Cumar C/rashiid oo Maanta Muqdisho Ku Soo Laabtay Sheegayna In Guul uu Isaga Keenay Ay Dad Kale Ku Faaneen
Muqdisho (RBC) Raysul wasaarihii DKMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo garoonka ay ku doo dhoweeyeen wasiiro hore dawlada uga tirsanaa iyo xildhibaanada baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.
Cumar C/rashiid oo maanta ay u tahay markii ugu horeysay oo uu Muqdisho yimaado tan iyo markii uu xukunka ka degay sanadkii 2010 ayaa hadal kooban wariyaasha ku siiyey garoonka Muqdisho wuxuuna ka hadlay isbedelada siyaasadeed ee hadda dalka ka socda.
Wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka amni ee ka dhacay Muqdisho iyo ansixinta dastuurka cusub, wuxuuna sheegay in ay wax wanaagsan tahay dadaalada doorashooyinka ee hadda la wado.
“Waan ku faraxsanahay hawlaha socda, laakiin waxaan rabaa inaan cadeeyo dhamaan arimaha socda ee dastuurka iyo qariirada nabadda ee loo bixiyey roadmap waxay ahaayeen wixii xukuumadeydu ay bilawday” ayuu yiri Cumar C/rashiid.
Raysul wasaarihii hore DKMG Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in shaqo ay isaga iyo xukuumadiisu qabteen ay intan ku soo gaartay Muqdisho laakiin amaantii ay qaateen rag kale, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa wax cad ah iyo hawlahan oo dhan ee dhan amni iyo isbedelada socda oo dhan ay ahayd wax ay qabatay xukuumadii aan aniga hogaaminayey, amaantana anaga ayaa yeelaneynaya.” ayuu sii raaciyey Cumar C/rashiid.
Ujeedada safarkiisa?
Wariyaashu waxay weydiiyeen Cumar C/rasjhiid inuu faahfaahin ka bixiyo ujeedada safarka uu maanta ku yimid Muqdishio iyo haddii uu ku lug leeyahay tartanka doorashada madaxtinimada ee soo socota, wuxuuna ku jawaabay.
“Aniga socdaalkeyga ujeedkiisa dib ayaan ka shaacin doonaa ma rabo inaan hadda ka hordhaco” ayuu yiri raysul wasaarihii ee DKMG ah oo xilka iska casilay sanadkii 2010 kadib markii ay isqabteen madaxweyne Shariif.
Magaalada Muqdisho oo hadda ku jirta jawi loo diyaargarobayo doorashada madaxtinimada ee dalka oo dhacaysa dhamaadka bishan Agoosto ayaa waxaa maalin kasta soo gaara siyaasiyiin qaarkood musharixiin yihiin iyo qaar ololayaasha siyaasadda wax ka wada.
Waxaa aad mashquul u ah garoonka diyaaradaha ee Adec Cadde, halka hotelada iyo baabuurta la kireystana ay xad dhaaf u camiran yihiin, waxaana xitaa adag in la helo guryo la dego kadib markii dadka ololaha doorashada u imaanaya ay magaalada soo buuxiyeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











faan jeclaa ma Faroolaa adeerkiis ah? beertaa lagu wada jiraa. wadanka cuqubo ayaa laga galay.
lacagtii uu xaday xagee buu geeyey? miyey ka dhamatay?
Cumar C/rashiid Cali sharmarke maahan nin Qabyaaladeed wa nin dhalinyaro ah oo waxbartay UN ka IYo Dunidana kasoo shaqeeyey ,DR Farmajo wuxuu isku dayey inuu Ninkaan Boorku qariyo lakiin umadda somaliyeed wa ujeeda waxa dhacaya ayaanu leenahay
Waxqabadka Dalka
” Waxna way naga horreeyeen, waxna way naga danbeeyeen, Soomaaliduna way leedahay caqli ay wax ku kala garato iyo indho ay wax ku aragto”
Dr Farmaajo ( Waraysi Somali Channel TV )
ALLOW SOOMAALI NABAD SII OO CADOWGA GAALADA KA SAAR OO MUNAAFIQIINTA KA QABO..
REER MUQDISHANA MUDDO AYEY DHIBAATEYSNAAYEEN EE NABAD SII
war waxba maadan qabane cagaha dhulka dhig……….BADII SOMALIA MIYAADAN KA IIBIN KENYA?…Adeer Somalia iskaga carar sharaf kuuma taalee.
