Dahabshiil oo Bilawday inay Shaqeeyaan ilaa Xilliyo Dambe oo Habbeenkii ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xawaaladaha Shirkadda Dahabshiil Group ee magaalooyinka iyo degmooyinka gobollada Somaliland, ayaa lagu kordhiyey waqti dheeraad ah oo ay shaqeeyaan xilliyada habeenkii, kadib markii kor-u-kac badani ku yimi tirada macaamiisha shirkadda oo buux-dhaafiyey xarumaha kala duwan u diyaar-garawga Ciidul fidriga awgeed oo guud ahaan si weyn suuqyada dalka looga dareemayo.

Guud ahaanba xafiisyada Xawaaladaha Shirkadda Dahabshiil ku leedahay magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka kala duwan ee gobollada Somaliland, ayaa bilaabay tobankii dambe ee bishan barakaysan ee Ramadaan inay habeen iyo maalinba shaqeeyaan, iyadoo dadweynuhuna safaf ugu jiraan qaadashada iyo dhigashada lacagaha, gaar ahaan qaadashada lacagaha waqtiga Ciidda awgeed dadka  eheladooda qurbuhu u soo diraan iyo kuwa lacagtu ugu kaydsan tahay shirkadda. Waxaanna qaybaha bulshadu si farxad leh u soo dhaweeyeen waqtiga habeenkii ee ay shirkaddu ku soo kordhisay shaqadeeda oo hadda ka hor maalintii oo keliya ku ekeyd.

Haddaba, warbixin xiiso badan oo Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ah weriye ka dirsan Raxanreeb.com (RBC) ka diyaariyey shaqada xawaaladaha shirkadda iyo diyaar-garowga munaasibadda Ciidul Fidriga ee suuqyada Hargeysa, waxay u dhignayd sidan;

“Waxa ii suuragashay inaan xalay booqdo goobo ka mid ah suuqyada ganacsiga ee magaalada Hargeysa iyo Xarunta dhexe ee Xawaaladaha Dahabshiil ee Gargaar, taasoo waqtigaas oo ku beegnayd ilaa 9:00 habeenimo dadweynuhu safaf ugu jireen adeegyada ay bixiso ee lacagaha sida qaadashada, dhigashada iyo sarrifkaba, isla markaana masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada shirkadda Dahabshiil ay ku guda-jireen hawlaha shaqo iyo kormeeridda sida shaqada habeenkii ee shirkaddu kordhisay u socoto.

Maamule ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex ee Xawaaladaha Dahabshiil Xirsi Barre oo ka mid ahaa masuuliyiinta aan xalay kulmay xarunta Xawaaladda Dahabshiil ee Gargaar, ayaa iiga warramay warramay sababta xilliga habeenkii ay shaqada ugu kordhisay shirkaddu iyo waxyaabaha sannadkan ku soo kordhay dhinaca macaamiisha.

“Haddii aannu nahay laamaha Hargeysa ee Shirkadda Dahabshiil waxaannu ugu talogalnay macaamiishayada sharafta leh ee gobolka Maroodi-jeex inaannu u shaqayno sidii caadadu ahaan jirtay maalmaha u dambeeya bisha barakaysan ee Ramadaan, annaga oo uga jeedna inaannu sii laban-laabno habsami u socodka hawlahayaga shaqo ee aannu macaamiishayada u hayno, iyaga oo dadku ay maalmihii ugu dambeeyey bisha barakaysan ay ku jiraan, diyaar-garawga ciidul-fidriga awgeed-na dadka xaqal-ciid fara badan loo soo dirayo. Markaa, annaga oo taa ka duulayo ayaannu go’aansannay inaannu laban laabno shaqadii aannu macaamiishayada u haynay,” ayuu yidi Xirsi Barre.

