Ciidamada Itoobiya Oo Haween Barakacayaal ah Ku Kufsaday Magaalada Baladweyne
Muqdisho (RBC Radio) Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay kufsi ka geesteen magaaladaasi.
Mid ka mid ah dadka deegaanka magaaladaasi oo lagu magacaabo Sheekh C/raxmaan Sheekh Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay gudaha u galeen xero ay dagan yihiin dad barakayaal ah oo ku taala magaalada Beledweyne ka dibna ay halkaasi ku kufsadeen ilaa iyo Sadax haweyn ah oo ku jiray xeradaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekhaan haweynka ay kufsiga u geesteen ciidamadaan in ay ku jiraan kuwo waayeelo ah, oo ka mida ahaa dadka barakayaasha ah ee daganaa xerada.
Axmed Xasan Cali oo kamid ah waxgaradka Magaalada Beladweyne ayaa sidoo asna sheegay in ay dhibaato badan ay qabaan dadka ku nool magaalada baladweyne, dhibaatada ugu darana ay ku haayaan ciidamada Itoobiya.
Ugu danbayntii waxay ugu qaadeen maamulka dowlada ee gobalka Hiiraan iyo waliba dowlada KMG in arintaan ay wax ka qabtaan, maadaama ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay haweyna guryaha ugu galaan.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa qaybo ka mid ah jooga ciidamo badan oo ah kuwo Itoobiyaha kuwaasi oo gacan siiya ciidamada dowlada isla markaana dagaalo xoogan kula jira kooxda Al-Shabaab.
RBC Radio
xafiiska Wararka Muqdisho











Ciidan Gaaleed markaad wadankaaga keentid waxaad ka sugaysid aan xumaan ahayn bal yaa sheegi kara? dad baa laga celin la’yahay ciidan shisheeya hana loo keeno ilaahay amarki, hada u diyaar garow duli iyo dhaqan xumoo dhan marka.
hiiraan ma dad jilicsan baa joooga, deegaanada kale waxaan itoobiyaanka kama sameeyaan maalin walbana dad bay ku laayaan ama kufsadaan hiiraan
Wanka xumahay dhibatada laguhayo rer hiran wadad wanagsan lkn waxan kayabanahay dhibatada ay iska amusanyihin wa in ay mudaharadan ma ahan in ay dhbta ka amusan
Asc .. WaLaaLayaaL DuLigaan SooMaaLi Iyagaa isku KeenaY Hiiraan KaLiya Maaha Xitaa Beydhabo Kismaayo waan maqaLnaa Dumar baa La XoogaY WaLibo Hooyo WaayeeL Ah SUBXAANALAAH SooMaaLi HaLkee Lagasoo Inkaarayne Heedhe Wax iSku FaLa Oo Ciidamo Shisheeye intaad Baryi Laheeydeen ALLEH Barya oo Wuxuu idiin SiiYo iiMaanSada KoLeey Waxaad QaRaMada MidooBay Ugu DuLoowdeen Waa Uun DhaQaaLaha Yarkaa AAd Ka Heshaan XaFiiskooda Xun Waxaad TaLo Maaha SooMaaLiYeeY Hurdada Ka Kacoo BeerihiiNa Beerta Oo XooLahiina Dhaqda ALLAAH DeeQda Baxshee .
somaliyeey fadhiga ka kaca oo arintaan wax ka qabta gabdhaha la kufsaday waa walalhiin nimanka sidaan u galay waa inaan la soo qabtaa somalieey is walalshada ee cadowgiina la dagaalama nacalaa itoopiyan ku yaalo cudur iyo jiro ayee noo keenayan nacalada
Reer Hiiraan iyaga oo 3 sano illaah nimcadiisa siiyay, magaalada B/weyne waxa ay noqotay meesha ganacsiga gobolada waqooyi iyo koonfur isku xirta, wax kasta oo wanaag ah sida nabadgelyo iyo horuumar dhaqaale waa heleen. Hase yeeshee qabiil iyo diin neceeb iyo Amxaaro ayaay ka doorteen nimcadii Illaah siiyay.
Marka tani waa abaalkoodii, illaah haddeyna u tooban keenina si degdeg ahna waa ka sii deri doontaa ciqaabtu. B/weyne waxa ay noqotay meesha keliya ee Amxaarada shaaha iyo caanaha looga shubo, marka amxaar calooshiisa aad buuxisay maxaad ka sugee, in guskiisana aad meel geliso. Marka suga next.
War dadkaan miyay hurdaan? War Hiiraan iyo Hooraan ma kala lahan ee dadkan sidaas loo dhibaateynayo waa dadkeenii waa soomaali, waa hooyooyinkeen, xassaskeena, gabdheheenna iyo dhallaankeenii. Isku xishooda oo joojiya kala qoqobka la idinku abuuray ee idin dulleeyay. Ninka Hooyooyinkiin kufsanaya ma kala lahan reer Adisababa iyo reer diredhawa ee waa Ethiopian. Ma waxaad leedihiin Eghiopia iyo Hiiraan waa isu dhigmaan? Caqligaa mar hore nalaka wasay hadana si sahlan baa hooyooyinkeen loo wasayaa.
Mida kale, bal car ha ka hadleen Shariif iyo Gaas waa kuwa leh soomaalibaan madax u nahaye. Waliba ayagaa keenay oo u fasaxay inay Gaaladani sameeyaan waxay doonaan. Nacalad idinku dhacday sidaasay rabaan in hadana lagu doorto oo ay nagusii maamulaan. Waa kuwo Jaahilnimo iyo doqonimo iyo dulli isku darsaday.
