Dadka Ku Dhaqan Xaafadaha Waqooyiga Muqdisho oo Ka Cabanaya Dhac iyo Kufsi Ay Geysanayaan Ciidamada Dawlada
Muqdisho (RBC) Dadweynaha ku dhaqan xaafadaha degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhac iyo kufsi baahsan oo ay geysanayaan ciidamo ku lebisan dharka tuutaha oo hubeysan kuwaasoo habeen iyo maalin dhex socda xaafadaha.
Baaqyada qeylodhaanta ee dadweynaha ka soo yeerayay ayaa maanta waxaa sii xoojiyey gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Xasan Jurus oo shaaciyey in dhaca dadka lagu hayo uu faraha ka sii baxay.
Gudoomiyaha Yaaqshiid oo la hadlay warbaahinta gudaha saaka ayaa shaaciyey in cabasho arinta ay dhaaftay oo ay taagan tahay ficil deg deg ah oo looga baahan yahay dawlada.
Dhaca ayaa la sheegayaa in xitaa maalintii cad dadka loogu geysto xaafadaha dhexdooda iyadoo dukaamada loo dhaco oo laga qaadanayo waxa yaalla.
Mid kamid ah haweenka degan xaafada Towfiiq oo ka tirsan Huriwaa ayaa Raxanreeb u sheegay in labo habeen ka hor guri ay deris ahaayeen loo dhacay lagana qaatay lacag iyo telefoonada gacanta ee mobilka, waxaana usoo dhacay sida ay sheegtay rag tuutaha ku lebisan oo hubeysan oo isqarinayey.
Kufsiga haweenka loo geysanayo ayaa sidoo kale si aan la arkin u sii kordhaya beryahan, waxaana sida hawlwadeeno isbitaalka SOS ku sugan ay u xaqiijiyeen Raxanreeb toddobaadkan kaliya isbitaalka la geeyay afar gabdhood oo rag hubeysan ay kufsadeen.
Dadka ayaa sheegaya in habeenkii aan dibadda loo bixi karin, xitaa salaadaha aysan ku soo tukan karin masaajidada sababo la xiriira askarta dadka dhacaysa oo ay ka cabsanayaan darteed.
Gudoomiyaha Yaaqshiid wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban waayey dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ee dhowaan guryahooda dib ugu soo laabtay.
Illaa hadda wasaarada arimaha gudaha iyo taliska ciidamada kama hadlin cabashada sii kordheysa ee dadweynaha waqooyiga Muqdisho ka soo yeereysa.
Dhacdooyinkan oo kale waxay weli ka taagan yihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose oo uu booqasho saddex maalin ka hor ku tagay madaxweyne Shariif oo dadka ka raaligeliyey dhibaatadii ay ciidamada u geysteen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Dadku kumaysan farxin markii shabaab laga cayriyey ee way udarsadeen, dadku way ogaayeen wiilashaas yar yar wax dhaama inaysan jirin hadi dawladi ay sidan tahay maxaa shabaab lagu diiday, wax kale maaha ee shabaaboow aan gabdhaha kufsanee noo daaya waaye, dadku nabad galyo ayey hasyteen intuu shabaab joogay xili dambe oo saq dhexana waad socon kartay misajida ay hada leeyihiina ma aadi karno khasab ayey ahayd inay aadaan, war dadka mooryaanta halaga qabto, war dadku wa somali war inkaartii mala ilaaway? Mooryaantaan ramadaanka dadka dhacaya oo gabdhaha kufsanaya maxad umlaysnaa markii ramadaan laga baxo.
Walle waxaa iimuuqda calaamdihii ay shabaab kusoo noqon lahaayeen, waadna arki doontaa dadka deegaanku inay is hubeeyaan oo shabaab isku badalaan ama shabaab inay taageeraan oo wiilal iyo lacag udiraan si marlabaad ugu soo nodaan, igana qora hadalkaan shabaab way soo noqon doonaan somalia oo dhana way qabsan doonaan.
waxaasi hadday jirto wili dalkeena tolow dhib baa kujira
waxan yaabey dadka wax kufsanaya
kuwaas masoomanyihiin
ilaahayow nabad, cadaalad iyo madaxdawanaagsan
nasii aamin aamin
Subxan alah war ilahay halagabaqo adban ugaxumahay dadka kufsiga iyo dhaca yaa kamasula dadka dhbta loo gaysato wamadaxda dowlada gabdhahodii intay melnabada gayen bay gabdhihi kale ku fasxen ama ka amusen oo aysan arkayn dhbta haysata gabdhaha somaliya ilahay dhibta lagu hayo umada khayr ha ugubadalo amin
shabaab waa sideey u galbadeen ha noo sheegina. ilaa dowladii cabulaahi yuusuf ayey askartu dhib ku hayeen umadda ilaa iyo haddana waa sidoodii waa wax laga naxo in eey shacabka laayaan oo dumarka kufsadaan oo waxeey rabaan sameeyaan .yaa kuwaan umadda ka qabto.
waxaan idinkaa buunbuuninaayo ma jiraan waxa aad sheegaysaan hadii ay jiraane waa hal ama laba marka ma haboona in aad wax xun buunbuunisaan mana qorin websedyada kale marka ma garanaayo colaadiina waxa ay salka ku heeyso
dowlada maskaxdaa madow warsee ciidankii arintaa usamaynaya mase kulatahay ninkii manta walashi lakufsaday inuu aritaa kadhiidhiyayn mayee walaahi inuu ku laqaa waxaan haday jidho alshabaab waalagama marmaan qofwalbana hubkii ayuu dib uqadanayaa, waamaxay madaxway nihii ayaa afgooye dadka dhibkaan loogaystay karali galinaya taas waa indho adayg iyo masulnimo xumo
[...] bandhigay uu xalay saqdii dhexe weerar bambo gacmeed ku soo qaaday fariisin ay ciidanka ku lahaayeen meel u dhow Laanta Towfiiq isagoo sheegay inuu ka mid ahaa ururka [...]
[...] bandhigay uu xalay saqdii dhexe weerar bambo gacmeed ku soo qaaday fariisin ay ciidanka ku lahaayeen meel u dhow Laanta Towfiiq isagoo sheegay inuu ka mid ahaa ururka [...]