Waxa kale oo Xirsi Barre sheegay in guud ahaan laamaha shirkadda ee gobolka Hargeysa shaqaynayaan, waxaannu yidhi, “Waruntan oo keliyana maaha ee xafiisyada gobolka Maroodi-jeex oo dhan baa shaqaynaya, ilaa soddon laamood baa shaqaynaya, sida laamaha magaalada Hargeysa oo dhan, Allay-baday, magaalada Balli-gubadle ee gobolka Hawd, Sallaxlay, Dacar-budhuq, Hara-sheekh iyo guud ahaanba gobolka, annaga oo heegan ugu jirna inaannu raalligelinno macaamiishayada oo dhan. Ilaahay mahaddii marba marka ka dambaysa shirkaddu kor bay u sii socotaa, shaqadeeda iyo macaamiisheeduna way sii badanayaan, sannadkan korodh aad u badan oo ka duwan sidii sannadkii hore ayaa jira, xafiisyo badan oo cusub baanu ka furnay Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba.”

Maareeye ku-xigeenka oo aan weydiiyey waqtiga ay habeenkii rawaxaan ama shaqadoodu ku ektahay, waxa uu ku jawaabay; “Shaqadii aannu macaamiisha u qabanaynay way saddex jibaarantay baan odhan karaa, waanad arkaysaa inay dadweynuhu safaf ugu jiraan qaadashada lacagta, markaa iyada oo taa la daboolayo ayaanu waqtigan kordhinnay. Shaqadayada habeenkii waqti cayiman malaha ee waxay ku xidhan tahay macaamiisha, inta qof macmiil ah oo lacag loo soo diray safka taagan yahayna waannu shaqaynaynaa haddii waagu nooga beryeyo.”

Sidoo kale, Maareeye-ku-xigeenka guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed oo isna aan kula kulmay xarunta Gargaar waqti uu ku jiray kormeer shaqo, ayaan weydiiyey waxa sannadkan soo kordhay ee iyadoo toban casho ka hadhsan yihiin Ciidda ay shaqada habeenkii u bilaabeen, halkii sannadihii hore shaqada la kordhin jiray dhawrka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadaan, waxaanu ku jawaabay, “Anigu waxaan halkan caawa oo ay saacaddu tahay abbaaro sagaalkii habeennimo u joogaa kormeer Laanta Xawaaladda Dahabshiil ee Gargaar, waxaan kormeerayey habsami u socodka shaqada, waayo waxa jira Lacag fara badan oo lagu soo xaraynayo xafiisyada Dahabshiil iyo Lacago badan oo dadku la baxayaan. Waxa kale oo aan keenay laantan niman gaadh ah oo aannu ku xoojinayno inay ilaalinaya dadku marka ay lacagta qaataan maaddaama oo ay xilli habeen ah tahay si aan loo waxyeellaynin.”

“Markaa waxa aad u badan macaamiishii oo badatay, lacag badan oo la soo diray oo dadku qaadanayaan iyo lacag badan oo la soo xaraynayo, taas ayaana sababtay inaannu halkii sannaddadii hore aannu habeenkii ku kordhin jirnay shaqada 25-ka Ramadaan, aannu sannadkan ka dhigno 20-ka Ramadaan. Hargeysa ama gobolka Maroodi-jeex oo keliya shaqadan habeenkii laguma kordhin ee guud ahaanba Xafiisyada iyo xarumaha Shirkadda Dahabshiil ee gobollada Somaliland oo dhan baa shaqaynaya, si macaamiisha loogu fududeeyo adeegga ay Dahabshiil u hayso, markaa xataa Jimcayaasha waa la shaqaynayaa illaa Ciidda,” ayuu yidhi Cabdi Faarax Axmed.

Geesta kale, qaar ka tirsan dadweynaha xilligaa lacagta ka qaadanayey Xawaaladda Gargaar ee Shirkadda Dahabshiil, ayaan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan in wakhtiga habeenkii Shirkaddu u bilawday inay dadku lacagtooda qaadan karaan ama dhigan karaan, “Magacaygu waa Maxamed Xuseen Xasan, xilligan habeenkii ee ay shaqada ku kordhiyeen aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, waxaanan runtii u arkaa mid bulshada faa’iido u leh, maadaama oo lagu jiro maalmihii u dambeeyey bisha Ramadaan oo ay dadku habeenkii wax iibsadaan.”