Kuwa kale malaha way aamusaan laakiin reer Hiiraan way sheegaan lol.
Dumarkeennu arrimahaas waa Iska Damuuqsadaan inta Dayaan
Awalba alshabab waxbay kufsanayeene maxaa ethiopianka ku jaban mida kale reer koonfureed ayagaa isku keenay dhibkan markay dowlad somaliyeed diideen
waa arin aad iyo aad looga xumaado waxaase xaqiiqada dhabtaa aay tahay gabadha soomaalidaa iyo ninka soomaaligaa dhiigiisu wax qiimaa uu leeyahay ineesan jirin maanta waxaa kaqiima badan bisadda kunool duurka ama baadiyaha sababtoo aay tahay malahan dawlad leh awood dawladnimo oo looga cabsado meesha maanta soomaali taalo oo ah wadamo aaysan iskudiin iyo isku dhaqan midna ahayn inay gacantooda kujiraan oo soomaalidii oo dhawr milyan islaynayso oo waxay isku haystaan aaysan jirin waayo waa dad isku mida oo walaalaa laakin caqli xumo isku dirtay baa waxay tahay arin nasiib daraa oo soomaali kuhabsatay gabagabadii dhibka soomaali gaaraa waa waxay iyadu isugeeysatay haddaba soomaalaay isdabaqabo oo soocesho dawladdaadii cid walba kaaga cabsan lahayd oo wiilka koonfur afrika jooga oo maalinkasta dhiigsii iyo xoolihii laxalaalaystay iyo gabdhaha sharaftii aay lahaayeen lagaqaaday iyo inta badkudhamatay iyo inta xabsiyada adduunka kuqurmay intaba waxa badbaadinkaraa waa dawladdeenii macaaneed oo aan sooceshano haddii kale welle gabar laqabsadaaad sheegaysaane waddanka dad kaluu gacanta ugalayaa oo ah mid lahubo ….ramadaan kariim …scww
waa arin aad iyo aad looga xumaado waxaase xaqiiqada dhabtaa aay tahay gabadha soomaalidaa iyo ninka soomaaligaa dhiigiisu wax qiimaa uu leeyahay ineesan jirin maanta waxaa kaqiima badan bisadda kunool duurka ama baadiyaha sababtoo aay tahay malahan dawlad leh awood dawladnimo oo looga cabsado meesha maanta soomaali taalo oo ah wadamo aaysan iskudiin iyo isku dhaqan midna ahayn inay gacantooda kujiraan oo soomaalidii oo dhawr milyan islaynayso oo waxay isku haystaan aaysan jirin waayo waa dad isku mida oo walaalaa laakin caqli xumo isku dirtay baa waxay tahay arin nasiib daraa oo soomaali kuhabsatay gabagabadii dhibka soomaali gaaraa waa waxay iyadu isugeeysatay haddaba soomaalaay isdabaqabo oo soocesho dawladdaadii cid walba kaaga cabsan lahayd oo wiilka koonfur afrika jooga oo maalinkasta dhiigsii iyo xoolihii laxalaalaystay iyo gabdhaha sharaftii aay lahaayeen lagaqaaday iyo inta badkudhamatay iyo inta xabsiyada adduunka kuqurmay intaba waxa badbaadinkaraa waa dawladdeenii macaaneed oo aan sooceshano haddii kale welle gabar laqabsadaaad sheegaysaane waddanka dad kaluu gacanta ugalayaa oo ah mid lahubo. aaway dawladdii qaalihagaahayd aaway calankeenii aaway ciidankeenii xooga badnaa oo tiradiisu ahayd 300000 oo askari oo wax walba udhamaystiranyihiin,maxaad maanta haysataa , ….ramadaan kariim …scww
in saas loogalo wuu istaahilaa sababtoo ah waxaa laga kari la’yahay ogolaada Dowladnimo iyo kala danbeeyn……
Hubka qaata amxaarkana iska saara……Waagii C/lahi yusuf Amxaaro waa la saaray waxaa dib ugu yeertay Af-guduu ee ku raaxeeysta qabyaalada…..
Ku dayda O N L F oo xaarkooda cunsiiya, Kor iyo hoos itopiyaan wuu ku dilo ee adigoo dagaalamaya ha kufsado walaashaa hana ku dilo lakin adigoo daawanaya waxaas oo dhan ha dhacaan waa dulinimo iyo daciifnimo, War ma falstiin baad ka daciifsantihiin……….Walaahaan ku dhaartay Somali galbeed in uu san ka howlgalin Askar itopiyan ah ee wexeey sameeysteen kuwa la yiraahdo Liyuu Polis oo magalada ka howl gala ayaguna korka ayeey ka ilaal shaan….Duurkana kumaba dhacaan in eey cag soo dhigaan oo Mujahidiinta ayaa ka taliya…..
Weey jirtaa ciidamada in eey dhibaato u geeystaan shacabka shacabka somalid Ogadenia lakiin waa marka lagu soo jabiyo furamaha Dagaalka ayeey shacabka ku qarbaxaan……..
Hooyo Somali ah oo daalan, soo qaxday, waayeel ah oo hadana sooman, ma waxa ku jimicsaday wiil yar oo Amxaari injir leh? markaasaad leedihiin hiiraan, hiiraan, nin walowba sug maaalinta lagu helo.dee waa Somaali iyo abaalkiin ,gaalow noo kaalay iyo Amxaarani walaalo nahay.