F I: Dawlada Uganda Iyo Midowga Afrika oo Isku Mowqif Ka Taagan Beesha Yeelaneysa MADAXTINIMADA Soomaaliya, Maxaase Bedeli Kara Sunnada Qabiiliga? (Xog Hoose)
Dawlada Uganda Iyo Midowga Afrika oo Isku Mowqif Ka Taagan Beesha Yeelaneysa MADAXTINIMADA Soomaaliya.
Burhaan SH Cali
L/H Raxanreeb@Gmail.com
Falanqeeye Idman
Agoosto 25 2012
Nairobi (RBC) Madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni oo ay wadankiisa ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ayaa isku aragti ka taagan in beesha Hawiye ay yeelato xilka MADAXWEYNAHA Soomaaliya doorashadan dhacaysa dhowaan, sida Raxanreeb ay ka soo xigatay saraakiil dhanka siyaasadda qaabilsan oo ka tirsan Midowga Afrika.
Warqad la soo gaarsiisyey xafiisyada Midowga Afrika, UN iyo AMISOM toddobaadkan oo uu ku saxiixan yahay madaxweyne Musefeni ayaa walaac wuxuu kaga muujiyey in carqalad ay ka horiman karto hannaanka nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada oo amnigeedu soo laabtay waayadan dambe haddii aan xilka madaxtinimada loo dooran siyaasiyiinta beelaha koonfurta Muqdisho. Sarkaal Midowga Afrika ka tirsan oo arkay farriinta Musefeni wuxuu Raxanreeb u sheegay in madaxweyne Musefeni uu magacaabay beesha Hawiye in loo daayo kursiga madaxweynaha.
Fariinta madaxweyne Musefeni waxay soo baxday kadib markii olole weyn uu qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kaashanaya siyaasiyiin kale oo raba in Hawiyaha looga gudbo kursiga AFHAYEENKA baarlamaanka si taasi ay u suurtagaliso in labada jago ee soo haaray [Raysul wasaare iyo madaxweyne] ay u kala qaataan Digil iyo Mirifle iyo Daarood. Dabcan farriinta Musefeni wax weynm ayay ka bedeshay hanaanka xulufeysiga ee musharixiinta wixii markan ka horeeyay, waana taas sababta keentay in Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah ragga uu Shariif Xasan la rabay jagada Afhayeenka baarlamaanka uu go’aankiisa bedesho kuna biiro ololaha Sheekh Shariif.
“Waxba kuma jabna haddii shakhsiyaadka isbedelaan” ayuu yiri sarkaalka u waramay Raxanreeb taasoo sarkaalka ula jeeday in Sheekh Shariif bedelkiisa la heli karo siyaasi kale oo isla beesha ka tirsan oo xilka qaban kara waqtigan muhimka u ah beesha caalamka iyo Soomaalida.
“Ma rabno inaan aragno anagoo markale xaafadaha Muqdisho kula dagaalameyna maleeshiyaad taabacsan Al-Shabaab” ayuu si degan u sii raaciyey.

Walaaca beesha caalamka
Sida sarkaalkan uu sheegayo, AMISOM iyo beesha caalamka oo ay ugu horeyso dawlada Mareykanka waxay walaac weyn ka qabaan dib u dhac iyo fashil ku yimaada hawlaha nabadda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee xoogiisu uu ka socdo koonfurta Soomaaliya kaasoo AMISOM ay u aragto in waqti, rag iyo dhaqaalaba ay ku khasaarisay si fududna aan loo dayici karin.
“Arinta waxay dabcan ku saabsan tahay in nabadda hadda la gaaray aysan sii jiri doonin haddii aan la qancin Hawiyaha oo aysan iyagu kursiga iman markale” ayuu sii raaciyey sarkaalkan.
“Waxaa jira warar na soo gaaraya oo sheegaya in shakhsiyaad siyaasiyiin ah ay rabaan inay ka faa’ideystaan haddii isbedel ku yimaado awood qeybsiga dhanka qabiilka” ayuu sii raaciyey sarkaalka hadalkiisa.
