C/raxmaan C/Shakuur oo Fadeexadii Iibinta Badda Soomaaliya Dusha u Saaray Madaxweyne Shariif Iyo Xukuumaddii Cumar C/rashiid


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) C/raxmaan C/shakuur Warsame oo horey uahaa wasiirkii xiriirka caalamiga ee xukuumaddii Cumar C/rashiid ee saxiixday heshiiskii badda Soomaaliya looga iibiyey Kenya ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay in saxiixa heshiiskaasi uusan keligiis gelin balse ay kula jireen masuuliyiinta DKMG ah.

C/raxmaan C/Shakuur oo hadda ka mid ah musharixiintau tartamaya xilka madaxtinimada wadanka Soomaaliya ayaa ka hadlay fadeexadaa iibka badda Soomaaliya oomarka taariikhdiisa laga hadlayo lagu soo daro, isagoo sheegay in isaga dadweynaha Soomaaliyeed lagu diray.

“Aniga waxaan rabaa inaan cadeeyo in heshiiskaas hadduu sax ahaa iyo hadduu khalad ahaa waxaa igula jiray madaxdii dawlada oo dhan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif iyo 38 xubnood ee golaha wasiirada ee aan aniga ku jiray” ayuu yiri musharax
C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo cadeeyay in hadduu uu dambi ahaa heshiiska badda Soomaaliya ee ay kala saxiixdeen dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ee dhacay sanadkii 2009 uusan keligiis qaadi doonin.

“Dadweynaha Soomaaliyeed si khaldan ayaa wax loo fahamsiiyey, anaga waxaan galnay waxay ahayd qolfoof badeed ama waxa loo yaqaano “continental shelf”. Laakiin waxaan rabaa in dadweynaha ay ogaadeen in aniga la ii wakiishay oo kaliya oo waraaq Raysul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid uu qoray ayaa la iigu xilsaaray arintaasi” ayuu yiri isagoo ka hadlay qaabkii uu u ku yimid heshiiska.

C/raxmaan wuxuu faahfaahin ka bixiyey sidii uu heshiiska markliisii hore ku yimid.

“Horta arintan waxay ku bilaabatay in qolo UN-ka ka mid ah ay yiraahdeen waxaa la idinka rabaa inaan soo codsataan in qolfoof badeedka Soomaaliya masaafo dhan 150 mile Soomaaliya loogu daro, markii ugu horeysay waxaa arinta golaha wasiirada u keenay C/raxmaan Ibbi oo ahaa wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, aniguna xilligaasi dalka ma joogin, kadib anigoo maqan ayaa waraaq uu raysul wqasaaruhu qoray oo madaxweynuhuna saxiixay la iigu wakiishay inaan dawlada Soomaaliya u saxiixo heshiiska” ayuu yiri C/raxmaan.

“Waxay ahayd arin dhamaan 38 xubnood ee golaha wasiirada [oo shan ka mid ah ay geeriyootay] xitaa ay nagula jireen, xitaa madaxweynaha waana masuuliyad wadareed…!” ayuu sii raaciyey C/raxmaan C/Shakuur oo si kulul uga gilgishay eedeymaha isaga sida gaarka ah loogu jeediyo had iyo jeer.

Dhowr jeer ooh ore ayuu C/raxmaan C/Shakuur sidan oo kale uga qeyliyey eedeymaha had iyo jeer warbaahinta soo qaado ee ku aadan ceebtii ka dhacday heshiiskii qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed looga iibin rabay dawlada Kenya iyadoo dad badan ay tilmaameen in aqoon xumo iyo kedis ay keentay arintaasi.

Ka hadalka arintan ee uu hadda soo qaaday C/raxmaan C/Shakuur ayaa imaaneysa iyadoo uu C/raxmaa dhowaan uu shaaciyey inuu rabo inuu u tartamo xilka madaxtinimada wadanka doorashada lagu wado inay bishan ka dhacdo dalka.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

23 Responses for “C/raxmaan C/Shakuur oo Fadeexadii Iibinta Badda Soomaaliya Dusha u Saaray Madaxweyne Shariif Iyo Xukuumaddii Cumar C/rashiid”

  1. Runt sheeg says:

    Salan Sare R/R

    Hadaan arintaas wax yar ka’hadlo anoo aan ku sii talax tageeyn, Waxaa markii uu joogay PM geedi
    magaalada boosaso 2007/06 waxx u yimi, Wafdi ka socda, UN iyo Norwegian Gov, Ayagoo shirkaas albaabada u xirnaa Waxaa saacado kadib waxaa kasoobaxay Qolyihii UN ka oo careeysan iyo Norwigiankii. Waxaan maqlay In Abdulaahi yuusuf uu ka biyo diiday Un in laga ahadlo. Arin kusabaasan (sovereignty) somaliya. Si jaahilnimo iyo aqoondaro ayaa Markii ay socotoy siyaasadii Nimankii aratareya joogay IBI, Shariif istakiin tarzan iyo Alasheekh. wax aay ku gogortameen hadii wadanka aan madax ka noqono. Arimaha oceanic waa lameel marin.
    1) Hadlkii ahaa Xadka Kenaya iyo somaliya lama cabirin : waxaa lagu badalay qolfooka dhulka
    waxaa TXG SHariif ay isticmaaleeyn raga aqoonta ku yartahay sid Abdishakuur asag oo fulinaayay Qodabadii Eratareeya.

