DAAWO SAWIRADA: Shirkii Golaha Ansixinta Dastuurka Cusub Oo La Soo Xiray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maanta ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay shirkii lagu ansixinayay Dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyadoona xiritaankii shirkaan loo qabtay munaasabad balaaran oo ay ka qayb galeen madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya.

Ka dib mudo sagaal maalmood ah oo ay socotay howsha Dastuurka ayaa maanta ugu danbayntii waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay shirkii golaha ansixinta Dastuurka.

Dhanaanba Ergada Golaha ansixinta Dastuurka ayaa waxaa la siiyay shahaadooyin maanta, taasi oo ku aadan in lagu aqoonsado maadaama ay yihiin dadkii meel mariyay dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed cali gaas oo ka hadlay xaflada lagu soo xirayay holaha Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu u mahadceliyay Ergada, wuxuuna sheegay dastuurkaan in uu hor mar u horseedi doono Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa asna dhankiisa wuxuu sheegay dastuurkaan in uu yahay mid wanaagsan, waxaana madaxweynuhu uu carabka ku adkeeyay in dastuurkaan uu ka mid yahay dastuurada ugu wanaagsan caalamka oo dhan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda Haweynka Soomaaliyeed oo la siiyo qoondadooda ah in ay helaan 30%, baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Egada golaha ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa shirkoodu wuxuu si rasmi ah uu u bilowday 25-bishii aan soo dhaafnay ee July, iyadoona maanta uu ku soo idlaaday si nabad ah.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Shirkii Golaha Ansixinta Dastuurka Cusub Oo La Soo Xiray”

  1. shu says:

    warkaas oo video ah waa kan http://youtu.be/H3oGP-2-1jw

  2. [...] Visit link: DAAWO SAWIRADA: Shirkii Golaha Ansixinta Dastuurka Cusub Oo La Soo Xiray [...]

Leave a Reply