Danjire Mahiga Oo Soo Dhoweeyay Qodobbada Shirkii Saxiixayaasha Nairobi
Nairobo [RBC Radio] Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii kooxda saxiixayaasha Roadmap-ka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya
War qoraal ah, oo Mahiga ka soo saaray xaafiiskiisa Muqdisho, ayuu ku sheegay in shirkaas uu ahaa kii ugu dambeeyay ee ay yeesheen lixda saxiixayaasha,ka hor inta aan la soo afjarin xiliga KMG ah oo wax ka yer labo toddobaad ay ka harsan yihiin.
In kastoo shirkii Roud-Map-ka uu ka baxay Madaxweyne Shariif, ayaa haddana danjire Mahiga waxa uu hoosta ka xariiqay in uu ku qanacsan yahay qodobada ka soo baxay shirkaas, oo muujinaya in lagu guuleestay in laga baxo xiliga KMG ah.
Waxa kaloo uu sheegay in shirkoodu uu gabagabo u ahaa xalinta iyo dhammeynta arrimo taagan oo ay tahay in laga gudbo , oo u dhexeysay dhinacyada halkaas ku shiray.
Mahiga ayaa sheegay in waqtiga uu dhamaad yahay, haddana ay jiran wax yaabo wali aan laga gudbin, laakin uu rajo ka muujiyay in hannaanka siyaasadeed ee la doonayo in looga baxo KMG ah uusan dib u dhac ku imaan doonin.
Shirkii saxiixayaasha Roud-Mapka oo ay ka soo baxeyn ilaa siddeed qodobo, ayaa waxa ka maqnaa madaxweyne Shariif, in kastoo la sheegay in uu ku qanacsan yahay qodobada ka soo baxay.
Danjire Mahiga ayaa ugu dambeyn sheegay in howsha hadda ugu muhiimsan ay tahay soo xulidda baarlamaanka cusub, iyo howasha ay hayaan guddiga farsamada ee ku howlaan soo xulida baarlamaanka iyo lagu dedaalo nabadgelyadooda si ay howshooda qaab wanaagsan ugu fuliyaan, loogana hortago faragelin lagu sameeyo.
RBC Radio
—————–
Xafiiska Wararka Nairobi













[...] Link: Danjire Mahiga Oo Soo Dhoweeyay Qodobbada Shirkii Saxiixayaasha Nairobi [...]
tuug tuug dhaley inana gumeed sanka dhuudhi dalkeenii buu bar gatey badii waa uu gatey berigiina ku darsey burcadana isgaa taageera oo lacagta faroole bey qeybsadaan caalina waa tegey toloow ma c/qeybdiid buu heshiis la geli ileyn in yar baa uhartaye intaas ayuu leeyahay dalkaagii ka dhiso dal kale walee reer galmudug waa dad caqli badan intuusan ayaga gadan bey kii oo maqan ka tuureen meesha alloow soomali oo dhan yaa ka dhiga kuwa tuuga iska qabta iyo caada qaatahooda.
mahiga wa dulmi xanbaarka somalia,magaca un-kana wuxuu ka dhigtay awood uu ku shaqaysto,kiish ayuu naga buuxsaday walina wa soo jeedaa!!!!!.
Madaxwayne Mahiiga meel uu tagayaa ma jirto ,hadeer qasar baa looga dhisayaa Afgooye wadankan isaga ayaa xukuma waxa uu wataa ciidan sodon kun ah,boliis ,garsoorayaal wasiiro,sirdoon u gaara oo ay ka mid yihiin lixda saxeexayaal iyo alshabaab.
Maanta waa ku meelgaadhnimada ayaa la idinka saarayaa
bari waa wakhtigii u dhaxeeyay kmg iyo dawlada daakhiliga ah kadib waa in loo codeeyo in ay somalidu dawlad dhisan karto iyo in kale.taasi waa qorshaha 35 sano ee soo socda.
[...] Beesha caalamiga oo isu jirta dalalka Afrika oo ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Maraykanka waxay doonayaan in geeddi- socodka yagleelidda hab federaal ah la gabagabeeyo si dadaalkoodii iyo xoolihii kaga baxay Soomaliya u noqonin hal bacaad lagu lisay. [...]