Puntland oo Madaxweyne Shariif Shiikh Ku Dhaliishay Faragelinta uu Ku Hayo Guddiga Farsamada Xulista Baarlamaanka[TSC]
Garoowe[RBC Radio] Dawladda Puntland Warsaxaafadeed kasoo baxay maanta ayey ku dhaliishay talaabooyinka kala duwan ee maalmihii ugu danbeeyey uu qaadayey Madaxweyne Shariif isla markaana ay caqabad ku noqon karaan habsami usocodka dib u dhiska dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay sidoo kale in hawsha ay qabteen Guddiga Farsamada Xulista Baarlamaanka ay tahay mid si weyn looga soo wada dhaweeyey caalamka ka dib markii ay ka hor joogsadeen kamid noqoshada Baarlamaanka cusub Shakhsiyaad lagu eedeeyey in ay danbiyo galeen.
Waxaa lagu tibaaxay Warsaxaafadeedka in Madaxweyne Shariif in uusan marnaba soo faragashan hawsha ay kusoo dhamaystirayaan Guddiga Farsamadu Xildhibaanada cusub,iyadoona loogu baaqay Qaramada Midoobey,Midowga Afrika,IGAD iyo beesha caalamka in ay si degdeg ah wax looga qabto arrintan.
Dhanka kale Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland oo la hadlay Shabakada Raxanreeb kana gaabsaday Xusida magacyadooda ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole u bilaabay diyaarinta Guddi ka kooban Xukuumadda kuwaas oo kor kala socon doono dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed hadda ka socda Muqdisho.
Guddigan oo maalmaha soo socda qorshuhu yahay in ay u ambabaxaan magaaada Muqdisho ayaa ka qeybgeli doona Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka,kuxigeenadiisa,Madaxweyna ha iyo weliba Raysalwasaaraha iyagoona miraha kasoo baxa toosh ugu ifin doona Puntland.
Sidoo kale Guddigan oo u badnaan doona Xubnaha kamid noqonaya Wasiiradda Puntland kuwa ka agdhow Madaxweyne Faroole ayaa hawshooda kale lagu sheegay in ay noqoneyso Isku xirka Puntland iyo Beesha Caalamka.
Xukuumadda Puntland iyo shacabka ku dhaqan magaalooyinka kale ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee ka soconaya magaalada Muqdisho taasoo hadda u muuqaneysa waayo usoo Iftiimaya Shacabka Soomaaliyeed.
________________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe











[...] More: Dawladda Puntland oo Madaxweyne Shariif Shiikh Ku Dhaliishay Faragelinta uu Ku Hayo Guddiga Farsamad… [...]
[...] Visit link: Dawladda Puntland oo Madaxweyne Shariif Shiikh Ku Dhaliishay Faragelinta uu Ku Hayo Guddiga Farsamad… [...]
Shiiq shariif Howsha uu wado Hasii xoojiyaan Isaga & Saaxiibadiisa Xamar, Mogdidho Ma is Taahisho in aay Ahaato Magaalo madax , Waxii dhibaato la ogaa Ayaa loogu geystay Soomaali Hadana Waxaa diyaar loo ahaa in la ilaawo wixii dhacay Waxaase muuqata in Worlordkii + spoilers ka Ineeysan diyaar u aheyn Ineey joojiyaan distraction ka & Road blockage ka lagu hayo Hore u socodkii Soomaaliya , Waa in Go’aan laga Qaataa Oo Parlamenka & Executive branchiga laga Wareejiyaa Mogdisho Maahan meeleey ku shaqyn karaan, Hadeey waxay bilaabayaan dilal siyaa sadeysan Taasina Dan uma ahan Badbaadada inta Hartay Dadka & Dalka ,Viva puntland & Soomaalia
mr bravo puntland u sheega tuugadan meesha isku baheysateey oo aan dowlada iyo wanaaga midna aqoon iyo cayayaanka taageersan oo dadka moodaya in aysan dalka burburin iyo dowladnimada yar.