Oday Cabdi Xuseen (Cabdi-Gool) oo isna ka mid ahaa dadka aan la kulmay ayaa adeegga shirkaddu u samaysay ku macneeyey, “Inaad xilli habeen ah aad lacagtaada qaadan karto oo aad la lugayn karto waxay ku tusaysaa amniga Somaliland ka jira, iminka gaadhigaygu wuxu ii jiraa in ka badan laba boqol tallaabo aniga oo lacagta sita ayaan soconayaa. Adeeggan Dahabshiil-na aad buu u wanaagsan yahay runtii, waana Baanka keliya ee aynu leenahay oo xataa gudihiisu Baan rasmi ah ayuu u eegyahay, aad baanan ugu ammaanayaa dedaalka iyo daacadnimada Dahabshiil muujiyeen.”

“Tallaabadan Dahabshiil sameeyey ee xilliga habeenkii aad iyo aad bay u fiican tahay, waayo waqtigii aan iminka lacagtan qaadan lahaa way ka soo hormariyeen oo berri baan qaadan lahaa, laakiin inay xilliga habeenkii shaqeeyaan waxay ii sahashay lacagtaan subaxa qaadan lahaa inaan hadda qaato, markaa fursad fiican bay bulshada siiyeen baan odhan lahaa.” Sidaa waxa tidhi Samsam Cawil Siciid oo waqtigaa lacag ka qaadanaysay Xawaaladda Gargaar.

Nimco Axmed Cabdi oo ka mid ah Qurbo-joogga reer Somaliland ee dib ugu noqonaya dalalka dibedda ee ay xilliga xagaaga ka soo dhoofeen oo lacag kala baxaysay Xawaaladda Dahabshiil caawa, ayaa ka hadashay dareenkeeda shaqada habeennimada ee Dahabshiil, waxaanay tidhi; “Inay aad u fiican tahay baan u arkaa shaqadan habeenkii Dahabshiil bulshada u bilaabay. Anigu waxaan dhoofayaa Berri (maanta) haddii Ilaahay yidhaahdo, lacagtan aan hadda gacanta ku hayo aad aan ugu baahnaa, hadday iga dib-dhacdana dhib bay igu ahaan lahayd, Iaakiin Ilaahay mahaddii Dahabshiil baa noo fududeeyey.”

Guud ahaan Suuqyada waaweyn ee magaalooyinka Somaliland ayaa aad u cambiran, waxaana aad ugu badan mashquulka wax iibsiga dadweyne aad u tiro badan iyo wax iibinta ganacsatada, diyaar-garawga ciidul-fidriga awgeed, iyadoo Suuqyada magaalada Hargeysa uu ka jiro cidhiidhi aad u fara badan oo sababay in jidadka qaarkood isticmaalka gaadiidka laga joojiyo sida Suuqa Bacadlaha Waaheen ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Ganacsatada kala duwan, gaar ahaan kuwa iibiya Dharka, Waxyaabaha Haweenku isku qurxiyaan iyo agabka carruurta ayaa marka aad ka waraysato qaabka ganacsigoodu u socdo, waxay kuu sheegayaan in Ciiddan suuqoodu aad u fiican yahay, isla markaana ay ka duwan tahay tii sannadkii hore. markaad sababta weydiisana waxay qaarkood kuu sheegayaan in Ciiddani ku soo beegantay wakhti dad badan oo dhinaca Qurbaha ka soo xagaa-baxay Caasimadda Hargeysa ku sugan yihiin, kuwaas oo ka qayb-qaatay kor u kaca wax iibsiga, inkasta oo sicir-barar badan ay dadweynaha Hargeysa ku dhaqani kaga cabanayaan waxyaabaha ay iibsanayaan.

 

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa

email: mrmursal@gmail.com amahargeisarbc@gmail.com

Share

Tags:

2 Responses for “Dahabshiil oo Bilawday inay Shaqeeyaan ilaa Xilliyo Dambe oo Habbeenkii ah”

  1. [...] Continued here: Dahabshiil oo Bilawday inay Shaqeeyaan ilaa Xilliyo Dambe oo Habbeenkii ah [...]

  2. xoghaye says:

    xayaysiis kudhan meeshaan

Leave a Reply