Codeynta Suuqa Iyo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya (Faallo!)

Dadweyne u badan dhalinyaro ayaa kala xulanaya sawirada musharixiinta oo la suray jidka. Halkani waa Isgoyska KM4, Muqdisho- Sawirka Raxanreeb ayaa iska leh.
Muqdisho (RBC) Dadweynaha Soomaaliyeed waqtigan xaq uma lahan inay doortaan musharaxa ay rabaan inuu hogaamiyo kana go’aan gaaro masiirkooda, codbixinta kaliya ee la filayo inay Muqdisho ka dhacdana waa codeynta 275 xildhibaan siday doonaanba haku yimaadeenee- haddana sidaas oo ay tahay weli dadku ma quusan oo waxay talo ka dhiibanayaan musharixiinta faraha badan ee u tartamaya doorashada madaxweynaha xiga ee Soomaaliya.
Sida ka muuqata sawirka kore oo ah sawir Shabakada Raxanreeb ka soo qaaday dadweyne u badan dhalinyaro oo ku xoonsan aargada KM4 ee magaalada Muqdisho halkaasoo lagu soo dhejiyey sawirada in ka badan 10 musharax oo ka mid ah kuwa hadda ololaha ka wada Muqdisho. Waxay dhalinyaradan oo wiilal iyo gabdho isugu jira kala xulanayaan oo ay weliba farta ku fiiqayaan hadba musharaxa ama siyaasiga ay isleeyihiin “wuu ku wanaagsanaan lahaa in hoggaanka dalka loo doorto”.
Waxaad maqleysaa dadweynaha- xitaa marka aad raacdo baabuurta dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano in dadku ay ka doodayaan doorashada madaxtinimada ee soo socota, waxaadna maqleysaa iyagoo hadalhaya magacyada musharixiinta qaar oo ay ku tilmaamayaan inuu yahay shakhsiga ay u arkaan inuu qaban karo hogaanka dalka. Baabuurta dadweynaha ee ka dhex shaqeeya xaafadaha Muqdisho ayaa laftooda ololaha ku kala duwan oo waxaad arkeysaa sawirada musharixiin kala duwan oo baabuurta la suray.
“Haddii aniga codkeyga la i weydiin lahaa musharax HEBEL ayaan u codeyn lahaa. …, HEBEL waa nin wadani ah… HEBEL Illaahay naguma soo celiyo…” iyo ereyo kale ayaa markasta dhegahaaga ku soo dhacaya meel kastaoo ay bulshada isugu timaado.
Mid ka mid ah xaafadaha ku yaalla koonfurta Muqdisho ayaa anagoo baabuur la socona waxaan soo dhexmarnay goob ay carruur yar yar kubbad ku ciyaarayeen, baabuurkii aan la soconay ma wadan sawir musharax, waxaa yaab igu noqotay in carruurta ay diideen in baabuurkeena uu dhaqaaqo illaa markii dambe darawalkii baabuurka uu ku qanciyey in socodka dambe iuu soo qaadan doono musharax ay carruurta MAGACIISA ku dhawaqayeen.
Waxaa suurtagal ah in xitaa dadka qaar aysan weligood arkin muuqaal ahaan musharaxa ay taageerayaan,hadaadse weydiiso sababta ay ku taageerayaan, waxay ku sheegayaan dareenka Soomaalinimo inuu ku xambaaray oo kaliya.
Dadweynaha Muqdisho iyo Dareenka wadaniyadda
Haddii labaatankii sano ee la soo dhaafay, Muqdisho iyo dadkeeda looga bartay colaad sokeeye iyo u hiilinta qabiilka maanta waxaa xaqiiqo ah in dhaqankaasi uu meesha ka baxay, amaba ugu yaraan 90% shacabka aysan rabin nin ay qabiil ku raacaan ama jufeysi xitaa haddii tiro yar oo dadka ku dhexjirta ay sidaasi wax ku raadinayaan.
Tusaale fiican oo aan marnaba iloowi karin wuxuu yahay erey uu ii sheegay nin ka mid ah dadka hadda la shaqeeya madaxda dawlada KMG ee Muqdisho ku sugan oo mar aan weydiiyey aragtidiisa ku aadan doorashada madaxtinimada iigu jawaabay “Haddii daacadnimo iyo wadan hagaaga la rabo MUSHARAX HEBEL [oo uu magacaabay] ayaan dooran lahaa” ayuu igu yiri. Xaqiiqdii ereygaasi xitaa dhagaheyga ma fileyn inay ka maqlaan shakhsi illaa xad sidaasi ugu dhow xafiisyada sare ee dawlada.
