C/weli Gaas iyo Faroole oo Kulan Xasaasi ah Ku Wada Yeeshay Nairobi (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku soo biiray xulufada Raysul wasaare C/weli Gaas oo ka mid ah musharixiinta tartanka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii maanta kulan albaabada u xiran yihiin ay ku wada yeesheen labada nin magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa Raxanreeb u sheegay in labada nin ay si weyn uga doodeen qaabka uu raysul wasaare Gaas ugu guuleysan karo ololaha doorashada madaxtinimada ee wadanka oo C/weli Gaas uu ku doonayo inuu ka qeybgalo 20-ka Agoosto. Waxaana taageeradiisa siiyey madaxweynaha Puntland oo sida la sheegay raba inuu ololaha Gaas meel maro.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale madaxweyne Faroole ku ballanqaaday in xildhibaanada cusub ee gobolada Puntland uga qeygali doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay codka siin doonaan C/weli Gaas maadaama uu loolan kula jiro laba nin oo kala ah madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan oo labaduba dhistay xulufo ku taageerta doorashada soo socota.

C/weli Gaas oo dhankiisa ku faraxsan taageerada madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale cabasho ka muujiyey in Labada Shariif ay loolad adag ku hayaan xulufadiisa isla markaana ay xiriiri geliyeen ololihiisa doorashada,  wuxuuna soo dhoweeyay in xildhibaanada ka imaanaya gobolada Sool iyo Sanaag lagu soo daro kooxda isaga u codeyn doonta si taasi loo helana waxaa uu Madaxweyne Faroole ku tirtiriisay inuu ku adkeysto in xildhibaanada beelaha Sool iyo Sanaag la soo marsiiyo Madaxweynaha Puntland.

Fashilka kulankii saxiixayaasha

Kulanka labada nin wuxuu dhacay saacad kadib markii uu saaka burburay shir illaa xalay lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya kaasoo madaxweyne Shariif saaka uu ka soo carooday.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen.

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne  Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada beesha Dhulbahante ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday.   Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole.

Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday.  Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!.

Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

26 Responses for “C/weli Gaas iyo Faroole oo Kulan Xasaasi ah Ku Wada Yeeshay Nairobi (Faahfaahin)”

  1. raxmo says:

    waan salaamay somaliyoo dhan waxaan usheegaya somali in aanan wanaag soosocan waxaa lawada wataa maqas afaysan rageena waxaa maskaxda kagalay sidee uheshaa tuubada madax nimo anagu hadaanu nahay dumarka iyo caruurta waxaan rabnaa gumaysiga Ameerika iyo Ingriiska waayo waxaanu halaynaa nabad school amaan iyo caafimaadka ragaygana waxaan leeyahay hala saaro maxkame deg deg ah waayo waanu dulmanahay dulmanahay ;

  2. maroodi says:

    Somaliweyney wxn kula talin lahaa meeshii ay ku hardamayaan nimankan danahooda fiirsanaya in ay ku baaba,ayaan dad fara badan waa hdii aad isku sii deysaan.somaliyeey ayahina u tashada.mid wxn oranayaa xildhibaanada soo dooran rabo madaxda wadanka in ay ka fiirsadaan aysan nagalin waqtigii aanu soo marnay 20 sano mid kadaran oo gumeysi noo dheeryahay mxaa yalay hada wxn ku jirnaa xalad xun iyo siyaasad gumeysi.marka walalayaal isku daya in iina jeebkeena fiirin oo waliba iina fiirin gobolka aad ka soo jeedaan.iyo waa ina adeerkey ee aad u xushaan aqoonta ilaah idin siiyy mid ogaaada hogaan xun hdii aad doorataan ilaah ayaa idinka jaaseeynaya oo aad jeebkiina ka doorbidaan danaha dalkiina iyo diintiina wabilaahi towfiikh

  3. Jeeska says:

    Soomali waxay heshiinaysaa marka ay joojiso damaca aan caqliga ku salaysnayn iyo qabiil kalaan wax u magacaabayaa, wixii aynu labaatanka sano wadnay ayaa weli in a dhexyaal la garan waa mudaad ku xawxawsatay lagugu fahame ka waantow.

