu ay tahay sugida amaanka Muqdisho iyo amaanka dadka shacab ah eek u nool magaalada caasimada u ah Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in Ciidamo Boolis ah u soo dirayo si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka Muqdisho, maadaama Al-Shabaablaga saaray magaalada.

Horay ayaa waxaa soomaaliya u joogay ciidamado Afrikan ah kuwaasi oo caawiya dowlada Soomaaliya, waana markii ugu horaysay oo ay ciidamada ciidamada Booliska ah oo ka socda Afrika ay Soogaaraan Muqdisho.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

10 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Ciidamada Booliska Ee Ka Socda Midowga Afrika Oo Ka Howlgalaya Saldhigyada Muqdisho”

  1. [...] More: DAAWO SAWIRADA: Ciidamada Booliska Ee Ka Socda Midowga Afrika Oo Ka Howlgalaya Saldhigyada Muqdisho [...]

  2. qabqabsey says:

    1)Madaxwayne Mahiiga
    2)Ciidanka”AMISON” ka badan 20,000
    3)Shan wasiir oo ay Haliry Clinton ay u soo magacawday hanti dhawrka
    4)Ciidanka poliska oo hada Amison keensatay
    5)Dhawaan oo la keenayo Garsoorayaal ka socda talyaaniga iyo wadamo kale oo yurub iyo africa ah
    6)Dastuur aan waafaqsanayn diinta islaamka dhamaantii dhaqanka somalidana ka soo horjeeda
    7) dad magac u yaala oo aan maamulin cidna magac se sita
    8)odayaal koofiyad bacle ah qaarkood waxna qorin waxna akhriyin(ragii la odhan jiray oday dhaqmeed oo qaar isu soo eekaysiiyay oo qaar xataa dhiigya cab -ahi- la isu keenay).
    9)Adeegayaal aad ugu faraxsan in loogu yeedho Madaxwayne iyo raysalwasaare,iyo raysal baarlamaan wax awood maamul oo ay leeyihiin jirin cidna matalin
    10)Al shabaab-ahlusuna wa jameeca,faroole,shariif xassan,sheekh shariif,Cabdiwali.alshabaab
    Waa ayaan daro iyo dhibaato kale oo horleh mar ay qaraxdaba .
    waxa aad moodaa in ay shicibka somaliyeed isku qanciyeen wax dawlad u eeg aan helno. Hanyaridaa iyo hoos u foorarkaa somali kuma aan aqoon. Barigii gumaystihii hore ayaa nin cadi uu soo ag maray nin awrkiisii wata oo somaliyeed,ninkaa somaliyeed sanka ayuu qabsaday,markaa kadib uu ninkii cadaa waydiiyay turjubaankiisii maxaa ninkani sanka iska qabtay ,turjubaankii baa u sheegay in uu isaga iska qabtay sanka.
    Gabagabdii waxaan odhan lahaa sidiininkii “Aan oo yee albaabka ii xidha”
    wa bilaahi tawfiiq

  3. Abu-wehliye says:

    Waxey ila tahy hadeey ciidamadan tababari karaan Poliiska Soomaaliyeed waa wax wanaagsan oo lasoo dhoweyn kara.

    Sida kaliya ee ciidamada shisheeye wadanka looga saari karo waa in ciidamda Soomaaliyeed loo taba baro ineey wadanka ka badbaadiyaan cadowga gudaha iyo kan dibbada.

    Soomaaliyeey isku tashada oo ka shaqeeya sidaan dawlad madax banaan ku noqon laheyn. waxaan leeyahy walaalaha is hirdinaayo waa ineey ka fekeraan sida uga haboon ee dalka iyo dadka loogu adeegi lahaa.

  4. sool says:

    it is shame southerns go back there orignal habit because they want new master to bring them back to slavery

  5. zack-london says:

    qabqabsey- saxiib waxaad tiri oo dhan waa run…………….lakiin…soomaliya way heshiin waydey….22 sano wax khayr ah maka soo bxinin,, aan aheen, Piracy,warlord,Fake sheekh,Alshabab, Moryanimo, dhiigya cab, Qabiilnimo, famine,,,ama Gaajo, Abaar dad badan dishey, aduunka oo dhan Qoxooti ayey ku noqdeen somalida,…….runtii ma sii wadi karo………….markaa xaalka waxaan u arkaaa Soomalia in Gumeysi..lagu celiyo………Amisom…….20000 askarteeda iyo…ciyaalkooda iney u soo guuraan muqdisho

  6. Aar Gantaalan says:

    @Qabqabsay

    Haddii aad Amisom ka reebto inta kale inaad Hargeisa ka hadlayso ayaad moodaa.

    Tan Amisom & Booliska Africanka Hargeisa 1 nin oo Ethiopian ah ayaa ka ah. Isagaa intaba ka xoog badan. Siilaanyo haduu yiraahdo qolkagys soo gal habeen madoow buu guur guurad ugu tagaa.

    Waan fahmayaa adiga oo Soomaali soo noqonaysa ayaad wadnuhu kula gariirayaa.

    Somalia is back. The renegade junta will be summoned to the capitol of the nation. Ciyaara caruurtii aad isu akhrideen is about to end. Last word applies all of the secessionist group.

  7. farhan says:

    waxaa loo keenay in aan reer muqdisho la aamimi karin oo ay yaiin coruption dinac kasta ah sidaa awgeed adana waxaa la soo wadaa garsoorayaasii maxkamadaa yaa keenay?
    reer muqdisho bidix iyo midig midna in laga maro waa diideen aduunkiina waa arkay sidaa awgeed dhibaatagaa dadkii geystey ma dareensana
    markaa waxaan rajaynayaa in eey gartaan dhibaatada meesheey ka jirto

  8. qabqabsey says:

    @Aar Gantaal

    uma malaynayo in aad fahmi karto ,waxa aan se ku odhan lahaa ha ku kadeedmin Somaliland in aad xaqirto ama aad is tidhaahdid xaqiiqad ka bood.qoladiinaa ku hadaaqaysa midnimo somaliyeed ee faroole hogaamiyo HORTA SAAXIIB MIDEEYA GAALKACAYO.Amaankeeda suga ,shaadhka qabyaalada tuura ,kuwa somalinimada baabiyay ee qubuurteedii hada ka dul barooranayaa waliba si aan daacad ahayn waa kuwiinaa cayaarta ILJABISKA CIYAARAYA aan garan karayn waxa ay somalinimadu tahay laakiin ilfuurka ku haya kuwa wax qabsaday.
    finally there is an army and police in somaliland ,between you and me they are all somalilander,if you want to move to Hargeisa you are more then welcome anyone who is somali back ground is welcome it is save and secure.Isirr nacayb is against the law of the land
    take care Aar

  9. Faanoole fari Kama qodna says:

    Asc….. Kani galbey ku kale mooyee ….Uganda waay soo guureen xamar ma deeqdaa? Military iyo police maxaa ku xigaa xasaskooda iyo ilmahoodana haloo soo qaado gabdhahana haloo guuriyo kii doob ah. Ileen anagu weyn heshin weyneye.

  10. Abuu ayuub says:

    Aniga waxay ila tahay inaan ku jirno gumaysi aysan somalidu wali dareemin laakin hada waxaadba moodaa in si fiican loogu sharxan oo xitaa boliskii baa lagala wareegay marka haday intaa fahmi waayaan waxaan oran lahaa ilaah haidiin naxariisto kkkkkkkk

Leave a Reply