Ilo wareed ku dhow safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegaya aragti midan la mid ah, waayo Dawlada Mareykanka aad bay u maqashaa talada Musefeni gaar ahaan marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya maadaama ciidamada ugu badan ee Soomaaliya kula dagaalamaya Al-Shabaab ay yihiin kuwa Uganda isla markaana Musefeni uu had iyo jeer sheegto amaanta ah “in Soomaaliya uu xasilooni ku soo dabaalay”.
Dhawaaqan ka soo yeeray Musefeni iyo Midowga Afrika wuxuu dhaliyey in warqad dacwad ah ay qoraan siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle taasoo ku eedeysay Midowga Afrika iyo AMISOM inaysan dhexdhexaad ka ahayn arimaha doorashada ka dhacaysa dalka waqtiga xaadirka ah.
Si la mid ah aragtida madaxweyne Musefeni waxay Midowga Afrika xalka waqtigan u arkaan in aan waxba laga bedelin habkii ahaa “saddex qabiil iyo saddex kursi” ee lagu soo waday dawladihii kumeelgaarka ee Soomaaliya loo soo dhisay illaa sanadkii 2000.
“Sunnada qabiiliga ee Soomaaliya”
Dadka ka hadla arimaha siyaasadda dalka waxay sheegayaan inay markii horaba ahayd gef laga galay “sunnada qabiiliga ee Soomaaliya” in hab ka duwan kii hore wax loo raadiyo, waayo ayey leeyihiin marnaba ma dhici karto in xasilooni iyo deganaansho laga gaaro koonfurta Soomaaliya haddii aan beelaha deegaankaasi xukunka loo dhiibin, waxayna dadka aragtidan qaba tusaale u soo qaataan xukunkii madaxweyne C/laahi Yuusuf oo awood ciidan iyo taageero beesha caalamka heystay oo ku guuleysan waayey inuu xitaa Muqdisho wada xasiliyo inkastoo ciidamadii Ethiopia ay u suurtagaliyeen in ay dawladii madaxweyne Yuusuf degto Villa Soomaaliya.
Xeeldheerayaasha siyaasadda qabiiliga ee Soomaaliya waxay kaloo qabaan in xitaa waqtigan aan loo baahneyn in lagu xisaabtamo dembiyada dagaal ee la aaminsan yahay in dadka qaarkiis ay galeen maadaama weli boogihii qabyaalada aan la dhayin, xaaladuna isbedelin illaa waqti dambe.
_________________________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Falanqeeyayaasha Idman
Raxanreeb@Gmail.com












Waa in madaweyne Sharif madaxwene mar labaad luu doorto , waayo meesha qasan ii lahagaajenya waa muqdisho markaa nin ka soo jiida seda sharif aaya fiican, muqdisho waa magaalo madaxda soomaaliya haday hagaagto wadankoo dhan baa havaagi..markaa danta wadanka waa ineyno ka hormarenaa danta qabiilka.. My vote is for madaweyne Sharif anoo danta wadanka fiirenya.
Salaan kadib Anigu arintaas wax dhib ah
Uma arko hadii dowladnimadeenii ay ku
Soo noqonayso mana ahi reer koofur
Waxaase ii muuqda intaan Kursi isku hayno
In dhulkiiba laynaga qaadayo Marka
Soomaaliyey hoos hafiirinina ee madaxa
Kor u qaada oo horay fiiriya
Kor u qaada oo horay fiiriya.