    HADEEY KA DHAB’TAHY MAXUU U CANBAAREEN WAAYEY’ ISUGANA YEERI WAAYAY MADIAHA HALKAASNA RUUNTA UGA SHEEGI WAAYEY. MAANTA WAXA UU AHAAN LAHAA HALYEEY.

    SALAAN R/r

  2. Wiil-mudug says:

    Ina Cabdishakuur hadii lagu yiri badda gad miyuu gadayaa. War wuxu caqli yaraa.

  3. gaws says:

    runta sheeg.
    sxb .
    ninna xanti ma mooga qolyahaan aala shiikh iyo kuwa erateria laga keenay way ogyihiin in ummadda soomaaliyeed ay og tahay maalin maalmaha ka mid ahna ciqaab ayay mudan doonaanoo aan fogayn haddii alla idmo, taariikhdu waa hartaa dadkuna waa tagaan ama geeri ama gaboow , waxaan uga baxayaa nin walboow waxuu gaystay ayaa adduun iyo aakhiraba sugaya , maal dadoow kii cunay kii dhiig muslin ku qubaystay kii diinteenna munnasalka ah ka been sheegay iyo kii dulmi af iyo addinba ku taageeray , ogaada taariikhdu waa hartaa dadkuna waa markhaati.

  4. zubeer says:

    War nimanka gatay taalooyinkii iyo suxuntii fadhiga musqulaha iyo warshadihii dalka miyaa bad dayn, ma xishoode markaasu hadana leeyagay waan sharaxanahay, siyaad barre isagoo kale tiirka ayuu joojinjiray, intuu yidha (kha,inu waddan)

  5. Waaw !
    Falaari gil gilasho kaagama harto craxman c.shakurow. Ama gil gilo ama galgalo… TAAriikhda ayay gashay arintaasi , koofiyad dheerayaashana waa tuug tuug tuug all..
    Muu awal sheego intuu hada beer laxawsanayo war nagala tag caacda tuugayahay.

  6. Suul-Cawro says:

    Aleylehe maantuu nin rag ah noqday. Maxaa dambi looga tun weynyahay kaligiis ku jirabay. Mar horay aheyd inuu sidaas u cadeeyo, hadeerna wuu ku mahadsanyahay haduu shaaciyay sida wax u jiraan.

    Sheekadaan Waa sheekada Madaxweyne kusheegyada iyo Raysal Wasaarayaasha dabadhilifkaa ku qaraabtaan. Intay heshiis la galaan shirkado iyo qawlaysato bay miskiin aan waxba ogeyn ku dhahaan orodoo soo saxiix. Waad la socotaan sidii foosha xumeyd ee Xuseen Carab Ciise loogu adeegtay. Waxaa lagu sameeyay sida C/raxmaan loogu dufan tiryooday oo kale. Wuxuu saxiixay heshiiskii Haliday Finch iyo kuwo kaleba.

    Allow Yaa dhaha nimankiinan dambiga iyo khiyaanada badan qoorta loo galinayoow ka feejignaada. Ha eersato ninkii heshiiska galay ee ha baqina ilaahbaa xukun hayee. Markay u badato shaqadaa lagaa cayrin karaa, waana fursad aad dadka runta ugu sheegi kartid.

    War hooy ha laga fiirsado Waxa la saxiixayo oo magacyada quruxda badan loo bixinayo. Ninkii saxiixa wax uusan ogeyn oo dalka lagu khiyaanayo asaga unbaa masuuliyadeeda qaadaya Maxaa yeelay kii tuuga runtaa ahaaba saxiixa wuu iska fogeeyay.

  7. cade yare says:

    waxaan u arkaa nin aqoon daro haysay oo laga faaiidaystay oo la khiyaamay

  8. mr mohs says:

    sorry abdirahman abdishakur waa tuug tuugadii kamid ah bada gadan lahay marka saas buu damniile kuyahay aad baana ugu farax sanahay inloodiido xildhimaanka waana kufiicantahay

  9. aalg says:

    It does not look good….

  10. Yaabane says:

    Somalidu waxay ku maahmaahdaa “falaari gilgilasho kaagama harto”.
    Ninkani ma wuxuu u haystaa ummadda somaliyeed in aysan wax akhrin karin? Warqadda/heshiis ku sheegii uu saxiixay waa la wada arkay wixii ku qornaa, sida uu u sheegayana uma qornayn.