faroole waxa danta umada soomaliyeed ah raac lakiin dantaada hafiirin lakiin nin talo yeelayah maahan , asaga iyo labada shariif waa kuwa dhibka ku hayah dalka
AAD BAAN UGA XUMAHAY CAYDA IYO AF LAGAADADA WABSEYDKA UMARINAYO HAWADA OO KUMANAAN QOF OO ADUUNKA DACALADIISA JOOGA UU GAARSIINAYO DUMARKAA LAGU YAQAAN WALIBA QAARKOOD MARKII WAXSAN LOO SAMEEYO MUDO OO QUFKU SIBIRIIRAXDO ILEEN WAA BINI AADANE YIRAAHDA WALEEGY WAXSAN II MUUSAN QABAN HADABA KHAATUMOOY WAA LA OGAA GEED GAABAN IYO GEED DHEER BA IN AY UFUUSHAY OO DAD BADAN OO MAATAY KU ABTIRSADA AFKA SOOMALIGA AY KUKALA DHINTEEN LA AJLI KHAATUMO AMA ======= ILAMAA AY TIRI DHAGAX KAMA DHALAN EE WAXAAN AHAY SOMALI ====== OO WALIBA GABAR REER HAWD AH HADABA WAXAAN LEEYAHAY KHAATUMOOY YEELKADAA ALINA WAA KAAS HADABA LA ARKI DOONEE WALIBA ISKADAA XILDHIBAANE WAXAA FAROOLE MIISKA U SAARAY WASIIR FADARAALI AH KANAXOOW NAFTABA WAA HADABA
Shiikh Shariif xilkaa ka dhamaaday walibana waxaa loogu daray sanad aan la dooran oo hadana dhamaaday 6 cisho waa bilaa sharci!! Wuxuu wataa hogaamiye kooxeedyadii dhiiga soomaliyeed daadshay umaddana iska horkeeni jiray iyo dhowr qof oo kale oo danbiyo lagu haysto. Waxaa ka mida gafadka uu galay madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday inuu tuulooyin yaryar u magacaabay degmooyin, asagoon u eegin hab sharci ah iyo hab caqli ah toona! Qof xilkiisii dhamaaday aslana ahaa transitional inuu maalintuu xilkiisu dhamaaday si sharci daraa u magacaabo tuulooyinkay degaan degmo ahaan wuxuu dhumiyey misdaaqiyadii.
Waxaa kale oo aad aayatiin humo u noqonaysa in lacag uu bixiyey Shariif Sikiin lagu doorto, asagoo ka ganacsanjiray qaadka sheegayna inuu iskuulka uga tagay dugsi hoose!!
putlan boy thanks bro waan kugu raaacsanahay arintaas aa ka dhawaajisay xamar oo ah meel umada soomali ka dhaxeysa oo aan iskalahey dad qaas ah ama qabiil qaas ah hadii hada ey dhaheen anagaa is kale muqdiso wale casimad noqoneyn hadii sheekadaas keeneen hawiye qurmoone
xitaa siyaasada ma kasayaan waa looga adkaaday , teeda kale doqonkaan oo gabalkiisa dhamaday muxuuba ka hadlkaa isagaaba ka dhacaayo kursiga madaxweyne qurun inbnul qurun ah jahil english soo baro markaas madax noqon
waa yaab madaxwaynihii hore watigiisu dhamaaday wxaa isku dayaya in biyaha carqiyo oo dadka uu tuso xamar in ay tahy magaalo aan lagu loolami karin oo cid marti looga yahay taasna cida wadaa awaa cid aan danta soomalida ka fakarin oo lugooyo ku haya naftooda iyo tan umada soomaaliyeed oo 22 sano kadib la rabay in laysu keeno wxii dhexmaryna la dhigo xalay dhalay taasina wxaa marag madoonta u ah siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha soomaliyeed oo hda joga xamar oo aan ahyn cida is xejinaysaa ama awood reer ka muujinaysa meesha taasi nasiib daro iyadoo la ogyahy in xamar ay u ahyd soomaaliya caasimad aan cidna marti looga noqon karin sida oo aan la mid ahyn gobolda dalka oo ay qabiiladu kala dagaka arinta shariif hada ka ololeenayo xamar wxay iyada kudaba jirta oo soo wadaba oo ay u egtahy noo hadal qaab qabiil oo kale wxay xasuus galinaysaa dhamaan umada soomaaliyeed oo aanay jirin wax xarig ah oo hada isu haya kalana fogaatay colaado burbur badan oo waqti dheer qaatay kalsoonidii oo luntay isfahan buuxa oo aan hada ka dhaxayn iyo wada shaqayn toos iyo carqaladaynaysa hanaankii caalamku waday ee ahyd in soomaaliya mar kale ay lugeheeda isku taagto runtii waa nasiibdaro haysata umada dagan badankiiid koonfurta soomaaliya maadaama ay soomaaliya aysan isku mid ka ahyn xaaladaha ka jiry 22kii sano ee tegy ayse muuqaty dowlad dhxe oo aan shaqaynayn gobolada qaar wxaa ka jiry maamulo guulo badan soo hoyay dadkii daganaana ay ku diirsadeebn tusaale punthland waa maamul gobolo badan oo ah goboladii ugu waawaynaa 18kii gobol ee dalka ay ku midaysanyihiin sidaas darteed qabaailka daga goboldaas wxay in dheer oo wati badana ka dhursugayeen in mar un ay dhalato dawlad midaysa umada soomaaliyeed ee dagan