Dad Ay Eeyo Raabiyo Qaba Soo Dhaawacey Oo La Keenay Muqdisho.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Waxa Maanta magaalada Muqdisho la keenay ilaa shan qof oo u badan carruur kuwaas oo ku soo dhaawacmay weerar ay ku qaadeen eeyo raabiyo qaba gobalka Shabeelaha Hoose.

Dr. Cabdi Raxmaan Cali Cawaale (Dr.Xabeeb), waxa uu madax ka yahay Isbitaal lagu daweeyo dadka ka xannuunsanaya Dhimirka, waxa uu maanta u sheegay saxaafadda in isbitaalkiisa la keenay dad ay dhaawacyo soo gaarsiiyeen eeyo.

Wuxuu sheegay in dadkan oo ay ku jiraan carruur laga keenay deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay weerar ku soo qaadeen meel ay joogeyn raxan eeyo ah.

“Waxa isbitaalkeena la keenay dad ay soo dhawaceen eeyo qaba raabiyo, kuwaasoo qaar kood halis ah, waxa ay ku dhow yihiin in ay dhintaan haddii daawo aan lala soo gaarin” ayuu yiri Dr. Xabeeb.

Waxa kaloo uu sheegay in dawo lagula tacaalo dadka dhaawaca aan laga heli karin Isbitaalada Muqdisho, oo meesha ugu dhow ay tahay magaalada Nairobi sida uu hadalka dhigay.

Wuxu kaloo sheegya Dr. Xabeeb sheegay in ay dadkan ay u baahan yihiin in dibadda loo qaado xannuunkooda.

Deeganka Buula-Mareer waxa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ma ahan wax ku cusub in eeyo ay ku qaniinaan deeganno ka tirsan gobalada dalka, laakin waxa hadda soo badanaya eeyaha raabiyada qaba ee weerar dadka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Dad Ay Eeyo Raabiyo Qaba Soo Dhaawacey Oo La Keenay Muqdisho.”

  1. [...] Read the article: Dad Ay Eeyo Raabiyo Qaba Soo Dhaawacey Oo La Keenay Muqdisho. [...]

  2. Suul-Cawro says:

    Ilaahow u fududee dhaawacyada dadkaas, Aamiin!

    Eeyihii wayba ka dareen markaan. Miyaysan la socon in waraaboo waligiis wax cunayay asagii la cunay? Wacade hadeysan Eeyuhu joogin in ayagana la cunin.

    Aaway rageedii, hada cunid ku bilaaba najaasta.

    Ku: Raxanreeb

    Farta kalarkeeda naga badala Fadlan. Sideebay wax idinka noqdeen rag Profesional ah baan idinku ogaaye? Waa maxay guduudku?

Leave a Reply