Danjire Mahiga oo Maanta Kulanka Ansixinta Dastuurka Ka Qeybgalaya (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ergada golaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa saaka isu diyaarinaya inay cod ku ansixiyaan dastuurka qabyada ah ee ay beryahan kaga doodayeen xarunta tababarka booliska ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Kulanka maantawaxaa ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan dawlada KMG ah oo ay ka mid yihiin raysul wasaaraha, wasiiro iyo wakiilka Qaramada Midoobay Danjire Augustine Mahiga oo beryahanba Muqdisho aan ka tagin.  Mahiuga wuxuu hadal u jeedin doonaa ergada kadib marka ay maanta ansixiyaan dastuurka cusub.

Isla gelinka dambe ee Arbacada maanta ayaa Danjire Shir jaraa’id kaga hadli doonaa dhameynta meelmarinta dastuurka cusub iyo hawsha xigta ee marxalada kalaguurka Soomaaliya.

Wariyaasha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in ergada maanta ay cod ‘HAA’ ah ku meelmarin doonaan dastuurka qabyada taasoo ka dhigan in dastuurka uu laga bilaabo maanta ku dhaqangali doono si kumeelgaar ah.

Wax ka bedelka ay keeneen ergada

Waxaa jiray qodobi fara badan oo ay shalay iyo doraad ergooyinka soo jeediyeen in laga bedelo dastuurka cusub,waxaynaergada aad ugu taliyeen in qodobadaasi la saxo laakiin sida ay ogaatay Raxanreeb waxaa qodobadaasi oo qoraal ah la sheegay inaan lagu darin dastuurka laakiin loo ballanqaaday in baarlamaanka cusub loo gudbin doono.

Waxaana qodobadaasi  ay ergada soo jeediyeen in la saxo ka mid ahaa:-

1- Caasimada oo ka maqan dastuurka, oo ay sheegeen in MUQDISHO lagu qoro.

2- Diinta oo si cad loogu muujinin dastuurka qabyada ah ayna codsadeen in si waadax ah loo dhigo.

3- Gudniinka gabdhaha oo dastuurku diiday laakiin ergada ay sheegeen in laga daayo diidmada gudniinka.

4- Qeybta haweenka ee ah 30% oo aan ku oolin dastuurka oo ay sheegeen in lagu soo daro.

5- Xuduudaha Soomaaliya oo dastuurka ka keenay hadal, ergaduna soo jeedisay LAMA TAABTAAN inay yihiin xuduudaha dalka.

6- Qaangaarnimada carruurta oo hadda ku qoran 18-jir, hase yeeshee ay soo jeediyeen in 15 laga dhigo.

Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ergada shalay u sheegay in waxyaabaha ay soo qoreen si lifaaq ah [attachment] loogu garan dhejin doono buugga dastuurka kadibnaiyagoo iswata la horgeyn doono baarlamaanka cusub si ay u aqbalaan ama u diidaan.

Si kastaba kulanka maanta ay yeelanayaan ergada ayaa ah kii ugu dambeeyay, waxaana xigi doona maalintaberito oo xaflad gabagabo ah loo sameyn doono madasha shitka dastuurka laguna dhawaaqidoono in ergada lakala diray dastuurkuna ‘dhaqangal yahay’.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Danjire Mahiga oo Maanta Kulanka Ansixinta Dastuurka Ka Qeybgalaya (Faahfaahin)”

  1. jamaal says:

    Asc sln ka dib hadan ka hadlo fikrateyda waan soo dhaweynaya qaabka ey ergada u soo turxaanbixiyeen dastuurka waana tilaabo horay loo qaday somalida na waxan leyahay aan tagerno dowladnimada wixi ka soo harana aan diidno mid na aan ku dadaalno taas oo ah wixii aan isku raacsanahay aan ka shaqeyno wixi aan isku khilaqfno na aan si wadajir ah u xalino si mustaqbalka dalka iyo diintena aan u ilaalino wabilahi towfiq alle towfiqda hana wafajiyo aamin ramadanka fadlikisa

Leave a Reply