‘@gedo man aflogaadada ina adeer waa laga fiicanyahay mana doonayo waxa aad kahadlayso inaan jawaabteeda kusiiyo waase adiyo garashadaada hadalkaagan xanafta lihi bukto aan caadi ahayn ayaa kaaburqaneysa ee horta alaha ku caafiyo, goormaad bogsanaysaa ilaa waqti hore waad buktaye?faroole mafaano ni faanana kaculus waana adeerkiyoo waasaad utiri adigu faan jacaylkii iyo iamaaanaaydii goormaad kagudubtey waataad dadka iamaana kula diriri jirteye faroole asagu taa kumaba dagaalamine?
kkkkkkkkkkkkk war kan kii ay reer puntland u bixiyeen BOOS BUUXIYE ma ahan?maanta waxaa ay dabaal deg u tahay iyo faysto Gen Indhacadde.Inacadde ayaa baad ku haystay maalin kastana u goodin jiray oo boob lacag uga qaadan jiray,maanta ma aqaan wax soo celiyay malaha xoogaagii ayaa dhamaaday?mise Gaas ama Farmajo ayuu mucaarad ku yahay?keebuu u yimid inuu taageero?waa laga yabaa qabyaalad in ay qaaddo waa nin reer puntland ah kama dhamaato qabyaalad
Ku: Gedo Man
Waan u maleynayay in aad sheegato noqonaysid …kkkk
Hadaad Garowe-Man qaadatid ma waxaad ka baqday in lagu aamini waayo mise waji xumadaadaad bulshada ka dhuumanaysaa? Aleylehe waan kaa filayay isqari isqari ina adeer.
Kolley hadaad sheegato noqonaysid waan kusoo dhaweynaynaaye iska kaana sheego ilma adeeradaabaan nahee intaad balaayo kale iyo Kamale-jini u gali laheyd..kkk
Macasalaama…kkkkkk
wallaal cumar waxaad doonto sheeg dadku waxay markhaarti kayihiin wixii ay arkaan ee nina iskama jeclaadaan nina iskama nacaan adiga iyo farmaajana ma aysan kala jeclayn ee waxqabadkiinaa kala badnaa wali fursad baad haysataa ee waxii wanaga oo aad doonayso qabo ninkaas gushiisana haxasdin
qof inaad qof ku eridaan ama isku ximisaan mooyee miyiinaan ruuxa sidiisa u amaani aqoon. dad masayr ku dhashay baa tahiin. cumar iyo farmaajo waa labo nin oo sharaf leh oo walaalo ah. kii masuuliyad qabtana waa inuu kan kale caawiyaa umaduna la shaqaysaa kas xumaa caku dadkaan.
Horta Cumar Cabdirashiid ma somali buusan aheen maxey tahay Muqdisho maxaa ka soo doontay?ma magaaladuu ku dhashay oo magaaladiisii aheed ayuusan imaan karin?Cumar wax badan wuu qabtay oo maxadweyne shariif ayaa shaagay in farmaajo uu u yimid wax hore loo diyaariyey.Mida kale Cumar cabdirashiid xaq ayuu u leeyahay in uu olalaha socdo uu dhankiisa ka raaco oo cidoo doono la jiro.dadka oo dhanan kuwo u sharaxan madaxweyne ma wada noqo karaan:D
Cumar xalwo asagana ma isa soo dhigay walle meesha luguma kala harin
C/rashiid xukuumadaadii waxay qabatay aan kuu sardiyo ama aan kuutiriyo
1 badii somalia ayaad gadateen in kastoo baarla
maankii buuqa badnaa uu diiday Wanaaga kaliya ay baarlamaankaas leeyihiin weeye
2 musuqmaamuq iyo hanti dadwayne oo aad lunsanjirteen
3 miisaaniyad la,aan
4 isla xisaabtamid la.aan
5 mushaaraadka shaqaalaha dawlada oo la leexsado iyo ciidanka
Dhib malaha haduu yimi Cumar waa nin soomaali ah oo shaqo soo doontay iyo inuu gacan ka gaysto musharaxiinta xoolliihii soomaalida ay ka qataneyd bu muqdiishow keenay
@ Suheylal
Way kaa kadibtay lol
Ninka aad hadalka u wado Gedo-man ma ahan ee waa ninka ka koreeya lol
Ina adeeroow malaha magaca (Gedo) baa mar hore qorigaagu u cabeysnaa oo uu waliba ku programsanaa. Xagee baas oo aad fiirinaysay markaad jawaabaysay qoodha iyo xerada ka jabi waaye? Maxaa qalbigaaga ku wareegayay?lol
Hadaad nin reer Gedo ah la dagaalaysid, Suul-Cawro ninka wataa ah ee asaga HUH ku dheh. Lol Suul-Cawrana Gedo-man ninka wata reer Garoowe sheegato ah buu u qabaa maadaama uu Cumar Cabdirshiid u xaglinayo Farmaajana ka xaglinayo. Lol
Walaahi arrin baa ka dhacday meesha, waana arrin qosol leh. Ahahahahah!
