Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanka Shalaanbood Kaabigana ku Haaya magaalada Marka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamaeda dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan magaalaeda Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha hoose in ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalkaasi.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowlada ayaa waxaa ka mid ah sida la sheegay deegaanka Shalaanbood ee gobalka Shabeelaha Hoose iyo deegaano kale.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in la arkayay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo wata gawaarida dagaalka ay gaareen deegaanka Shalaanbood iyo deegaanada ku dhow dhow.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay in qorshohoodu uu yahay in ay la wareegeen xarunta gobalka Shabeelaha dhexe ee Marka halkaas oo fariisin weyn ay ku leeyihiin Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya Marka ayaa sidoo kale iyana sheegaya in halkaa ay ka jirto xaalad cabsi ah oo ay dadweynuhu ka cabsi qabaan in magaaladaasi ay dagaalo xoogan ay ka dhacaan.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan arintaanm, inkastoo saraakiisha Al-Shabaab ay horay u sheegeen in ay ka hortagi doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dhanka dowlada.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanka Shalaanbood Kaabigana ku Haaya magaalada Marka”

  1. zack-london says:

    Sheekh hassan dahir…….ha cararin…………sxb……..safka horey gal……….

Leave a Reply