  4. iftiimiye says:

    shirka sifiican ayuu ku dhamaday madaxweenaha waxuu ka xanaaqay markii kursiga laga kici yay wiilka uu adeer ku u yahay e c/qadir macalin nuur laguna farii si yay niin kii xaqa u lahaa e kasocday ahlu suna waljamaaca

  5. kkkkkkkkkk faroole ayaa gaas u ololaynaya oo laba nin oo ilma adeer ah haday isu ololeeyaan maxaa ku jaban waa wax iska caadi ah maxayse soo kordhin kartaa reerkooda waxay leeyihin 11 xildhibaan hadii xataa lugu daro ===== kale oo ======= aanay ku jiin ma 16 ayeey dhaafayaan kkkkk

    war cidaan yaa waxaysa ahayn iska dhigay

  6. Nabad Jecel says:

    ASC Dhamaan Somalida Somalinimada Jecel ama ku abtirsata, Salaan Kadib Somalibaa horay uga Maah Maahday oo Tiri (Nimaan Talin Jirin Hadii uu Taliyo Nimaan Tagi Jirin Baa Taga) Taasoo aan kawado Ninkii markii hore talo kasugaayey Faroole ayaa waqtiga iska lumiyey. Uma-maleeynayo in uu Faroole iskaba daa somaliye inuu reerkiisa habeen ooda usoo rogi karo, markaasaa talo looga fadhiyaa waxaan umaleeynayaa ineey tani kamitahay Calaamadaha Aaqiru samaanka ee aysan aheen ineey somalidu aqli la’aan hayso. Wabilaahi towfiiq

  7. somaali diid says:

    Kkkkkk
    Gaas ,Faroole war wuxu sheka xumaa waxay qabyalada qaawani maxay tahay reer Sool iyo reer sanag haydorato,, qashin ,kkkkk sheka xumaa maba xishodan malaha …Farole qunsulkii xamar ujogay ayuu raba inu dadka sanka ka gasho .suuq malaha

  8. Rooraaye says:

    Faroole viva putland we are the winner always dont worry boowe soomaali anagaa hogaamina khaatumo yaa dhalay jabhada cali galeyr waa wey ,ka hartey loolankii waa fashilantey maxaa soo harey sharii shariifkalaa lugaha haysta oo asagaa hurdo ladimaayo wixii soo harey waa xaabo lacagbaa indhaha loo gelin gaas waamadaxweynaha agoosto ladooran ama waa fowdo la soco

  9. Asad Yare says:

    Somali wax dan ah uma wadaan ee bal aan aragno halkay ku biyo shubato iyo cidda ku adkaata iyo in uu Faroole ku guulaysto damiciisa

  10. somali says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk hays raacdo diidaye , hays raamsatee daa !!

  11. bulshaawi says:

    ilaahay somalila ha u gargaaro meel xun bay afka kusii haysaaye

  12. bulshaawi says:

    allow sahal amuuraha maxaa siyaasad gurracan socota

  13. mudug-hero says:

    Kkkkkkkk somalida abaal malahan waana jisaariin waxaa taaas kuu cadaynaya dadkii meeshaan dowlada soo gaarsiiyey ee mudane madaxweyne faroole iyo mudane raysal wasaare c.wali gaas bay leeyihiin waa dad wadanka qaribaya..! Taas wax la aqbali karo ma ahan ma shariifyadaan isximinaya oo aqoon darado hayso oo aan siyaasada baal ka soo rogi karin bay leeyihiin dadka iyo dalka halgu haleeyo maya… Maya …. Taas marna ha ku riyoonina wadanka waxaa utaliya dadka iska leh oo taladu ka go’do waana gaas iyo faroole sanadkaana waxaa madaxweynaha noqonaya Mudane madaxweyne C.wali Ali Gaas insha allah shariifyaduna baarlamaanka bay isku qabsanayaan wixii PUNTLAND aan lala socodsiin hakayabin in ay fulaan hadii gaas la dooran waayana dowladba majirto ogowsaas from g/dhexe to k/somalya