Jj
K.k.k.k.k War gedo ninkay ugu qorantahay anugu ma arko wax xumaato ah oo uu soo qoray balse ninka aad ku qaldaysaan ee dadka aflagaadeeyay waa MIDGAANKA YAR k.k.k.k.k.k.k.k waluu midgaan yahay maxa faroole ucayn asagoo midgaan ah k.k.k.k@cumar c.rashiid waa nin waxqabtay wuxuu qabtayna waxaa naagaha ku shukaansada farmajo oo dhaha anaa qabtay muxu farmajo qabtay car sheega waa ciidanka oo uu mushaarka siiyay taasna waxaa diyaarshay cumar c.rashiid alaha ka raali noqdee
K.k.k.k.k.K.k.k.k.k War gedo ninkay ugu qorantahay anugu ma arko wax xumaato ah oo uu soo qoray balse ninka aad ku qaldaysaan ee dadka aflagaadeeyay waa ==YAR k.k.k.k.k.k.k.k waluu midgaan yahay maxa faroole egeeyay asagoo ==ah k.k.k.k.k.k.k.k@cumar c.rashiid waa nin waxqabtay wuxuu qabtayna waxaa naagaha ku shukaansada farmajo oo dhaha anaa qabtay muxu farmajo qabtay car sheega waa ciidanka oo uu mushaarka siiyay taasna waxaa diyaarshay cumar c.rashiid alaha ka raali noqdee
kana maxuu wadanka u qabanayaa haduu wax qabanayo mar hore ayuu wax qaban lahaa
ASC NINKAN WAXBUU QABTAY WAXQABADKIISIINA WAXUU AHAA INUU WASAARADA GAADIIDKA U MAGACAABO XAABSADE WASIIRU DOWLE INDHACADE , JANAQOW CADAALADA , ARIMA GUDAHA INA MACALIN CUMAR ,QAYBDIID BOOLIISKA CABDI JIINOW DEKEDA SSHARIIF SAKIIN MAALIYADA HADE DUGSI DHEXE KAMA SOO BIXIN INA CABDI SHAKUUR XIRIIRKA CAALAMIGA IBBI IYO QAAR KALOO BADAN DEE WAXAA KA DHACDAY QAATAYE QAADO AAD AYAA LOO DHARGAY WAQTIGUU JOOGAY MARKA AAD HALOOGU CODEEYO WAXAN ORANKARNAA NINKA KU JIRAY GOLAHA WASIIRADIISA WAXUU AHAA KORNELKII CUMAR XAASHI OO BELEDWEYNE LAGU DILAY ALLAHA U NAXARIISTEE
War miyaanan ilaah laga baqayn?
Ina C/rashiid shakhsiyan nin xun ma aha, lagumana sheegin in uu dhinaca qabyaalada ku dheereeyo, laakiin waxaa marag ma doonto ah in Dowladdiisii aysan waxba qaban. Anigu taas eedeeda kaligiis ma saarayo waayo waxaa madaxa loo galiyay arin cakiran oo uusan ka bixi karin, rag aan wax qorin waxna akhrina liis ay ku qoran yihiin ayaa loo dhiibay oo la yiri waa kuwaan wasiiradaadi.
Asaga waxaa lagu eedayn karaa, ma ahayn in uu yeelo rag noocaas in la yiraahdo la shaqee.
Bal ilaah baan idinku dhaariyee ninka SHARIIF SAKIIN ka dhigtay wasiirka MAALIYADDA
xataa haddii uusan aqoon hore u lahayn ma garan waayay in markii uu arkay in uusan waxna qorin waxna akhrin in uu yiraahdo war ninkaan ha la i dhaafsho?? Bal maxay qaban kartaa dowlad SHariif Sakiin maaliyadda u hayo??
