Dad lagu soo qabqabtay Khamrig oo Maxkamada Gaalkacyo ay xukuntay iyaga iyo Khamrigii lagu qabtay (Sawirro)
Maxkamadda Darajada 1aad ee Gaalkacyo ayaa maanta waxay xukun Xabsi iyo ganaax lacageed ku ridday Affar Eedaysane oo ka mid ahaa Shan Nin oo ay ciidanka amniga gaalkacyo gacanta ku dhigeen xili ay doonayeen inay soo galiyaan gudaha magaalada.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo Sh C/naasir C/dalle Jaamac ayaa ku dhawaaqay Xukunka Danbiilayaasha iyo danbi-laawaha, Goobta Maxkamadayntu ay ka dhacaysay oo ahayd Xabsiga weyn ee Gaalkacyo ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Max’ed Yuusuf Jaamac,Duqa Degmada Gaalkacyo,Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Col Muxiyad Axmed Muuse, Saraakiisha Qaybta Booliska Gaalkacyo iyo Masuuliyiin kale iyadoo sidoo kale ay goob joog ahaayeen qaar ka mida Culimada Diinta, Shanta nin ayaa Saddex ka mida waxaa lagu soo qabtay 78 dhalo oo Khamri ah nooca loo yaqaan DRY GIN, halka mid ka mid ahna ay ku cadaatay in lagu soo qabtay 139 dhalo oo isla DRY GIN ah halka kan Shanaadna lagu waayay wax danbiya.
Ragga kala ah Max’ed Aaden Shire, C/wali Mire Axmed iyo Shaafici Max’ed C/dille ayaa lagu xukumay min Hal sanno iyo bar oo xabsi ah iyo ganaax lacaga oo dhan $ 700 oo Dollar.
Nin lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Nuur oo loo yaqaan (Udug) isla markaana caadaystay ka ganacsiga Maandooriyaha Khamriga ayay Maxkamaddu ku xukuntay Affar sanno oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo ah $ 3000 oo Dollar, balse waxay maxkamada xoriyadiisa dib u siisay oo ay iska fasaxday markii wax danbiya lagu waayay Max’ed Axmed Faarax oo markii la qabanayay la socday gaari market ah danbiile Udug oo gaarigiisa ku watay 139 dhalo oo Khamriya kana soo safriyay degmada Gallaadi ee Kililka Shanaad Ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya, Waxay sidoo kale Maxkamaddu xukuntay in Dawladu ay la wareegto labo gaari oo
lagu soo qabtay Khamrigaasi.
Maandooriyahan dareerahaa ee Khamriga oo ahaa labo qaybood oo ay soo kala qabteen Ciidanka Asluubta Gaalkacyo iyo qayb ay soo qabteen Ciidankii dhawaan yimid gobolka Mudug Celceliska Khamigaasi ayaa ahaa 224 Dhalo oo DRY Gin ah waxaan guud ahaan Khamrigaasi la xukumay lagu gubay duleedka xabsiga weyn, waxaana goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Mudug Mr Tigey oo si weyn u taabtay waxyeelada Khamriga iyo sida ay Amniga u waxyeelayso, Taliye Ku xigeenka Booliska Mudug Col Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa isaguna bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan, Shiikh Axmed Garyare oo ka mida Culimada diinta Ee gobolka ayaa isaguna goobta ka akhriyay Aaayado quraana iyo axaaxiid ka hadlaya Khamriga wuxuuna bulshada ku booriyay inay ka dhawrsoonaadaan.






























Qamriga eey amxaarada idan bartay iska ilaaliya ubadkiinana ka ilaashada.
Dowladihii jiray laga soo bilaabo 1960 kii qamrigu sharci ayuu wadanka ka ahaa ,wasaarada dalxiiska ayaa soo dejin jirtay oo geyn jirtay,hotel curuuba,hotel jubba,baar gambar,baar taleex,baar garden iyo dalkoo dhan.hadana waa taas dadka lagu xerayo ma dastuurki baa wax iska bedeleen?
anigoo ka xun waxa dalka oodan kadhacaya hadana waa la ogal yahay maandooriye qaad oo waa laga ganacsadaa lakiin dawo qamri waa la mabbnuucaa waa run diin tu ma ogala sidoo kale dilaaga qaad waa la ogal yahey midkee baa cadawga itoobiya waxkasoo galaa oo dibloogu celiyaa doolar badan waa run itoobiya masameeyso gin lakii waxaa kabaxa geedka ugu dilka badan eedhalinta laaya waxaa doolada puntiland kula tali lahaa sii daaya ganacsatada hadii kale waa qurgooyo laqgu hayn doono dadka madaxda sheeganayo kana soo hor jeeda qamri bal isla meel dhig qaad iyo qamri ganacsigu waa xor itoobiya haloo ilaaliyo qaadka ganacsatada haloo diido lacag badanb waa faroole filinkiisa waxay noo tahay doorashada meel gaari wayday puntiland cimri dheer ganacsi xor ah salaama
War kuwaan Qamiriga u mudacayaa maxay ahaayeen?War dadku ma Oromaa amasee waa gaalo iska yeel?Heedhahaya maxaa idin ka qaaday oo fakarka macquulka ah idin feer marshey?Haddii ay qaldanaayeen maamuladii hore ee soomaliya ma waxaad leedahiin haddana halala qaldamo?Saaxiibayaal waad ceebawdeen ee dhuunta
Waayo Qamraad qiil u raadinaysaan.