  14. xasan says:

    kkkkk ceb ayaa karaacday sheekh shariif dee haamamusho kuraasta beeshiisa kuwa beelaha kale iyaaga maamulan aya ladhay kkk wuuna xanaaqay shirkiina waala socodsiiyey wana soo dhamaaday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dee shariif xitaa beeshiisa kama haysto kuraas ilaa lafta uuka dhashay kama haysto saka ayuu baraarugay walee kursi danbe kuma fariisatid faroole geesi sidaas halgaaga cararo kkkkkkkkkk dalka dhan faroole ayaa madaxwene ka ah viva puntland www

  15. gaasira says:

    faroole cadho celin buu nairobi ku tagey hadana waa doorkii sheekh shariif oo xamar buu ku soo noqday isagoo sugaya cadho celin iyo shuruudihiisoo la yeelo kkkkkkkkkkkkk waa ha wareegto giraantu

  16. somalia says:

    somalia dadkeedii baa cidla dhigay wadan wuxuu ka kooban yahay ma ahan physical features iyo xuduu daha waxa ka muhiimsan dadka somalia ceeb iyo fashil bay kujirtaa dunida meel laga sharfo majirto dowlad madax banaan in madax deedii hor fadhiistaan saraakiil maraykkan ah xataa midkood mahan maamuladii dalka waa fadhiyaan waan fashilanay somali hadaan nahay We failed to protect our integrity and liberty fiiri xoriyaadii iyo sharaftii baa laga qaaday madaxdii somalida madax wa kuwa la maamuso dadkoodana xilka si hufan uguta shaqadaa loo dhiibay ma soo noqon doono sharafkii somalia uu lahaa ummadaha kale dhexdooda . habka wax qaybsiga somalia ma laga gudbayo xili dhow it will take another 20 years to come to where we were in back days

  17. Garyaqaan says:

    Baardhere boy. Intaad cidkale u jeedid a away kaalintii. Cidaaada. Hadii faro ole uu geed ku xiray siyaasiyiinta ”””””’ u hambalyee. ”””””’ waxuu ordaba walee. ;;;;;;;;;;;; baa ganbargaaban ugu fadhiya.

  18. M.H.Buraleh says:

    Bilo ninkii doonaa wuu helaa. Cagtii joogsan weyada ceeb inay la kulmi waa hubaal. Xaakin qarqoos badani dunidan way soo mareen,bal dib u milicsada oo keliya wixii inta badan ku habsadey kuwii sharka iyo dulmiga Soomaaliya ka qayb qaatay intii burburka.

  19. profoser says:

    SAX PUMTLAND HA SOO GHISTO XILDHIBANADA SOOL IYO SANAAG MAAGAMA AY HOOS TAGAAN DR FAROOLE

  20. QARAN-JECEL says:

    TO XASAN XAAR-WEYNE
    WARYAA FAROOLE AABIHIIS MELES SENAAWI WUU BAKHTIYEY EE XAGUU U CARARAA YAA ILMO DAANYEER IN AAD TIHIIN OO CAQLI LAHAYN, WELIGIIS SIDAAS U SOCDA DHARBAAXO AYAA IDINKU DHICI DOONTO,,,

  21. mahmed abdikarim says:

    Umadu waa forsale ragbaana ku gorgortamaya inaguna mahano in uu yahay film kii 20sano aan daawanayney sacab.baan ku filenahay,ilaahow caqliga inoo sooceli cudurka qabyaaladana naga saar

  22. Just la yaab surprise, i dont what is going on, may ALLAH bring our hearts togather and show us the right way, we have been blindfolded by what we call “international community” should not we say [[[ those who are meddaling our own affairs, why we should not kick Mr Mehing out of our way and mind on our future , this is nasty act for s to go on, we can be master of ourselves. take example Somaliland
    who take their destiny with their own hands. look what is going on Puntland at leat they are managing thetheir social and economic matters and determine to ……………………