Marka Cumar wuxuu ahaa nin meel uusan fahmi karin iyo dad uusan la shaqayn karin madaxa si sahlan loogu galiyay, asaguna ma lahayn khibrad iyo hal adeegnimo uu uga dabaasho oo uu Sheekh Shariif ku yiraahdo anigaa dad shaqada qaban kara soo xulanayo.
Bal dib u xasuusta meeshii Al-shabaab joogeen markii Cumar is casilay. sow kuwii dadka ku xasuuqayay hoteelkii madaxtooyada agteeda ku yiilay. Maalinkii uu Xamar ka soo dagay oo la dhaariyayna Al-shabaab magaalada meelo yar ayay ka joogeen.
Dadka ku doodaya ina C/rashiid ayaa lacag ka tagay, war lacagba yaa tusi jiray ninkan? labada Shariif wax ma soo dhaafi jirin asagana way ku dufan tiryoon jireen. Waxbaan qabtay waxay noqotay kalmad qof walba iska dhaho..dowladdii wax qabatay reer Muqdisho ha la waydiiyo ileen ayagaa 21 sano xabadu ka kor dhacaysay, wayna yaqaanaan markii naf iyo nasasho ugu horaysay.
Ma xasuusataan inta wasiir ee uu magacaabay Cumar C/rashiid? waxay ku dhawaayeen 70. waa ninka magacaabay WASIIRKA DALXIISKA. waxay ila tahay in aanan u baahnayn in aan intaas wax ku daro.
@FBI haddii aan kuu soo koobo waxa ugu wayn oo Farmaajo qabtay waa asagoo badaly Habkii dowladda somaliya ku shaqayn jirtay soona nooleeyay Niyaddii iyo haybaddii ummadda Somaliyeed.
Xaaladda guud ee wadanka/dowladda Farmaajo dowladdiisii ka hor sidee ahayd?
Farmaajo ka hor waxaa wasiirada qaybsan jiray qabqablayaasha dagaalka ama ayagu wasiir ha noqdaan ama mid ka liita ha keensadaan. wasiirada waa la iska magacaabi jiray si un qabiil walba iyo laf walba loo qanciyo, laakiin aan midkoodna xaafiis u shaqo tageen oo aan waxba la qabanayn.
Shilinkii ka soo xarooda Dekeda iyo Airoporka waa la qaybsan jiray, ciidan diiwaan gashan oo meel lagu ogyahay oo mushaar qaata ma jirin, oo waa tii ay rasaasta ka gadan jireen Al-shabaab.
Taasi waxay keentay in AMISOM garan waydo si ay ula dagaalanto Al-shabaab oo waa kuwii aan ka soo bixi jirin Xalane oo madaafiicda un dadka shacabka ah ku dhamayn jiray markii AL-shabaab xabado yar ku soo ridaan. Tasasi waxay keentay in shacabku ay u arkaan AMISOM cadow ka daran Alshabaab, tassina waxay guul u noqotay Alshabaab.Dowladda iyo dadka shacabka ah gudaha iyo dibadda iskuma xirnayn rajaduna mugdi ayay ku sii socotay.
Al-shabaab dadkii Muqdisho iyo koonfur inteeda badan waxay ku muquuniyeen xoog iyo propagando oo labadaba waa uga dheereeyeen dowlad ku sheegyadii jiray.
Arinta halkaas taagan ayuu Cumar dhex fadhiyay labada shariifna lacagta ku cunayeen ilaa markii danbe ay isku khilaafeen. waxaan filayaa in aan muran ka taagnayn in xaaladu halkaas maraysay markii Farmaajo yimid.
Haddaba sidee buu u wajahay xaalada muxuuse badalay?
1.Dowlad wanaag: wuxuu meesha ka saaray 70kii wasiir ee la iska magacaabay oo intooda badan suulka wax ku saxiixi jiray. wuxuu soo xushay dad aqoon yahano ah, aan wadanka danbi ka galin oo aqoon iyo khibrad u leh jagada loo magacaabayo. ummadda somaliyeedna arintaas way soo dhaweeyeen oo qabiil yir anaga wasiirkeeni aaway ma jirin, maadaama ay arkeen in dad daacadnimo ku shaqaynayaa ay meesha yimaadeen,
taasi waxay keentay in wax qabad bilowdo oo wasaarad walba la yiri barnaamij 100 maalmooda waxqabasho ah soo diyaarso.
2. Maaliyad/budget la dajiyay oo Baarlamaanka laga ansixayay markii ugu horaysay muddo 20 sano ah.. waxayna taas ku sameeyeen 2 bilood gudahood. taasi waxay keentay in la controllo lacagtii la iska qauybsan jiray.
