Dawlada Britain oo Shaaca Ka Qaaday In La Dhameystirayo Eedeymaha Loo Heysto Madaxda DKMG Soomaaliya Xitaa Haddey Xil Qabtaan
London (RBC) Wasiirka Arimaha Dibadda dawlada Ingiriiska William Hague oo ka hadlay arimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo dhameynta waqtiga kalaguurka ayaa si kulul u cambaareeyay wax uu ku tilmaamay “musuqmaasuq, cagajugleyn iyo tuuganimo” hareysay nidaamka xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
“Aad ayaan uga xunahay, waanuna cambaareyneynaa wararka sheegaya in wax isdamarin, laaluush bixin iyo hanjabaado ay hareeyeen hawlaha xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya” ayuu yiri William Hague.
William Hague wuxuu toos farta ugu fiiqay siyaasiyiinta oo uu sheegay inay rabaan in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay ku darsadaan dad iyaga doorta oo qaarkood ay lacago siiyeen, qaarna ay dano siyaasadeed ugu xisheen, iyagoo aan u adeegeyn danaha shacabweynaha Soomaaliyeed.
Wasiirka Arimaha Dibadda dawlada Ingiriiska William Hague wuxuu walaac ka muujiyey in doorashada ka dhici doonta Soomaaliya aysan noqon Karin mid “xalaal ah maadaama haddaba sida muuqata ololaha iyo xildhibaanadaba ay hareeyeen laaluush iyo musuqmaasuq.
Wuxuu sheegay wasiirka in beesha caalamka ay rabto inay xaqiijiso in habka xulista baarlamaanka iyo doorashada madaxtinimada ay noqoto mid hufan oo si xor ah oo caddaalad ah ay u dhacdo.
Dabagalka madaxda dawlada
Wasiirka Arimaha Dibadda dawlada Ingiriiska William Hague wuxuu markale ka dhawaajiyey hadal dawlada Ingiriiska ay horey u shaacisay in la dabagali doono madaxda DKMG ah ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa xitaa haddii madaxtinimada loo doorto.
“Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo dhameystiri lahaa eedeymaha musuqmaasuqa iyo lunsashada hantida shacabka ee lagu eedeeyey madaxda dawlada” ayuu yiri William Hague.
Hadalka wasiirka dawlada UK ayaa ah farriin cad oo ku socota madaxda sare ee DKMG Soomaaliya oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya. Arintan ayaa muujineysa in wadamada beesha caalamka ay weli rabaan in tallaabo laga qaado madaxda DKMG ah ee eedeymaga loo soo jeediyey eek u jiray warbixintii kooxda kormeerka cunaqabateynta hubka ee “monitoring group”.
Warar ku dhow safaaradda Britain ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in dawlada Ingiriiska ay wado olole ay wadamada kale- gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ay uga dhaadhicineyso in cunaqabateyn dhanka safarada iyo lacagaha ah la saaro masuuliyiinta ugu sareysa DKMG Soomaaliya xitaa haddii ay ku soo baxaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Il wareed lagu kalsoonaan karo oo Raxanreeb la hadlay ayaa sheegay in reer Galbeedka aysan marnaba ka aamusi doonin madaxda Soomaalida ee musuqmaasuqa loo heysto, waxaana il wareedka Raxanreeb u xogwaramay uu sheegay in go’aanka beesha caalamka uu iman doono ugu yaraan marka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la dhiso ama waqtiga doorashada ay dhacdo.
Sidoo kale dawlada Kenya ayaa iyaduna maanta shaacisay in Kenya ay diyaar u tahay in la cunaqabateeyo shakhsiyaadka loo arko inay caqabad ku yihiin geedi socodka nabadda ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale loo digay musharixiinta qaar ee raba inay musuqmaasuqaan doorashada.
Haddii ay arintan dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku soo fool leedahay dawlad iyo hoggaan ka liita kii ku-meelgaarka ahaa, waayo madaxweynaha cusub ee la doorto wuxuu noqon doonaa mid fadhiid ku ah xaafadaha Muqdisho oo kaliya mar haddii laga mamnuuco safarada dibadda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi
——————————————————————————————-
DIGNIIN: Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb. Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.











[...] Continue Reading: Dawlada Britain oo Shaaca Ka Qaaday In La Dhameystirayo Eedeymaha Loo Heysto Madaxda DKMG Soomaaliya… [...]
kkkkkkkkkkkkkkkkk tuug la qabtay talo male raga lacagtii kadhammatay xagay aadi doonanan waayo aduunku waa og yahya in aa n soomalia wax xalaal ah ka jirin,
larabo in aydhacdo larabeenaah in ay soo hormarto
waxan dhihi lahayn dowlada ingiriiska hadaan nahay shacabka soomaaliyeed maxaa dmarkii la dooto u leedahay hada maa wax ka qabatid ileeyn adaaba haystee xamar iyo amison waan talaabo lagaa qadaa dad wadanku ka dagi la yahay sida ugu dhakahsaha badan
William Hague please halaa socdo in hadall ay meesshaan u baaahnayn saddexdda (3) masuuul oo ugu sareeya dawladda Ku meel gaarka ha ka hor istaago inay ay galaan doorashada Madaxweynenimada hadii kale musuqmaasuqa iyo coroption-ka ma daynayaan way wadayaan for everr