  23. ali says:

    @kan Qaran jecel la baxay qaran ma jeclide tuug baad tahay khaatumoseeg ah, Cali beesatayn baad meesha la timaadeen oo qarankii somaliyeed har cad lacagtii warshadda mareeray la cararay oo la baxsaday oo la wada ogyahay. Sh. Shariif iyo Cali beesateen labadaba dan iyo kursi un baa lagu raadinayaaye dan kale looma Khaatumo looma samayn Faroole waa ninka difaaca goorta lasoo weeraro Calina xataa dhiigooduu ku raaxaystaa iyo laynta dhuloos saa waa gune gunna sokeeye la dirir caqli aan ahayn ninkii i aaminaya iyo kii igu diidayowba CALI KHALIIF GALAYR CAQLI KU FILAN MALAHA horaa tijaabadeeda loo sameeyey oo ay caddaatay. nin meel fog waxka keeni karana maaha oo wax soo kordhin kara wax walboo loo dirsadana fashil bay ku dhammadaan. Taa anigaaa ka mas’uul ah hadday beenowdo.

  24. Cadaad Hurumbe says:

    Waar bal eega dadka laleeyahey Wadanka ha hoggamiyeen. Afar jaahil iyo mid qabiileyste ah ayuu taqriiral masiirki ummadda gacanta u galey, markii Somali laga waayey war tashada sidii aydun baaba uga bixi lahaydeen. Xaggee mareen kumaankunkii professer ee ku doodayey aqoonta. Somali ELLAAH bey leedahey.

  25. abdi says:

    @ ali
    naagna afkeeda lagama xaalsiiyo. cali khaliif waa nin ;;;;;;;;;;;;;;;; ah. waana geesi adiga iyo sabta aad ka soo jeedo ba ka caqli badan.
    dhuloos adiga talo kaagama baahna iyo noocaaga oo kale. waxaa utalinaaya cali khaliif,iyo garaadadoda. waxaana kuu balan qaadayaa inuu codowga khaatumo baaqiga cali khalliif u celin doono.
    waan kula fahmayaa waxa kaa cabaadinaya laakiin ma istaahishid in laguu jawabo.mida kale yaad u haysataa dhuloos? yaadse u haysataa ;;;;;;;;;;;;;;;; ? waxayse iku hayaan iyo waxa ka dhexeeya ka wayn ma taqaanaa? khaatumo state and puntiland state of somalia are exchangible fool both of them belong to SOMALIA AND ;;;;;;;;;;;;;;;; CLAN.This reminded me great poet khaliif sh maxamuud.

    hadii laba libaax hilib dhexmaro way kurantaaye.
    mac macaanka iyo hilibka waa la isku maagaaye.
    misna waxay heshiiyaan markuu dhidar u muuqdaaye.

    waxaad tahay adigu DHIDARKAAS EE OGOOW.

  26. Gujis says:

    Jaalayaal Somaliweyney miyanaay Somaliland ku toosnayn in ka talo baxdo Somali maryooley sidaas uun isu wada haysata oo meel cidlo ah oo qudhuntay weli ku dhex murmaya. Sida ay Somaliland gooni isaga taagtay falaad xumadaas ay wadaan dadkan uu caqligu cidhbaha kaga jiro. Waxa talod haanta oo waa kuwaas dumarkiina khtayaan ka joogsaday waxa ay mooryaanta siyaasaddu ku hayso. Miyaanay lu saxsanayn Marwo Raxmo shisheeyaha ay u qayshatay marka ay aragtay in aanu dhammaad lahayn Batari lagu guro gabdhaha iyo hooyooyinka ee meel walba ku silcay. Waxa aanu soo dhoeynayanaa Haweenka oo ah in loo gargaaro.

Leave a Reply