Dahabshiil Group oo Deeq Shan Boqol oo Xoolo Nool ah isku mar u Qaybiyay Bukaan-jiifka 20 Magaalo
Hargeysa(RBC):- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa maanta deeq dhan 500 oo neef u qaybiyay isku mar u qaybiyay bukaan-jiifka cusbitaallada 20 magaalo oo ay ku yaalliin xafiisyada ugu waaweyn ee shirkadda Dahabshiil.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed goor dhoweyd naga soo gaadhay xarunta guud ee shirkadda Dahabshiil ee magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan:
“Waxa shirkadaha Dahabshiil Group, oo kala ah Xawaaladda, Somtel, Dahabshiil Bank iyo Ganacsiga, farxad u ah inay kagala qayb-qaadato Bisha Ramadaan ee Barakaysan ummadda Muslinka ah, gaar ahaan, dadka bukaan-jiifka ku ah cusbataallada dadweynaha (Public Hospitals) ku kala yaalla 20 magaalo, oo ay ku yaalliin xafiisyada u waaweyn ee shirkadda Dahabshiil, deeq xoolo nool ah si loogu daryeelo dadkaa jilicsan fadliga bishaa barakaysan awgeed.
Shirkadaha Dahabshiil Group waxay ugu talo galeen in 500 oo neef oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.
Waxa deeqdan dhmmaanteed laga qaybiyey 20ka magaalo isku mar oo ku beegan 5 August 2012. Deeqdani, oo ay ku baxayso xaddi lacageed oo ka badan US$50 000, waxay ka mid tahay hawlaha lagu weyneynayo bisha barakaysan ee Ramadaan oo qayb ka ah hawlaha samafalka iyo daryeelka bulshada ee shirkadaha Dahabshiil Group ku taakulayso qaybaha kala duwan ee bulshada danleyda ah ee Soomaalida.
Deeqdani waxay qayb ka tahay mucaawimooyinka sida joogtada ah bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah shirkadda Dahabshiil ugu taakulayso. Shirkadda Dahabshiil waxay ka shaqaysaa in ka badan 155 dal oo dunida ah.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











[...] Read the article: Dahabshiil Group oo Deeq Shan Boqol oo Xoolo Nool ah isku mar u Qaybiyay Bukaan-jiifka 20 Magaalo [...]
dahabshiil reer galmudug dhibkay ku hayaan haka dayaan siyaasadoodana faraha hakala baxaan oo ganacsigooda haku ekaadaan haday sumcan rabaan ari la bixiyo sumcad laguma helee hala idinka amaan helo
waar maye qoladii cudurka isir nacaybku hayay ee cida wanaaga wada fadeexadayn jirtay misewax ay yidhaahdaan bay garan kari la yihiin.
taxa aan hubaa in uu dahabshiil bilad dahaba uu leeyahay marka ay timaado somaalinimada,bal soo sheega nin kale oo ganacsatada somaliyeed ka mida oo deeqda ilaahay siiyay wax ka bixiya .
waxaan qoladaa isir nacaybku uu ku dhacay kula talin lahaa siyaasada somalida iyo kala garta waxa ay tahay somaalinimadu.
illaahay baa awood leh
Dahabshiil groub ilaahay kheyriyo xasanadaan ha ka siiyo sadaqadaan ay umadooda jilicsan uugu deeqeen, qabqabay@ isir neceybka iyo cuqdadu waa waxa ey 20 sano dowlad la’aantu u haysatey.
viva dahab shiil
ku dayda dahabshiil waxaan leeyahy dad qabiilku asiibay ilahay haydinka caafiyo ganacsigu qabiil malahee