Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wado In La Ansixiyo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in la ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay golaha ansixinta Dastuurka ay ka doodayeen Mudo sadax maalmood ah.

Ergada golaha ansixinta Dastuurka Soomaaliya Soomaaliya ayaa aygu shalay waxay soo gudbiyeen qobada ay ula muuqato in laga saaro Dastuurka iyo kuwa ay la tahay in lagu daro.

C/rixmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Dastuurka ayaa ugu mahadceliyay Ergada sida wanaagsan oo ay howshooda u wataan, wuxuuna sheegay in looga baahanyahay in ay sii dhameestiraan.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maanta la ansixin doono dasuurka cusub.

Dhanka kale qaar kamid ah ergada ansixinta dastuurka ee ku shiraysa Muqdisho ayaa soo dhowayeeyey ansixinta dastuurka, waxayna sheegeen in ay ku qanacsan yihiin qaabka ay iminka wax u socdaan.

Shirka golaha ansixinta Dastuurka ayaa wuxuu socday mudo Todobo maalmood ah, iyadoona sadaxdii maalmood ee ugu danbeeyay laga doodayay qodobada Dastuurka ku qoran.

Maalinta Barito ah ayaa waxaa lagu wadaa in si rasmi ah shirkaan loo soo gaba gabeeyo isla markaana xafdalada gaba gabada ay ka soo qayb galaan madaxda dowlada iyo kuwa ka socda wadamada Caalamka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wado In La Ansixiyo”

  1. [...] Read the article: Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wado In La Ansixiyo [...]

Leave a Reply