3. waxaa dib u habayn lagu sameeyay ciidamadii milatariga iyo nabad sugidda, mushaar joogto ah iyo daryeel guud la siiyay. waxaana markii ugu horaysay shacabka somaliyeed arkeen ciidan somaliyeed oo ka bar-bar dagaalamaya amaba ka horeeya ciidamada AMISOM oo waa tii Alshabaab dhabarka laga jabiyay.
4.waxaa si xowli ah loo shaqa galiyay TV qaranka iyo Radiyo qaran waxaan weerar dhinaca isgaarsiinta lagu qaaday ALshabaab taas oo sahashay in dadka loo cadeeyo waxa Alshabaab yihiin. Waana halkaas meesha Alshabaab ku jabay..waxaa looga adkaaday dagaalkii maskaxda iyo kii ciidankaba.
5. waxaa la isku xiray shacabkii iyo dowladda ..dal iyo dibad oo waa la xasuustaa sida ay dib ugu soo noolaatay wadaniyaddii dadka somaliyeed.
6. waxaa la abaabulay ciidamadii dowladda ama dowladda taageersanaa ee ku sugnaa gobolada koonfureed halkaas furimo badan looga furay Alshabaab jab wayna loogu gaystay.
Markii ay saas isugu toostay oo Somali nal u iftiimay oo dadkii Niyaddii u soo noqotay oo ay aamineen in dowlad somaliyeed shaqayn karto, ayaa cadowgii ummadda somaliyeed yiraahdeen sidaan nooma cuntamayso. waxayna howl galiyeen dabadhilifyo la yaqaan oo wadanka u joogay waxaana la abaabulay khilaafkii meesha ka saaray dowladdii TAYO.
Dowladdii ka danbaysay oo Gaas hogaaminayayna waxay raacday exactly wadadii dowladdii TAYO jeexday laakiin sidii ay dowladdii u shaqayn jirtay iyo daacadnimaddii uma hirgalin shaqadii socotay..
Marka qofkii aan ogayn iyo kii og oo iska indha tirayoo waa kaas wax qabadkii Farmaajo waana midaas waxa uu somali inta wanaaga jecel uu ku kasbaday.
waan ka baxay.
@midgaan boy jawaabtaadu waa inaan laguu jawaabin sha uuno aadan xaqlahayna malagalo ee edeb kayeelo umada ha afla gaadeyne.
@ Proud Midgaan Boy
Miyaad akhridaa dadka saaxiiboow? I am proud of you too!
Nin waxgarad ah!
Farmaajo inuu isasoo sharaxo ma ahayn waa in warlordska lagu daraa waana inuusan iman Muqdisho sababtoo aminiga ayuu wax u dhimayaa asagoo kalena waa in laga saaraa liiska mushariinta loona ogolaan haddii kale dhiig iyo dhibaato horleh buu ummadda u horseedayaa.
war mxaa laysu daalinayaa dalkaan dadka laga tirada badan yahay ha ka fariisteen wxaa xukumaya dad badan waa in tirada yari ay u hogaansataa tirada badan mxaa yeelay wxa walba waa muuqdaan sida loo kala dagaan badan yahy sida sida loo kala badan yahy soomaaliya siyaasadeeda wxaa dibada ka wada beesha caalamka intaa markay ka timadona wxaa wada qabaailka waa waayn waa in aad taageertaa inta meel fiican wadanku gaarayo uu kala dagayo hadii kale adoo in gumeed ah oo hal gobol ama dhowr tuulo dagan miyaa rabtaa in aad dad kaa badan oo 1000 jeer kugu soo labalaama in aad u arimiso war wxaa ska iloow talada dalka haloo daayo dadkeeda intaa si fiican u fakarto wxa qiyaas ha taageerin un nin reerkiinaa markaa aragto si fiican u fakar hadana 5 sano soo socota wxaa dowlad rasmiya oo wadanka dhan xoog ku qabata ku gaarsiinayaa waa prf c/weli cali gaas hadaa qabiil u necebtahy iyo hadii kale wxaa khasab kugu ah inaad taageerto intaad qixi lahayd ama alshabaab noqon lahyd ama belo kale kugu imaan lahyd iska hogaansan in lagu xukumo ogolw besa wa kale lagaama rabo adeer kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wxaan ka hadlayaa waa xaqiida wadanka ka muuqata hada maaha khiyaaliga iyo iska hadalka aan meelna gaarsiisnayn