Wax qarsoon maaha in talada wadanka somaliya ey wax ku leeyihiin dalalka ciidamada ka joogaan Muqidsho,waana wax aan dhici karin in ruux aan taageero ka heysan wadamadaas uu kurisgaas iska soo koro isagoo raba in markuu koro ka dib ey ilaalo u noqdaan wadan markiisii horaba aanan kursiga la rabin sidaas darteed hadii shaqsi somali ah oo xil doon ah uusan markii horeba ogolaasho uga heysan inuu madaxweyne noqdo wadamada ciidamada ka joogaan somaliya wixiisu waa riyo maalmeed iyo caqli xumo mida kale amisom danteedu waa iney hawiye nabad ku dhax joogto taasina waxaa suura gelin kara in qof hawiye ah uu madaxweyne noqdo sidaas darteed amisom iney daneysato maxaa u diidayo?mida kale in laba qabiil ===——- iyo =========== usoo heshiiyaan [[[[[ sidii labada kursi ee wadanka ugu muhiimsan looga saaro laftigeeda ayaan wax cilmi ah ku dhisneeyn sababtoo ah somaliya maahan wadan dagan oo dowladnimadiisu dhameystiran tahay oo maamul sal adag uu ka jiro welina umada waxaa qalbigooda ku jira xumaanta qabiilka oo hadii ey maqlaan laba qabiil ayaa qabiilkiina u soo heshiisay waxey aqbalaayaan oo ey ogolaanaayaan maaha oo diidmo iyo dagaal ayey kala hor tagaayaan shaqsiyaadka degaanada kale ka yimid ee iyaga u soo heshiiyey.R/Wasaare C(Wali iyo Shariif Xasan hadii ey rabaan ineey maamulka madaxweyne shriif bedelaan waxey aheed ineeysan qaabka qabiilka u soo mirin oo xaalku uusan noqon qabiilo usoo heshiiyey qabiil kale ee waxey aheed ineey qaab somalinimo wax ku doonaan kursigana usoo xushaan qof somali ah oo ey wax la wadaagi karaan kana soo jeeda Beesha madaxweynaha hadii ey sidaa yeeli lahaayeen suurto gal ayey ahaa laheed iney dadka muqdisho taageeradiisu halkeeda sii ahaato amisomna walalka maanta hayo ma hayeen waxaana laga yaabi lahaa ineeysan faro geliseen qaabka wax u socdaan laakiin taasi ma dhicin oo C/weli iyo SHariif Xasan talo xume ayey la tashadeen waa kee talo xumaha?dabcan waa MR Faroole ruux kasto oo ku shaqeeya caqliga Faroole meena ma gaarayo.hadii madaxweyne shariif kursiga ku soo laabto waxaan ugu baaqi lahaa inuu R/Wasare ka dhigo C/Kariin Jaamac waa nin ey saaxiibo dhow yihiin kana soo jeeda beesha dhulbahante oo markaan xaq u leh in ey kursiga beesha daarood iyadu hesho.
@Sool man iyo Qoslaaye, brothers, waan idinku raacsanahay figradihiina. Waa in rajadada soo ifeeyso aanaan iska dayacin, waa in Sheeq Shariif aan la xaqirin hoowsha iyo xilkasnimada uu muujiyay, taas owgeedna markala la siiyaaa another four more years. Iyadoo waliba Faroole uu intaas jilaafo iyo lug gooyo ku haayay, waliba u isticmaalay prime minister kii uu asaga magacaabay ee Gaas ee looga fadhiyay in uu Somali min reerkiisa iyo reeraha kale oo dhan isku keeno. Taas ma uusan sameeyn, ee prime minister qabyaalad qayaxan ayuu ku dhaqmay, taasoo keentay in Somali markale kale shakiso. Marka former prime minister gaas waa uu ku dhacay imitixaankii ee waa in uu markale mas’uuliyad qaran u tartamin. Haduu nin qabiil yahay sida uu cadeeystay, ha aado halkaa iyo pintiland, maadaama uu yahay maamul qabiil. Thanks.
anigu waankasoo hor jeeday shariifku inuu soolaabto lakiin hada waxba kama qabo maxaayeelay waxaan kabaqayaa in ku calmaani ah lagusoobadalo wuxuudoonaba ha ahaadee shariifku isagaa juduur islaamiya leh ama culumada ka agdhawaan jiray isagaa laqaataa intii uu noo iman lahaa midaan kaadida iska daahirin
Lacanad haku dhacdo kii soomaalin qaabil wax ugu qeybiya iyo kii ka maqla. La arag nacaladda ba’a uu leeyahay xukunka qabiilka ku dhisan. Haddi qof qabiil lagu xulaanaayo, qabiilkiisa how taliyo ee yuusan soo aadin in uu hor joogsade dad aan la qabiilo ahayn. Markaas waa helaayaa dad wax ka maqla. Ama shirib how tumo ama dhaanto how ciyaaro ama batar how garaaco ama heeley how heeso. Laakiin doofaarka ma cuno ee fuudkiisaan dhamaa waa arin maskax xanuujin ah.
maqaalkan ma qanyare ayaa soo qoray mase muuse sudi sxb sida aat jece shihiin wax hanoogi shegina ee xaqiiqada kawarama
Beesha caalanka wa run door waayn bay ku leeyihiin hogaanka soomaaliya shaqsiga qabanaya qf walba wwaa u jeedaa Shariiif Xassan in aan laga jeclayn Soommaaliya Barlamaanka cusubna waxaa u badan dadka shaaqsiyyada wanaagsan oo aan u baahnayn lacagta xaaraanta uu wato. Sheekh Shariif waa iska cadahay inuu yahay nin howssha socoto sii wadikara cid ka hor istaagikarta kursigiisa ma jiro. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in gudooonka baarlamaanka uu noqdo qof adag oo aan lagu soo deg degikarin kaasnaa waa Cali Qaliif galeyr. cali rrrrag badan yaa aamusaaya haduuu halkaas tago ileen sharci weye waxa la fulinaayo ee maha reer hebel Qof jilicsan sida jawaari haduu jagada Gudoomiyaha qabto waxaa soo noolaanaaya waraabayaashii mar hore baqtiyay sida Caato, yalaxow, sidda qanyare iyo kuwii suxsanaa sida Indha Cadde
waad salaaman tihiin walaalaha raxanreeb sidaad noogu ogolaateen dooda waa ilbaxnimo cusub mahadsanidiin hala gaaro maalinta shacabka la tiriyo malaha qabiilo badan oo tiro sheeganaya ayaa minority noqon doona inta taa laga gaarayo soomaali ha laysku keeno
Shariif Sheekh, abaalkiisa yaan la xaqirin, waa ninka soo celiyey rajada dawladnimo ee Soomaaliya.
Waa geesi u babac dhigey xabbadda Alshabaab oo madaafiicdu habeen iyo maalin lagu garaaci jirey madaxtooyada,. Wuxuu caqli, sabar iyo akhlaaq wanaag hu hantey taageerada Soomaalida iyo beesha caalamkaba.
Shariif Sheekh waa hibo Rabbaani ah oo uu Rabbi ku bedbaadinaayo ummadda Soomaaliyeed.
Xilligan aan joogno, ruux kaga habboon madaxweynanimo ma jiro waa haddii daacadnimo, Soomaalinimo iyo Islaannimo loo hadlaayo.
Alshabaab marka laga takhaluso, waxaa caqabad hor leh ku noqon doona dawladnimada Soomaaliya kooxo ka mid ahaa saxiixeyaasha Road Map-ka sida Puntland oo iyagu aan marnaba u oggolayn darajo iyo khayr cid kale. waxaa kale oo aan dhibyareyn Gobollada Dhexe( Galmudug, Ahlusunna, Ximan iyo xeeb) oo aan xataa walaalkooda waxba u quurin.\
Dadka noocan ah yaa wax u qaybin kara? waxna la qaybsan kara?
Hawshu ma sahlana, mana aha hawl cid kasta qaban karto.
Haddii Sheekh Shariif la beddelaayo Dr Baadiyow ha lagu beddelo.
Waa iga talo, waa iga Soomaalinimo.
Barlamaan laaluush iyo dan shakhsiyadeed ku shaqaynaya Soomaali ma bedbaadin kara?.
Maya. Maya Maya Maya.
Kuwan cusubi waxaan rajaynayaa inay ka roonaan doonaan kuwii dagaal oogeyaasha u badnaa, hayeeshee iyaguna waxay u muuqdaan dad xoolo doon ahoo ciddii wax u taagta uun u codeeya oo maslaxaddooda ka hormariya tii Soomaalinimo.
Arrini maanta idinkay farihiina ku jirtaaye walaalyaalow, talada dalkeena ha u dhiibina nimuu eedo.
ALAHAYOW ARLIGEENA AMUURIHIISA NIMUU EEDO KA ILAALI.
Aamiin
waqtigan xaadirkaa sheekh shariif iyo farmaajo ayaa somalia ka saari kara xaalada uu ku jiro . waana muhiim in la qaato talada dawladaha ciidamadu ka joogan dalka.sabab too ah , somalia wali isma raacsana ,qabyaaladiina ma bixin ,walina dadku waa hubaysanyihin ,marka waxaa ila roon in madxtinimada shariif dib loogu cesho. waa hadii somalia rajo laga qabo, reer sharif xasana ay iska dulqaatan, iyagoo xaqwaliba u leh inay dalka madax kanoqdan hadana waqtigeedii maahane noo suga maandeeq intay noo dhalayso.
cadaado adeer waxa aad tahay dadka ay soomaaliya ka degil’adahay ee uu qabiilka iyo caqlixumadu gaasirtay marka ma haboona inaa ka hadashid soomaalinimo iyo danaheeda iyo dowladeeda
horta maanta cidna la baryi maayo oo muqdisho waxa jooga ciidamo amison ama hawiye ama darood midna power maleh loona joojin maayo taas ogaada taangiga amison aya dabada laga galinaya kii iswaala balse waxay wada ugananda soo kala dhawaysi beeleed oo waxay barteen qaabka somalidu u dhaqantoo ah inay is ximiyaan oo is xasdaan marka malinba mid ayeey la jirsan doonta intay agendaha dhabta ee ay usoo gashay dalka ka gaarayso danteeduna kuma jirto inuu dalku wada xasilo waayo mushaarkii aya laga goosan UN.ka iyo EU da
Anigu waxaan qabaa Sheekadan inay lamid tahay tii Muuse Suudi Yalaxow, marka meeshan ”””’ hadaanu dawlad Rabin iyagay dhib ku tahay oo qaxii ku laabanaya Iyo is dilkii. Marka shariif Biijo oo soo laabta dhacii hantida oo soo noqotay tankale dadka dhahaya Gaas waxaa dilatay qabyaalad may arkaan Sheikh shariif, oo meelkasa udhiibay /////.
KKKKKKKKKKKKKKK WAA YAAB NINKA AAMINSAN INU XAMAR IGA XIGO MA WAXU SUGAHAYAA INAAN MAAMULKIISA U HOGANSAMO HADANSE U HOGAANSAMO MA WAXAN KA SUGAYAA INO DEGANKAYAGA HORUMAR GAARSIYO MISE MASHRUC HORUMARINED U SAXIIXO DAAROOD AMA Puntland ? Waa MAYA CAALAMKU WAA INU OGADA FITNO DAROD KU HESHIYO IN GEESKA AFRICA AN LAGA SEEXANDONIN MUGDISHO DAAYE!!!!!
asmc aniga waxay ila tahay inta sheekadu qabiil taagan tahay oo aan qofk daacad nimadiisa iyo kartidiisa lagu dooranayn inaysan waxba hagaagayn waayo maalinba qolaa dhahaysa anaga hanala qanciyo
ASC dhaman wan salamaya salan ka dib maqalkan waxa qoray nin wax jeclaystay wuxuna u soo gudbiyey siduu jeclaa, anaga hadan somali nahay nama xakuman uganda, yuweri iyo wax la mida toona.
ninka ku fakaray waxaas iyo wax la midana waa shakhsi ra’yi gaab ah baan oran karnaa hadii in somali nabad iyo dawladi ka dhalato ay ku xirantahay in hawiye xilka qabto hadi kale al shabab ban u yeraynaa waxaan filayaa nin walba waa haystaa dhul, dad iyo dakhli ku filan.
waxaan hadalkayga ku soo koobayaa ‘wadanka ma u wada tashanaa mise xaaladu waa bakaylow nin iyo bur!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!’
war raxarreeb beenta joojiya waa ognahay inaad madaxweyne Shariif nacebtihiin balse musevini wuxuu yiri waa inuu Shariif soo laabtaa haddii kale ciidamadeyda baan labaxayaa ,marka madhihin shaqsi kale oo hawiye ah . waxaanse kuu sheegaa in hawiye %99 taagersanyihiin madaxweyne Shariif Sheeq Ahmed waayo mugdiggii buu ka saaray oo wuxuu u keenay Solar Lights oo dalka dhan oolin including xaafada Horseed iyo weliba caasimadda Bintiland……….kkkkkkkkkkk
KKKK Qoraalkan wuxuu ifinayaa in wadanka la haysto,marka hore sunada qabiilka ninka ay tahay in lagu nacalado waa Ismaaciil Cumar Geele waa ninka ka xun Male Zanawi.Ta kale waa iska khiyaali in awood gaar ah ku lee yihiin beelaha qaar Muqdisho,ciidanka joga waa AMISON waana riyo in beesha hawiye ay hor istaagi karto rabitaanka shacabka somaliyed iyo ta caalamka haddii daacad laga yahay in wadanka la xaliyo sababaha soo socda.
A-Hawiye waxaa laga heli karaa muwaadin wadani ah ayna ka go i karto xal in wadanka loo helo marka hawiyenimo aan micno ugu fadhiyin.
B-Hawiye maanta wax isla fahmi kara oo dagaal wada gali kara ma jiro sida beelaha kaleba ee daarood ana DM marka magaca waa iska awr kacsi
3-Ciidanka dawlada abgaal waxaa ay ka yihiin 14% mana awoodi karaan in ay hor istaagaan ciidanka intiisa kale waxaa laga yabaa in dadka logu sheekeeyo ciidanka dawalada oo dhan waa wada abgaal.
Arrinta ah shariif in uu soo laabto shariif waa muwadin somali ah haddii la doorto ahlan wasahlan haddii la dooran waaye bedelka dhinac haka galo,laakin shariif dawaldiisu dhanka ciidanka waxba ma soo kordhin sababtoo ah ciidanka dawlada mushaaro ma qadan 11 bilood ciidanka ayaa dadka laaya dhaca kufsada guusha waxaa iska leh AMISON oo kaliya waxaa intaas dheer ninka aad cadaaladda ku sheegteen wuu ka fog yahay cadaalad.Tusaale ahaan muqdisho dawalada hoose waxaa laga shaqaaleeyay 6000 qof 5700 waxaa keenay shariif qandaraasyadii oo dhan isagaa beeshiisa siiyay maamulkii oo dhan ayuu ku taxay xagee cadaalada ku aragteen?beelihii kale ee muqdisho la degenaa ayaa ka wada qaylinaayo waxaan filayaa haddii arrintan ay jirto waxaa ay cadayn u tahay in dalka la haysto ciddii la dagaalamaysana ay xaq u lee dahay ama shabaab ha lagu sheego ama jini halagu sheego sababtoo ah ciidanka 14% ka ah in 86% aan waxba laga soo qaadin waa iska kala qaybintii somalida dhexdeed ahayd.
Meeshu waa Somalia Muwaadin kasta oo Somaliyeed ayaana xaq u leh inuu kursiguu rabo u tartamo dadkaan koonfurta dagan iyagay nabadu dan u tahay wayna ogyihiin in aysan dagaal wax ku gaarayn hadana lama joogo 1991 oo dadku niyad u hayeen dagaal.
maantana muqdisho waxaa ka taliya Amisom iyo cidamo shisheeyo qof Somali ah oo awood ku lehna ma lahan dadkiinaan qalbiga laga gumaystay ee aaminsan in aysan kursi sare xaq u lahayn waligiin hormar gaari maysaan bal fiiriya Ali uraaye (Gelayr) hoos buu isku soo celiyey jago uusan u qalmin uu tartan ugu jiraa taasna waa qalbiga baa laga gumaystay oo wuxuu aaminsan yahay in uusan kursi kale xaq u lahayn ilaahow daawee.
dad waxaa jira waligood ba aan hormar gaarayn in ay nin asagood ah hoos fariistaan oo u sacab tumaan maahane sidii dumarkii bal fiiri kan Abdikariim la leeyahay oo Shiikh Shariif Kastumoyinka u dhaqa kana daba qaada asagoo ka title sareeya ahna aqoon yahan waxaa jirta duco lagu ducaysto (cilmu laa yanfac) waa taas oo kale bal maxaa u diiday dadkaas haday dad hoos fariisanayaan in ay walalhood wax la qabaan Somalida nin aan qabiil ka dhalan ma jiro
ceebna maahan haduu nin qabiil kiisa taageero.
salaan dabadeed, waxaan la yaabanahay after 21 sano dabadeed in weli soomaaliyi ka ilbixi la’ dahay qabiil, haddii meeshu tahay reero kaliye ayaa leh inta kale ma xiniinyaa oo iyagu waa markhaati.
waxaa maanta ii caddaatay in qoladan somaliland ku saxan yihiin inay soomaali isaga tagaan, waayo is qabsi iyo caddaalad darro aan weligeerd laga koreyn, iyo qabaail weligood taagan haddaan anaga wax walba nala siin waanu ka ciideyneynaa cid kasta oo timaadda.
Waxaa la yaab ah in maanta soomaaliyi halkaa taagnaato, markaa waxaan leeyahay ninkaan quus aqoon naftiisaa quusa ee halaga samro soomaali koonfureed, hana laga tashado, dibna yaan lasoo eegin intii la isku aakhiro seegi lahaa.
nabadeey
waxay aniga ilatahay xilka wadanka waxa qaban kara qof kasta oo lo’garto oo aqoon leh,waxa lagu hadlayo waa wax aan waxba ka jirin,waa danaysi siyasaded, ugandha iyo afrika qabiil uma shaqeyan waxay ushaqeyan qaranka somaliyed,heshiis gara oo reer leyahay kuma imaan wadanka somaliya waxay ku yimaden heshis calami ah,dadka ku hadlaya waxyabaha raqis ka ah lama dhageysan karo,sharcina ma’ah hadii waxas lagu fakaro qolo waliba dhulkeda ha’ado,hadii aay afrikan kenayso iyo hadii aay carab kenayso ayada istaqan,hadii laga run shegayo axdigii dib u’heshisnta iyo dawladnimada wa in lajojiya hadalada dolqafka ah iyo dulmiga ku lugta hel.
waa yaab in maanta ay soomaliyi heerkaa marayso, Ugaandha doorato cidda soomaali madax u noqonaysa si bareer ah oo aan geedna loogu soo gabban.
Haba ahaato inay Ugaandha tahay cidda soomaali u yeerinaysa sida ay rabto.
Ummad intay qaladkii la ogaa oo sokeeye iyo shisheeyaba ka dheregsanyihiin soomaali u gaysatay ilaa haddana aan gaeawshiinyo la imaan oo dambigii ay galeen ilaa maantana ay wadaan, misna la soo taagan haddaan saan rabno naloo yeelina waxba socon maayaan sow ma aha iyadoo far waaweyn ku qora( sidaan rabno soomaalida aan Hawiye ahayni waa inay yeelaan).
Caqliga sidaa aaminsan ma garan karo sida wax loola qaybsan karo. Dadku ilaa xad ayay indhaha qasan karaan.
Waxaan hadalkaygii ku gunaanaday BAL AAN EEGNO UURAYSATAYE WAXAY UMULI DOONTO.
mAS UULIYADEEDANA WAXAA QAADAYA CIDDII KU QANACSAN SIDAA.
boowe aa la tahay kusigu waa wareegto madaxda iyo dowladahan yaan been laa sheegin macalin quraana waxa uu yahay cidna kam qarsoona cid rabatana ma jirto hana is daalinina waayo beesha caalamkuna waa u sheegeen inaan cid rabin marka qof aan waxba oayn ilaahoow ha caadaabin sxbayaal sheedaas waa dhmaatay waa ilmihii yaraa ee seexan waayey oo dalnteedka lagu seexin jira
xamar maanta waa la haystaa 16 saldhig booliis waxa fadhiya waa nageria siraliyoon uganda booliis a cid soomaaliya oo looa baaan yaay ma jirto waaxa meesha aad ku aysaan waa riwaayad ee dhagahiina wax ku maqla indhahiinanan wax ku arka maalmaha soo socda
shiikh shariif iyo markale waxba kama qabno waan idinku raacsanahay lakiin shariif ha la yimaado daacad iyo wadaninimo qabiilkana ha reebo..
waa isku dir cad oo aad ujeedid qoraalkaan oo beelaha soomaaaliyeed laysku dirayo hadii uu yiri musefeni madaxwaynaha uganda iyo hadii loo yiriba qofkii caqli lehna waa garan karaa, soomaalidana waa hubaal 65% inaysan caqli ku filan lahayn ama waalanyihiinba, marka dadka yaan layska horkeenin, hana lagu dhaqmo , run, cadaalad, midnimo, horumar, israac
AMMISON markey Ethiopia kabaxday soomaaliya ayagoo waydiistay USA in si degdeg ah looga saaro Somalia ayaa Sheikh shariif oo koofiyad kaliya sita kasoo dagay Airporka, Dadka aad leedihiin mooriyaan ayayna ahaayeen kuwii ugu hortagay Airporka shikh shariif siiyey ciidan ka dagaalama safka hore kana riixey alshabaab AMMISON. AMMISON abaal kama aha laakiin way ogyihiin dhibaatada ku soo laaban karta hadii Sheikh shariif ama reerka aad u taqaaniin mooriyaan ay meesha ka maxaan.
horeynti, wan tagersanahay hadalkas ah in hawiye meesha loo dayo ayado la fiirinayo danta umadena iyo dalkena somaliyed, in gaar ahan shiekh shariif loo dayo kursiga, balse sxbkay @cadaado runti wad ku khaldantay in gaas u qabyaalad u joogo, ninkas wuxu somaliaya u qabtay ma yaro marka hadi dan la fiiriyo shariif haloo dayo ayadon la eedayn gaas hadii kle oy ka fursan weydo in hawiye ay dhafto waxan oran laha nin umada wax u taraya oo cilmina leh sida farmaajo ama gaas haloo dhiibo, balse marna yaan wadanka gacanta loo galin ninka bay iyo bakool ka sharaxan oo jaahilka qabyala dista ha ah o aan muwaadin ka ahayn oo dgaalka hawiye iyo darrood iska dhicinta ah ku jirto ee shariif xasan ah, runti ilahay ninkas wadanka haka ilaaliyo iyo dhamaan inti shar iyo dhib noo wada, thanks all
Xaqiiqada meesha jirta iyo talada shisheeyuhu waa kala labo. Xaqiiqadu waxey tahey dadka soomaalida gaar ahaan dadka Muqdisho deggan way u bislaadeen iney dowladnimo qaataan oo taageeraan ninkii la doorto. Hase ahaatee dowladaha ciidammadu ka joogaan Muqdisho iyaguna iney qabiilka caasimadda u badan ayaa kacaya is yiraahdaan oo ay ka gaashaantaanna waa arrin la fahmi karo.
Waxaa meesha ugu saameyn badnaa Meles iyo Museveni. Meles wuu dhintey Ethiopiana iyadaa hadda isku mashquulsan.
Waxaa dhici karta inuu isna qorshe watey ka geddisan kan Museveni. Uganda Shariif haddey wadato dabcan waxey mowqifkeeda ku macneyneysaa in arrintaasi muhim u tahey howsha nabad ilaalinta ee ma oraneyso anigaa rabee ha la doorto.
Su,aashu waxey tahey sidee Uganda usoo saari kartaa siyaasiga ay rabto? Waxaan u maleynayaa in Sh.Shariif dadkii lagu celiyey oo uu qaarna soo celiyey qaarna uu weli u taaganyahey inuu soo celiyo arrintaas ayey la xiriirtaa.
Sh.Shariif geeridii Meles Zinawi fursad ayuu ka heley sida muuqata. Ninkii Mahiga ahaa oo Sh.Shariif u indho guduudin jireyna cid ka qabata oo Mahiga ka sarreysa ayaa soo baxdey.
“Meles Zinawi annaguu dhintey” hadalkii ahaa ayaan soo xusuustey markaan sheekadaan sidey u socoto u fiirsadey.kkk
Cadaado
Saaxiib magaalo dad lagu yaqaanno intaad magaceeda qaadato dad kale oo soomaaliyeed ha ataagin. Sidaas waa laga fiicanyahey.
R/Wasaare Gaas waa nin muujiyey akhyaarnimo iyo wada shaqeyn isaga dushiisa ayaana intaas lagu wada socdey haddaan arrinta kor kala socdey.
Hadduu dad ay qaraabo yihiin shaqaaleeyey soomaalida taasi ceeb kuma ahane waa caadadood waana midda qof walba u ordayo.
wax kasta oo ibtilada koonfur ka taagan ay ku joogsanayso in la sameeyo waa muhiim waayo shacbigii dhulkaas wuu il daranyahay. anu waxan dhihi lahaa 3jagaba haloo dhiibo bal inay ku qaboobaan.
Waxaan qabaa aniga haddii xukunka loo dhiibo === ama ==== in aan hubka qaadan doono, waa inoo balan.
[...] In uu jebiyo “Sunnada qabiiliga” ee Soomaalida wax ku qeybsato beryahan dambe taasoo sheegeysa in beesha uu ka soo jeedo [Digil [...]