C/laahi Axmed Caddow oo DKMG ah Ka Dalbaday Inay Baarto Dilalka Loo Geysto Wariyaasha
Muqdisho (RBC) Musharax C/laahi Axmed Cadow ayaa cambaareeyay dilalka loo geystay shalay labo wariye oo ka hawlgalayay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka isagoo ugu baaqay xukuumadda KMG ah ee hadda talada heysa inay baarto sharcigana horkeento dhamaan dadkii ka dambeeyay dilalka suxufiyiinta.
War saxaafadeed uu soo saaray musharaxu maanta ayaa ku sheegay inuu ka tacsiyaynayo dilalkii loo gaystay labada wariye ee Yusuf Cali Cismaan iyo Maxamed Cali Bunayste, oo lagu dilay magaaladaan Muqdisho maalintii shalay.
“Waxaan dhaleecaynayaa dilalkan lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta dalka gudihiisa ka hawlgala. Waxaa cad in dilalkani yihiin kuwo la doonayo in lagu caburiyo saxaafada madaxa banana ee dalka. Taasina waa musiibo qaran
iyo mid bulsho oo ay tahay in la joojiyo, dambiilayaasha ka danbeeyana sharciga la horkeeno” ayuu ku yiri war saxaafadeedka uu soo saaray musharaxu.
“Waxaan ku baaqayaa in ciidamada amnigu iska xilsaaraan dicaafa saxaafada xorta ah aysana dhicin in wariye dambe bilaash lagu dilin. Waana in.maamulka
jiraa qaato masuuliyda aminiga suxufiyiinta dalka. Sidoo kale, waana in baaris gaar ah iyo dabo gal lagu sameeyo fal danbiyeedkaan lana cadeeyo cida ka danbaysa dilalka wariyeyaasha.” Ayaa lagu qoray war saxaafadeedka C/laahi Axmed Cadow oo Raxanreeb soo gaaray.
Caddow wuxuu u ballanqaaday bahda warbaahinta in uu siin doono difaac haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu hadda u tartamayo.
“Ugu danbayntii, hadaan ahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya waxaan cadaynayaa inaan u istaagayo difaaca xoriyada saxaafada xorta ah ee dalka hadii aan qabto hogaanka dalka. Ma dhici doonto in lagu dhiirado waxyeelaynta wariyeyaasha iyo xubnaha saxaafada, ugama hari doono cidii ku kacda danbiyadaas dilka ah” ayaa lagu soo gabagabeeyey war saxaafadeedka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












sagaashan jir oranaya mar uun madaxweyne ha ii yeerto waa yaab.Ar meel iska friiso waa waqtigii laguu adeegi lahaa oo bambarka laguu xeri lahaa oo guryaha howlgabka lagu geyn lahaa.