Maanta codka kaliya ee wax kala goyn doona waa kan ay bixin doonaan 275 nin ee qabiilada keensadeen kuwaasoo marka si dhab ah loo fasiro lagu tilmaami karo inay yihiin wakiilada qabiilada 4.5 ayna u lug xiran tahay talada iyo aayaha shacabweyne ka badan 10-milyan oo ruux oo Soomaali ah, markaasi waxaa kuu soo baxaysa hal jawaab oo ah “DADWEYNOW CIDNA CODKIINA IDIN MA WEYDIINEYSO” Waxaan soo xusuustay oraah Soomaalida dhexdeeda caan ka ah oo ahayd “Fad ama ha fadin waallee waa lagu fadsiin!!!”
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio











ASC Md, Muumin adiga oo mahadsan ma noo sheegi kartaa Musharaxa ay ciyaalku ku qanceen, midka uu yahay kolleey waxaan filayaa, Waaa Farmaayo ama Gaas midkoode?
raxanreeb waad ku mahadsantihiin sida aad bilshada ugu adeegaysaan oo hadba waxa soo cusoonaada aad ula socod siinaysaan balse waxay ahayd in aad noosoo tabisaan dadka somaliyeed ee muqdisha murashaxa ay ugu hadal haynta badan yihiin
thansk raxanreeb.com
waxaa la yaab sababta uu qoraagu u qarinayo dareenka dadwaynaha uu la kulmay ama waraystay.
Muxuu ka baqay haddii uu runta sheego, maxaase ku kalifi kara inuu ka gabado inuu soo gudbiyo wixii uu soo arkay? tolow qoraagu ma wuxuu ka cabsanayaa maafiyada Sheikh Shariif oo baryahaan bilaabay in ay dadka ku ugaarsadaan dariiqyada muqdisho?
musharaxa aan dooraneyno waa Farmaajo Farmaajo nooloow soomalinimada aya kugu danbyso
aadbu umahadsanyahay wuxuna kahadlay xaqiqida waxan been ahayn in umada somaliyed ay manta neceen qabil ayna raban oo kaliga dowlad waxqabad leh ani waxan amisanahay in hadi an isku meel uga soojesano an nalafadsiidonin oo uusoconayo hadalka umada somaliyed
Raxanreeb waad mahansantihiin, mararka, qaarkood qormooyinkiinu, runtii, waa, kuwo, dareenkeena, taabanaya, marka, siiba, laga, hadlayo,wadaniyada, mahadsanidiin,
Mr. Muumin Faalladaadu Waa Qabyo Illaa Aad Kasoo Gudbinayso,Waxaad Lakulantay,Fadlan Noosoo Sheeg Shakhsiga Musharaxa ah Ee Muqdisho Loogu Jecelyahay,Caruurtuna Maritaanka Jidka Ay Shuruud Uga Dhigeen Soo Qaadashadda Sawirkiisa Iyo Kan uu Kuu Tilmaamay Masuulka aad lakulantay. Haddaanse Mala-awaalo Waa Farmaajo Shakhsi Kale Oo Quluubta Caafimaadka Qabtaa Degani Majiro, Alle Haku Guuleeyo, Waayo Waa Soomaali dhab ah Oo waddanni ah, Kana go,antahay in uu wakhtigiisa iyo naftiisa uhuro dalkiisa hooyo,nagana samata-bixiyo dhibkan dalkeenna halakeeyey. (Geesiggii Wax Qabankara, Yaa La Garab Istaaggaaye, Gadhka Qabo Farmaajoow. ) Codkayga Farmaajaa Leh, Alle Halagarab Galo Loolankiisaas.
QORAAGU MA WUXUU KA BAQEY IN LA MUCAARADO HADUU MURASHAXA SHEEGO, AMABA LA AFLAGAADEEYO RA’YIGIISA,, AMA LA YIRAAHDO, ADEERKIIS BUU NOO QURXINAYAA??
waxaa la yaab ah sababta dareenka umada somaliyeed loo qarinaayo oo mahiiga ha qariye saxaafada somaliyeedna ay u qarinayso … MADAXWAYNAHA SHACABKU WAA FARMAAJO!!!!!!!!! FARMAJO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
laftiinaan baaba daalac u raacan lahaa intaan dad kalr la gaarin
Anigu masharaxa aan dooran lahaa waa prof Samatar,Waa qoonyahan rugacadaa ah,daacad ah ,wadaniyad xoogan le,garti aad ubadan le taasine waa marag madoonto in uu 17sano jaamacad maraykanka ku taal ka ahaa dhiin ama hogaamiye sidaan wada ogsoonahayne karti la’aan meesh kuma fadhiyin,aqoonteedii le tiim adag oo wax lafahmaayane wata.
hanbalyo halgamaayada raxanreeb
hiil iyo hoo iyo hunguri iyo hayb midna kumaanaan raacin farmajo hel ama waa hooga taariikhda baad hurudaah
kkkk, war sxb wax gaas layiraahdo majiraan ee waa farmaajo iska fahan adigaba