    Heshiisku wuxuu ka koobnaa laba qaybood

    1. Qaybta hore waxay ka hadlaysay in Somaliya iyo Kenya isku raaceen in ay wada codsadaan in loo kordhiyo “contnental shelves” taas oo ah arin caadi ah oo wadamada dhinaca badda xuduudaha ka leh ay wada codsadaan in loo kordhiyo, ayna sheegaan in ay raali kawada yihiin. Tani wax saamayn ah kuma laha xuduud badeedka wadan walba gooni u leeyahay.

    2. Qaybta labaad weeye meesha khiyaamadu ku qarsoonayd. Qaybtaan Kenya ayaa ku darsatay waana meesha ujeedada dhan ee heshiiska ay ku qarsoonayd. Qaybtaas Kenya waxay ku soo qortay in Kenya iyo Somaliya sidoo kale isku raaceen in xuduuda badda ee Somaliya iyo Kenya isku khilaafsan yihiin loo soo bandhigo UN, labada wadana ay soo gudbisan doonaan xuduuda ay sheeganayaan.

    isla bil gudaheed Kenya waxay soo bandhigtay Khariirad cusub oo ay qaybo badan oo badda Somaliya ka mid ah ay qaadatay, sidii heshiiska ku qornaydna waxay arintaas ku wargalisay UN qaybta badaha qaabilsan.

    Hadaba C/rahman C/shakuur wuxuu mar walba isku dayaa in uu meesha ka saaro Qaybta labaad ee heshiiska uu saxiixay, intii uu jagada hayayna wuxuu aad isugu dayay in uu difaaco heshiiska uu saxiixay. Marka maanta markii uu isa soo sharaxay in uu yiraahdo waa la isoo amray, hadana uu qayb ka mid ah wixii uu saxiixay qariyo waa ayaan darro, mid meel gaaraysana ma aha.

    Arintaas nasiib wanaag waxaa meesha ka saaray Baarlamaankii hore. laakiin Kenya ma quusan oo waxay qodobkii heshiiskaas ku qornaa ku soo dartay Road-Mapka, waa qodobkii ka hadlayay in Badda somaliya dib loo cabiro!!. Qolada hadda dowladda hogaamisana way ka aqbaleen ama sidii lagu bartay wax aysan akhrin ayay saxiixeen.

    Nasiib wanaag Baarlamaankii ayaa mar kale qodobkaas ka saaray Road-Mapka. Kenya iyo xulafadeedu wali ma quusan, waxayna ka shaqeeyeen sidii Baarlamaanka meesha looga saari lahaa, ka dibna waxay xooga saareen in Dastuurka cusub lagu soo daro qodobka oranaya in wixii muran ah oo Xuduudaha Somaliya ka yimaada lagu dhameeyo wadahadal iyadoo la tixraacayo shuruucda caalamiga ah, wali meesha loo socdaa waa arintii Badda.
    Markaan ileeen Baarlamaan ma jiro, waxaa arintaas laga saxiixay 6da damiir laawe, sidaas ayayna ku hirgashay.Kenya waxay isla markiiba bilowday in ay shirkado kula heshiiso in Shidaal baaris laga bilaabo qaybo ka mid ah badda somaliya. Nasiib darro Madaxwaynaha iyo Ra’isulwasaaraha midan kama hadlin arintaas. Hal nin wasiir ku xigeen ah ayaa si geesinimo ku jirto uga hadlay.

    Bal ka warama haddii raga noocaas ah oo aan ka hadlayn dhaca iyo boobka lagu hayo Badda dhulka somlaiya, ay madax ka noqdaan dowlad somaliyeed oo aan ku meel gaar ahay, oo wax walba oo laga saxiixo ay horay ka hirgalayaan??? waa khatar wayn!

    Marka arinta C/shakuur iska fogaynayo waa mid sidaas u qota dheer, waligiisna ka hari mayso, kuwa Dastuurka ku taageerayna waligood ka hari mayso, laakiin Maanta Somaliya waxay leedahay aqoonyahano iyo dad badan oo wadaninimo ku jirto dadkaas ayaana ka daba tagi doona shirqoolada lasoo maleegay oo lala kaashaday damiir laawayaasha kursigu kala waynyahay qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliya.

  11. abdilaahi yusuf says:

    Nacas caqli yar Ayan u arkaa

  12. khadija says:

    dood wadaag mar iyo lababa aan dhegeystey midkaa caaqa ah ee ina shakuur laleeyahay wuxuu yiri ina c/rashiid baa sixiixey wasiirka arimaha dibada looma dhiibin ee ana ley dhiibey oo joogey wasiirka arimaha dibadana waa uu maqnaa ninkii saas yiri miyaa maanta madaxweyne doonaya waaba dhurwaa hilba ku raro war nadhaaf ciilka aan kuu qabno maba ogide nacas yahayow.

