CUDURDAAR: Shabakada Raxanreeb.com oo Dib u Soo Laabatay
Dhammaan akhristayaasha Shabakada Raxanreeb.com iyo RBC Radio, waxaan ka cudurdaaraneynaa qadarkii saacadaha ahaa ee ay Shabakadan hawada ka maqneyd sababo ku aadan haw; ballaarin ah oo lagu waday darteed.
Kadib markii ay si xawli ah u kordheen tirada akhristayaasha iyo soo booqdayaasha qeybaha kala duwan ee Raxanreeb.com isla markaana ay timid baahi ah in la weyneeyo server-ka ay ku shaqeyso Shabakada Raxanreeb.com ayaanu go’aansanay in ballaarin lagu sameeyo Raxanreeb.com iyadoo ay fursad u noqoneyso in in ka badan malaayiin ruux ay muar qura wada daalacan karaan shabakada iyagoon wax culeys ah ka dareemin marna. Haddaba, waxaa Illahay mahadiis ah in hawshaa lagu guuleystay, iyadoo hawshii webka ay dib u soo laabatay.
Sidoo kale Shabakada Raxanreeb.com waxay hadda kordhineysaa qeybaha adeegyada [services] ee ay siiso bulshada , Waxayna farsamayaqaanadu hadda gacanta ku hayaan qeybo gaar ah oo aanu ugu talagalnay doorashada madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo maalin kasta si joogto ah ula socon doonto wararka, warbixinada iyo sawirada tartanka doorashada ee dalka ka soconaya. Waxaa intaa dheer wareysi joogto ah.
Dhanka aragtiyaha akhristayaashaa [comments] Waxay Raxanreeb.com kuu suurtagalineysaa in si joogto ah kuu weydiiso akhristayaasha aragtida ay ka qabaan hadba meesha ay wax marayaan iyadoo lagu soconayo mawduuc gaar ah maalin kasta taasoo ay dheer tahay falanqeynta wararka ugu dambeeya oo laga soo ururinayo ilo wareedyo muhim ah iyo dadka ku dhexjira hawlaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa qeybaha kala duwan ee Soomaalida.
Ugu dambeyntii, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan akhristayaasha, daawadayaasha ku taxan Raxanreeb.com ee had iyo jeer nala soo xiriira dal iyo dibad, kuwaasoo marwalba na weydiinayey shaqada axanreeb.com saacadihii koobnaa ee aan hawada ka maqneyn. Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa aqoonyahanka, waxgaradka, suxufiyiinta iyo cid kasta oo Soomaali iyo ajnabi leh ee taageerta Raxanreeb.com haddey noqon lahayd dhanka xogta helideeda iyo taageerada niyadeed ee ay na siiyaan dhamaan dadka kala duwan.
Ciid Mubaarak, dhamaaan akhristayaasheena aanu jecelnahay, sanadkan sanadkiisa kale ku gaara nolol, nabad iyo barwaaqo!!!
Maamulka Raxanreeb.com/ RBC Radio











Will Raxanreeb Editorial Section endorse a candidate for president…………………………………
Muddadii Yarayd ee aad naga maqnaydeen waanu idin tebnay. Waase alle mahaddii Mar Haddaad hawada ku soo noqoteen. Guuleysta Raxanreeb.
[...] Continue Reading: CUDURDAAR: Shabakada Raxanreeb.com oo Dib u Soo Laabatay [...]
shabakada raxanreeb waxaan warkeeda la socday mudo sadex asbuuc ku dhow. Inkastoo ay tahay mudo kaooban hadana shabakadan waxay iila muuqataa mid warkeeda la ictimaadikaro waayo ilaa hada
kama dareemin cudurkii qabyaalada ee shabakadaha soomaalidu intooda badani ku caan baxeen. waxaana rajaynayaa inaanan ku khasaarin malahayga.
Asc bahda raxanreeb. Masha alah / 10.times / ayaan eegay maanta waan ku.faraxsanahay
Walalayaal good job guul guul weligiin
addicted ayaanku noqonay Raxanreeb bal saan oo kale hanoo galina
INTAAD HAWADA KA MAQNEYDEEN WAXAA NA WAREERIYEY ,, SHABAKADO KALE OO RUN IYO BEENTA ISKU DARA,,,,,, SIDA,, hadhwanaag IYO waagacusub,
niman okahay goortuu raxanreeb shakhayn waayay goraduu laalaadshay oo gacmaha madaxa saartay
Welcome back , Aad ayaan u usoo booqdaa Raxanreeb waana idiinka mahad naqayaa shaqada hufan ee aad u haysaan Umada Soomaaliyeed Viva Puntland & Soomaalia
Wl come back runta aadkeega insha allah
Aad iyo aad baad u mahadsantihin waraarka xiisaha leh oo aad inoo soo tabisaan
Thank you again
this is my favorite website. please continue the good work and continue to be consistent with your news., precise, fair, and balanced.
Waaba waraarey markaan waayey rbc.addiction.com
asc, waxaa igu taagnaa inaad doorashada nagu gaarsiisaan idinkoo hawada ka maqan, waase alle mahadii kol hadaad soo laabateen. Waxaan idinka sugnaa waa daawasho live ah iyo doorashada inshaa allah. Mahadsanidiin.
kumbuyuutarkiiba waa nacay intaad hawada ka maqneydeen,waanba naxay oo waxaan is iri talow ma sharif sakiin bey is qabteen oo saasa hawada looga saaray, fadlan walaalayaalow next time intiinaan hawada ka bixin noo sii sheega.MAHADSANIDIN
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk@xaaji qurbaawi wallahi sh. sakiin wax laga shakiyo waa yahay, waa nin musiibo.
welcome back Raxanreeb.
raxanreeb.com iyo dhamaan umada soomaliyeed iyo muslimiinta aduunka ciid wanaagsan insha alaa sanadkan kiisa in aynaan ka hadlin daba dhilfyo musuqmaasuq horgalayaal iyo qaran jabay ee aynu ka hadlo ilbaxnomo isu dulqaadasho kala dambayn iyo dawlad wanaag dhab ah oo soomaliyi hesho
raxanreeb waa web mahadnaq mudan in kastoo ayaamahan aan saluugo iyadoon dareemo in ka weecdeen khadkoodii dhexdhexaadka ahaa ha dhibsanina saluugayga waxaan idinla jeclahay horumar iyo khayr asxaabeey
waad ku mahadsantihiin dariishada aad noo furteen si aanu fikir isu waydaarsano dhamaan dhinacyada soomaalida ah ee halkan ku kulma iyadoo aad tihiin web xeerisa asluubta iyo anshaxa fikir iswaydaarsiga wehelisa ciid mibarak mar kale halkaana ka wada geediga idinkoo dhexdhexaad ah kaftan.com