Ciidamadda AMISOM oo la wareegay fariisimihii ay Ciidamadda Itoobiya ku lahaayeen Magaalada Baydhabo
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan fariisimii ciidamada Itoobiya ay halkaasi kaga suganaayeen lagu wareejiyay ciidamada AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya ciidamada AMISOM oo maalmahaanba halkaasi gaarayay in ay haatan inta badanba ay la wareegeen fariisimiihii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya.
Tirada Ciidamadda AMISOM ee Magaalada Baydhabo ku sugan oo xilligaan lagu sheegay ilaa kun askari, waxaana la tilmaamayaa in ay jiraan ciidamo kale oo la qorshaynayo in ay halkaasi gaaraan.
Fariisimaha ay Ciidamadda AMISOM la-wareegeen ayaa waxaa laga ka mid ah Warshaddii Abukaate Xasey ee Magaalada Baydhabo, oo ay Xaruun Militari ka sameysteen Ciidamadda Itoobiya, markii 22-kii bishii Febraayo ay Magaalada Baydhabo kala wareegeen Xoogaga Shabaab.
Wararka ayaa sheeaya in ciidamada Itoobiya ay haatan isga baxeen magaalada baydhabo inkastoo aanan la garanaynin halka ay ku wajahanyihiin iyo in ay u qorsheesantahay in ay la wareegeen deegaano kale.
Tirada Ciidamadda AMISOM ayaa waxaa dhawaan la-filaayaa in la-gaarsiiyo 2,500 oo askari, iyadoo Ciidamadda AMISOM ee loogu talla-galay Magaalada Baydhabo, ay ka kala imaan doonaan dalalka Uganda iyo Burundi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho










