Ciidamo Ishortaagay Shir Jaraa’id oo uu Qaban Lahaa Musharax Prof Jawaarey Iyo Ciidamo Kale oo u Gurmaday (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Musharaxa jagada afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaarey

Muqdisho (RBC) Ciidamo ka tirsan nabadsugida xafiiska raysul wasaarihii hore DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ishortaagay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa musharaxa jagada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaarey kadib markii ay diideen goobtii shirka jaraa’id uu ka dhici lahaa.

Goobta shirka lagu qaban lahaa ayaa ahayd dhisme ay lahayd shirkadii Somali Fruit oo ku dhow dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana sida qorsuhu ahaa shirkaasi jaraa’id uu dhici lahaa Galabnimadii shalay [Jimce] ka hor intaan la baajinin.

Warar aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow Prof Jawaarey ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugida ee la sheegay inay ka yimaadeen xafiiska C/weli Gaas ay ku wargeliyeen Prof Jawaarey inuu ka baxo dhismaha uu xilligaasi ku sugnaa halkaasoo uu rabay inuu shirka jaraaid ku qabto, waxaana sababta lagu sheegay in askarta ka timid xafiiska C/weli Gaas ay wateen amar ah in dhisme dawladeed aan loo adeegsan karin olole siyaasadeed oo gaar ah.

Intii buuqa iyo isjiid jiidku socday ayaa waxaa arinta deg deg u soo farageliyey ciidamo kale oo laga soo diray taliska nabadsugida kuwaasoo uu soo diray agaasimaha hay’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi kuwaasoo qabqabtay askartii joojisay shirka jaraa’id ee Prof Jawaarey.  Illaa hadda lama oga sababta ciidamadan iska soo horjeeda ee ka wada tirsan nabadsugida ay ugu dhaqaaqeen tallaaboyinkaasi.

Xubno ku dhow Prof Jawaarey waxay Raxanreeb u sheegeen in wixii shalay ka dambeeyay amaanka musharax Prof Jawaarey ay la wareegeen ilaalo gaar ah oo ka tirsan nabadsugida qaranka kuwaasoo loo sheegay in iyagu ilaalin doonaan musharaxa.

Musharaxa Prof Jawaarey oo hadda u taagan jagada afhayeenka baarlamaanka ayaa ah nin saameyn badan ku leh musharixiinta qaar, waayo waa siyaasi aad ugu dhexjiray arimaha dawlada kana soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool sidaasi darteed ayaa isa sharixidiisa waxay dhuun qabad ku tahay rag musharixiin ah oo hankooda xildoonka uu isagu halis ku yahay, waana taasi mida keentay in ilaalada gaarka ah ee nabadsugida la raacsiiyo.

Dadka arimaha siyaasadda wax ka sheega ayaa dhacdadan oo kale ku sifeeyay mid ka mid ah dhacdooyinka caadi ahaan loo arko xilliyada doorashada ee ay siyaasiyiintu dhexmaraan xifaaltan hoose oo mararka dambana laga heshiiyo.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya loolanka musharixiinta dhexdooda ee ku saleysan gorgortanka xilalka sare iyadoo saacadihii u dambeeyay ay soo bexeen is xulufeysi hor leh oo dhexmaray musharixiinta qaarkood.  Waxaana hadda dhamaan musharixiinta ay diirada saarayaan jagada afhayeenka baarlamaanka oo ah barta ugu horeysa ee lagu kala bixi doono marka loo eego saddexda xil ee ugu waaweyn dawlada ee lagu kala qeybsado awood qeybsiga qabiilada.

La soco goordhow warbixin ku saabsan xulufeysiga musharixiinta qaarkood ay wadaan oo aan falanqeyn dheer ka sameyn doono saacadaha soo socda, Insha Allaah.

 

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

7 Responses for “Ciidamo Ishortaagay Shir Jaraa’id oo uu Qaban Lahaa Musharax Prof Jawaarey Iyo Ciidamo Kale oo u Gurmaday (Faahfaahin)”

  1. qoslaaye says:

    EX R/Wasare C/Wali in uu qaabka mafiyada u dhaqo oo ilaaladiisa u diro Musharixiinta xilka barlamaanka ee uu u arko in eysan isaga siyaasada ahaan caawini doonin waa wax lala yaabo sababtoo ah hadii hub iyo ciidan dadka lagu caburinayo R/Wasaaraha lafigiisa ayaa lagu caburin lahaa oo waxaan ognahay in ciidamada dowlada qeybahooda kala dunwan uu taliye guud u yahay Madaxweynaha Sharaxan awoodna uu u leeyahay inuu u diro siyaasiga uu u arko in uu isaga siyaasadiisa qatar ku yahay laakiin taasi ma dhicin oo madaxweynaha sharaxan cubin kuma dhaqmin marka su’aasha taagini waxey tahay hadii C/Wali uu isagu ahaan lahaa madaxweynaha sharaxa cid kasto oo uu u arko in ey siyaasada ahaan halis ku tahay muxuu ku sameyn lahaa?waa hubanti inuu owood ciidan ku muquunin lahaa kuna qabsi lahaa in ey isaga soo raacdo ama magaalada isaga tagto.C/Wali waa aqoon yahay mudo badane soo joogay mareykanka laakiin aqoontiisii iyuomudada dheer ee uu soojoogay amerika wax isbadel ah kuma imaan dhanka dhaqanka reer miiga ee qabyaalada ku dhisan waana midaas tan uu wadan dhan in uu ku xukumo doonayo.

  2. Cilmi says:

    Professor ayagoo u Jeeda bay dooranayaan mid aan haysan dugsi sare. … waa dad aan wanaag rabin

  3. jamal007 says:

    wa la yaab in Mr C/Wali gaas uu sidaa u naqmo ciidamo uso diro si uu horstaago shar jaraaid uu qabanayo musharxa gudoomiye wa hubaal in arin siyaasadeed ku lug leedahay saan ognahyna mr gaas & mr shariif xasan hada wa xulufo . Prof Jawaarey iso so sharxiisa shariif xasan caqabd ayuu u arkaa ee arinta a weyn guri dowlad lama isticmaali karo mal isweydiiyay in Mr C/Wali gaas & sharif xasan shirjaraaid ku qabteen guryo dowladeed yaa u diidi kara Prof Jawaarey

  4. somalijecel says:

    KKKKKK Cilmi cilmigu caqli buu keenaa ka waran ka Proffesserka sheeganaya ee sdii mooryaantii isbaarada dhigtay?waa cajiib bal maxay ku soo kordhinaysaa haddii uu inta uu shirkiisa dhamaysto lagu kala tago.Somalidu waa maskaxiyan fudud kooda shiikha ah kooda acedemic ah waa isku mid fudeyd ayaa ilaa ku ibtileeyay wax kastaa waxaa ka daran ka ciidan u soo diray misana wax ka tabar yar la qabqabtay ciidankiisii kkkkkkkkkkk ceeb ka weyn ma jirto balse dhib malahane isagaba Garawe sidaa buu ka yaali lahaa kkkkkk

  5. soil-man says:

    Mafiadii sakiin iyo gaas ayaa qas iyo fawdo dalka kawada ,labu warlord bay u xoob seebtin.

  6. F.B.I says:

    dr.gaas waa sharci yaqaan tilaabada uu qaadayna waa saxan yahay dadka sharciga ha bartaan

  7. halyay ali khaliif galaydh mudanaha gudoomiyaha baarlamanka soomaaliyeed insha alaahu
    masuuliyada maalmo ayaa kaaga hadhay

Leave a Reply