Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Keyd Raashin ay la Haayeen Kooxda Al-Shabaab ee Buuraleyda Galgala
Galgala[RBC Radio] Ciidamo huwan ah oo Isugu jira qeybaha kala duwan laamaha Puntland ayaa gelinkii hore maanta weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Galgala oo 30-KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso xili lagu Tuhmaayey in ay ku suganaayeen kooxda Buurleyda Galgala ee Al- Shabaab.
Hawlgalkan Ciidanku sameeyey kalama aysan kulmin wax Iska hor imaad ah kooxda Buuraleyda Galgala ee Al- Shabaab oo markii hore fariisimo ku lahaa deegaanka,waxaana sida ilo Wareedyo deegaanka ku sugan u sheegeen Raxanreeb laga Qabsaday Raashin Saad u ahayd kooxda.
Wasiir Kuxigeenka Amniga Puntland Cabdijalaam Maxamed Cismaan oo ka hadlay Warbaahinta afka Xukuumadda Puntland ku hadasha ee Radio Garoowe ayaa sheegay in hawlgalku ka danbeeyey ka dib markii ay heleen Xog faah- faahsan oo sheegeysa in Raashin badan oo gaaraya 240-kiish oo isugu jira Raashinka qeybihiisa kala duwan ku aasteen deegaanka.
…”"Ciidamadu saaka aroortii saacadu markey ahayd 6:30 subaxnimo ay hawlgaleen nasiib daro lama kulmin nimankii nabad-diidka ahaa ee meelahaas joogay laakiin waxaa la helay meelihii keydka ahaa oo raashinka ku aasteen, raashinkiina meelo buuro ah oo wadooyinka ka fidiyeen bey geeyeen ka dibna Ciidamadu gododkii la geliyey bey qodeen,waxay soo qaadi kareena wey soo qaadeen waxna waa gubeen, wixii markaas 240-kiish raashin gaaraya oo Isugu jira Saliid,sonkor iyo bariis buu ahaa waxna waa lasoo qaaday waxna meeshoodaa lagu baabi’iyey…”“ayuu yiri.
Waxa uu tibaaxay in Talaabada hawlgalkan ay qaadeen uu u fududeeyey Sarkaal shalay kasoo goostay kooxda Buuraleyda Galgala oo lagu magaaco Mowliid Aadan Qalalan isla markaana uu faah-faahin iyo Xog ka siiyey fariisimihii uu ka hawlgeli jiray Isagu gaar ahaana waxa uu u tilmaamay goob ay ku qariyeen Raashin tiro badan oo Isugu jira qeybo kala duwan.
…”"” Hawlgalku maanta Ciidanku sameeyey wuxuu ka danbeeyey markii shalay 25.8.2012 uu kasoo galay nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa ragii nabad-diidka ahaa ee ka dagaalamayey Buuraha Golis ee Galgala ee argagaxisada ahaa oo muddo badan isku hayeen Ciidamada Puntland,ninkaas oo markii uu ku qanci waayey mabaadii’dii uu meesha u tagey iyo waxa markii hore lagu hawlgaliyey arkay go’aansaday in uu kasoo baxsado Isaga oo wata qoro BKM ah ahaana nin Sarkaal ah oo Taliye kuxigeen ka ahaa Ciidan joogay Galgala aageeda,wuxuuna shalay Subax soo gaaray ciidamada jiida hore markii Saacadu ahayd 5:30 Subaxnimo…”"ayuu sidoo kale yiri.
Cabdijamaal Maxamed Cismaan ayaa xusay in hawlgalka habayaraatee aysan kala kulmin wax Iska caabin ah isla markaana aysan goobta ugu tagin maleeshiyo ka tirsan kooxda Buuraleyda Galgala balse uun ay haleen keydkoodii ugu weynaa ee Raashinka waxna ay Ciidanku soo qaadeen waxna ay ku gubeen isla goobta.
Tiradda Guud ee Raga kasoo baxsada kooxda ku jirta Buurleyda Golis ee Galgala kuna soo biireysay dhanka Puntland ayuu ku sheegay afartameeyo bilihii ugu danbeeyey isla markaana waxa uu sheegay in si fiican oo Xushmad leh loola dhaqmay kuwa kale ee ku jira weli kooxdana ugu baaqayo in ay Isaga soo tagaan kana mid noqdaan bulshadooda reer Puntland.
_________________________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe











[...] More: Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Keyd Raashin ay la Haayeen Kooxda Al-Shabaab ee Buuraleyda G… [...]
Guul baan u rajeeyn ciidanka qaran dowlada puntland
waa mahadsantihiin ciidamada pl waa inaad dadkiina iyo dalkiin amaankiisa sugtaan waxaad wax u qabanaysaana waa shacabkiina
Waxaan lee yahay Ragaas kasoo baxay Nimaankaas Jihaadka sheeganaya Hadana afka duubanaya Caqli baad leedihiin ee Dadkiina yaan Cadow laidiinka dhigin Maahan diin Waxay wadaan Ee nimankaas iska ilaaliya, Viva Puntland & Soomaalia
guul ciidamada dowlada buuraha calmadow waa in lag sifeeyaa kooxaha lasoo dirsady oo damiir laawayaasha ah oo aan caqlig lahyn hady wxa dilaan u daran hadii la dilona mxay ku dhinteen kan xaaranka ah oo godane muu u diro al shabaabka burco iyo hargaysa wxa la duufsado maleh miyaa isaaqu adeer anaga kuwa doqonta ah oo dagaan u dhashy alla haka soo hanuuniyo waa loo baahanyahy waa nin dadka ka dhashy dagaankana u dhashy kaan u dhalin xabad waa la tooganayaa madaxa ayaa la qarxinayaa haduu isa soo dhiibo iyo hadii kaleba mxaa keenay meesha haduu jihaad rabo muu aado bakistaan iyo ciraaq gaaladu ku soo duushy guul dhamaan ciidamada daraawiishta kuwa kumaandoska ah oo u tababarn la dagaalanka wxa loogu yeero argagixisada
nimanku haday wax isku hayaan ninka koonfur kasoo jaajuusay oo galgala yimid hadan qoriga lasoo tagay hadana jaajuusay hadilaan oo waliba madaxa labada garab dushooda haka saaraan barina qolo kale ayuu utagayaa waxba yaysna kaga farxin kuwa buunbuuninaya wabilaahi towfiiq