dhaamaan wdanka goboladiisii si loo helo dowlad xoog badan oo kulmisa dhamaan umada soomaaliyeed ee magaca wadaaga hadaan labo qaybood u kala qaado soomaaliya koonfur iyo waqooyi kuunfur wxaa ka jity waan lawada soconaa waqtiyadii tegy iyo hada kuwa soocda waqooyi galbeed wxaa ka jira maamul sheegty in uu ka madax banaanyahy soomaaliya iygoo tabanay ama ka cabanaya wxa yaalo hada rabay in dowlada xamar ka jirta in ay saxdo oo ay xal keeda raadiso sidaa owgeed wxay hada sheeganayaan dowlad ka gaara soomaaliya inteeda kale taasina waa arin aad moodo in ay kaga duwanyihiin soomaalida dowlad la,aantu halkaas dhigty waa sax in ay dhceen wxa yaalo soomaali kala fogeeyey laguna ay kuwaasoo ay u muhiimsanyihiin colaado xun siyaasado guracan oo ay wateen dowlado aan dan u wadin soomaali dowlada xamar hada kajirtay wxabay ka bilowday xoogaa wadahadalo ah oo aan saa waynayn taasoo la raby in meel wxa laysla saaro si loo helo dowlada loo dhanyahay oo xoog badan dhanka kale puntland waa maamul ay gobolo bdan oo muhim ah taladoodu ay mihimtahay waa goboladii ugu dhqaalaha badnaa wadanka waa goboladii ugu khayraadka badnaa wadanka dhan walba marka laga eego maamulo isbadbadala ayaa soomary waxyna ku kala duwanyihiin soomaaliland xaga gooni u goosadka ay sheeganayaan maamulka puntland ee hada jira iyo kuwii hore marna ma aysan sheegan gooni isu taag wxa la dhoho iyadoo maamulkaasi uu ka qaybaatay isu keenka soomaali kala tagty dhowr iyo labatan sano ka hor guulo badana kasoo hoyday oogaga hada xamar ka jira ee soomaalidu ka dhursugayso say wxa u socdaan puntland wxay gwwd dheer iyo mid gaaban danta shacabkeeda iyo tan soomaliyaba in la helo dowlad kilmisa soomaali kala firirtay oo cadow dibada ah iyo kuwo gudaha ah ay kala geeyeen taasoo ah runtii hawl adag iyadoo ay ka daaleen shacabka puntland isqabqabsiga xamar ka jira kalsooni darada ka muuqata umada soomaliyeed dhexdeeda hada wxaa la joogaa wqti dheer kadib bur bur badan kadib wqti badan oo lumay kadib dadaalo badan geed dheer iyo gaabanba loo kory kadib mxaa hirgalay hada oo xamar ka socda hada wxaa moodaa in aysan jirin wax isbedel ah oo laga deereemayo bulshada dagan xamar dowladu wxan u soo jedin lahaa hada puntland ka arimasa oo aan aaminsanahy in ay guulo badan ka soo hoyday soyasada uga aadan dowladii dhexe si loo heli lahaa in in aan u sheego inaan ka daalnay isqabqabsi wqti lumis in ay siyaasad cad ka soo saarto wxaa xamar ka socdo hada iyo hadaan la helin wxa dan u ah dhamaam umada soomaaliyeed khaasatan shacabka in badan u xayirnaa dowladii soomaaliyeed oo mowqif cad oo loo wada midaysan yahay ka soo saarto wxaa halkaas ka socda hadii dowlad rasmi ah la helo la taageero hadii kuwo meesha iska soo fariista yimaadaana ay go,aan cad ka qaadato iyadoo cidna loo danaynayn cidna wxa la yeelayn nin walba uu dantiisa fiirsado gaarka madaama aysan jirin cid isku dan ah oo soomaali ah oo hada jirta wayga talo wnaagsan oo waqtigan loo baahanyahy
Maamulka Puntland wuxuu afka la furtay maaha soomaalinimo ee qabyaalad wuxuuna la saftay C/weli wuxuuna mucaaraday Madaxweyne Shariif sidaas darteed waa caqli gaabnimo in ruux weli qabiil madaxa uga jiro inuu dan somaliyeed ka hadlo.Mida kale Muqdisho wixii ka dhacay waa lawada ogaa qabiil kan kale u naxayey ma jirin ee waa lagu kala awood roonaaday waana taas tan xaqiiqda ah,mida kale C/Weli lafitiiga somalida ma hilmaamin wareysigii qabyaaladeysnaa ee uu bixiyey xilgii Madaxweyne Shariif la soo doortay oo maba istaahilo inuu xil somali kawada dhaxeeyo uu qabto hadii aan u soo laabto kursiga umada wada waalay,hadii cid walbo kursiga u hanqal taagtay maxaa ka reebay ninka hada ku fadhiya inuu jid walbo usoo maro?anigu waxaan qabaa hadii madaxweyne shariif kursigaas ku guuleeysto in kolkaan jagada R/Wasaaraha somaliya uu siiyo beesha dhulbahane oo ah beel halganka xuriya somaliya taariikh ku leh halka beesha C/weli iyaduna halgankii taariikhda somalida baal madoow uga jirto.