  13. wiil gedo says:

    cabdiraxmaan cabdishakuur isagoo wasiir ah haduu badda iibsaday markuu madaxweyne noqdo muxuu samayn doonaa, get lost idiot.

  14. Oday Nuur says:

    Heshiiskii is afgarad oo dhicisoobay,
    waxuu  dhalay qorshe kale oo heshiiskii  is  afgarad ka daran. Waxaayna na gaarsiiyeen marxaladdan hoos hadda ku qoran:-

      Difaaca   Dhulbadeedka Soomaaliya.

    Dhul badeedkii Soomaaliyeed waxaa si aan gabasho laheen ugu soo xad-gudbay Shirkado batrool u qodaya Kenya.

    Sida aad ka arki kartaan qariidadda, waxaa muuqda in Shirkadaha heshiiska caalamiga ah aay Kenya la gashay oo kusoo xadgudbay dhulbadeedka Soomaaliya aay kala yihiin:-
    Anadarko: Block L5,
    Total: Block L22
    ENI: Block L21, L23, L24
    Statoil: Block L26
    Zarara Oil: Block L13
    Lifaaqa oo midab leh ka eeg halkan (PDF)

          Dhul badeedkaas lagu soo xadgudbay waa midkii
    Heshiiskii IS-AFGARAD oo Qaramada Midoobay aay kasoo qaaday waxba kama jiraan.
      

  15. xalus says:

    Booskiisii waxaa hadda ku jira oo dilaal ah XIDDIG iyo hay’adda AFREC (Afirac Rescue Committee) ee umadda ka ilaaliya. Bal gala WEBSITE ka http://www.afrec.org ; masaakiinta dhiigooda ayey cabaan oo waliba kamana xishoodaan inay Somali isku diraan. Sannadkan May – December waxaa u qoondeysan inay ku cunaan ~$4,000,000.

  16. xalus says:

    Booskiisii waxaa hadda ku jira oo dilaal ah XIDDIG iyo hay’adda AFREC (African Rescue Committee) ee umadda ka ilaaliya. Bal gala WEBSITE ka http://www.afrec.org ; masaakiinta dhiigooda ayey cabaan oo waliba kamana xishoodaan inay Somali isku diraan. Sannadkan May – December waxaa u qoondeysan inay ku cunaan ~$4,000,000.

  17. B Jameeco says:

    Wuuuuuuxuu Cabdishkuur u saxiixay heshiiiskaass in lllllllla aoonsado Wassiirnamadiis si uu dno gaar ah uga samaysto dawladaha kale.
    wuxuuu yiri saxiixa wxaa ila sameyay Mdaxweynaha iy Cumar Cabdirashiid taasoo macnheeduu yahhay in ddambiga lagula jiro
    Ayadoo aad ogaayd arintu inay khalad ahayd baad na leedahay waa laigula jiray saxxixa
    Cida k dooraa u akhri qiyaanada

  18. MAHDIGA says:

    badda waxaa gatay Cumar cabdirishiid

  19. Atoore says:

    War Zubeer waa runtiis oo nimankaasu waxba u daahimahayaan.War ma nimanka darbiyadii Xamar beec geeyey baa bad u daahaya?Ina Cabdidhakuur waa MISKIIN lagu shaqeesytay.Markii uu baddii soomaaliya uu gadayna waa kii Shariif ku yiri waryaa cagaha wax ka day oo yaanan kugu arag agtayda.Hadduu hadba mneel afka saarayaa.

  20. waa dad aan siyaasad wax ka aqoon soomaliya waxaan oo kale ayaa iibsanaya tan hada way fashilmatay lkn mida xigta haday soo noqdaa waxaa aaal shaykh la dhahayo oo ay madaxwayne dambe qabtaan soomaliya waa xaraash barkee aqoon ku filan oo ay kula fariistaan madax kale ma hayaane walaahay imaam cabdulaahi wax dhaama ma hayo waan ka qaylinaye waxaas ay ogolaadee inuu diiday baan maqlay anigu lkn waxaan hubaa ina maalin haba fogaatee loo ciqaabi doono waxay galabsadeen shariif iyo axsaabtiisa ilaahay idin dulee

  21. Ceeb arinkaan waxaa ka danbeeya qoladaan bada quudato ee reer burcad badeed markaan magacaas sheegana waa la garanayaa qolada ay yihiin

  22. Waa la garanayaa qoalada bada u baxsadka ah waa qoladii ilaa salaatiin,madax,haween iyo caruurba burcad badeed noqotay waayo waxa bada gadanaayo sxbayaal waa la idin yaqaanaa reer bowe

Leave a Reply