Dab Khasaaro Geestay Oo Qabsaday Suuq Ku Yaala Xerada IFO
IFO [Radio RBC] Waxa xaley dab xooggan uu qabsaday suuq ku yaala xerada qoxootiga IFO ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.
Dabka ayaa waxa uu kacay saqdii dhexe ee xelay, waxana la sheegay in uu baabiyay dhammaan wixii yaalay suuqa, waxana uu socday dhowr saacadood, sida ay lee yihiin dadkii ku sugnaa goobta iyo kuwa hantidooda ku waayay.
Ilaa hadda lamo oga waxa sababay dabka khasaaraha geestay, laakin waxa la lee yahay, waxa dabka sababa u ah goob shidaal ah oo uu ka kacay.
Laakin dad kale ayaa sheegaya in dabka uu qabsaday warshad soo saarta alaabta guryaha ee ku taala suuqa IFO,
Waxa la arkaayay boqolaal qof oo isku soo baxay suuqa dabka qabsaday, kuwaas oo isku dayay in ay damiyaan dabka, laakin laguma guuleesan.
Dabka waxa uu geestay khasaaro maaliyad ah, waxa uu baabi’yay dhismooyin badan oo ku yaalay suuqa xerada IFO.
Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu dabku geystay, marka laga reebo goobo ganacsi oo ku baaba’ay, oo intooda badan ka sameysnaa cooshado iyo baco.
Dabka, waxa markii dambe ku guuleestay, dadka ku nool xeryaha qoxootiga dalka Kenya, dowladda iyo hey’adda qoxootiga ee halkaas ka jira wax war ah kama soo saarin.
Xeryaha dhadhaab, IFO, iyo xagardheer, ayaa waxa ay yihiin kuwa ugu ballaaran dunidda, waxa ku jira 5oo, 000 oo qof, kuwaasoo u badan Soomaaliya
Waa dabkii seddaxaad ee ka dhaca xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari dalka Kenya, bishan Ramadaan , waxa horrey dab u qabsaday labo suuq oo ku yaalay xeryaha Xagardheer iyo dhagaxleey ee gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Nairobi










