Dawladii Haday Bukooto Maxaa Lagu Dabiibah !!! W/Q Dr. Shirwa Abdisalam Mohamud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dadku haduu bukoodo dawada lagu dabiibaah dawladii haday bukooto maxa lagu dabiibah !!!
Dr.-shirwa Abdisalam Mohamud
allpuntlander@hotmail.com
Agoosto 16 2012

Waxaa ayan tan iska soo daba baxayay magacabis iyo digreetooyn daba socda aydoo ad moodo in masuliyinta ugusareeya dowladu in ay is kad harantiyeen biyo hostood wakhtigoodan gabab sigana ay ku khatimayan is qaqabsi wakhtigisi dhamaday xiligan ay yihin lifad sii damaysa oo ay kaga dhiman tahay wakhtigiiba wax an kabadnayn 96 sacadood hadaba hadab in yar an kafaloono ayantan danbe waxaa ay cadaysten Madaxweyne Shariff iyo Raysul wasaare Prof.Gaas in ay mid ba mid ka kale uu ku mashquulo sida an ka aragnay.

Hadalada ay isku marinayan mediha iyo digretooyinka xiliga gababsiga ka kala so baxay labada xafiis ee kan madaxwaynaha iyo kan Raysul wasaarahaba, ayagoo isku cuskanayan qodobo uu midkastaba uu u arko in u saxsan yahay siday hadalka iyo digretada u dhigeene uu na qorayo axdiga kumelgarka ee ha lagu dhaqo DKG ee hada sigalbatay iyo kii 1960kii wali waxana so fara gali maxkamada Qaranka oo ay ahayd in ay kahadlan muran ka u dhaxeya Madaxda ugusaraysa ee Xukumda DGK gudoonka maxamada iyo xeer ilaayaasha baa moodaa in ay ka gabsadeen shaqadoodii oo awalba ahayd maqarsaar , bal ila akhriya sida ay ugu qoran yihiin AXDIGA KMG qodobaday cuskadeen si an anaguna markhaati uga noqono khaladka iyo saxda.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 3aad ee axdiga kumelgara sidaantan :-

1 Jamhuuriyadda Federaalka ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya waxay ku dhisan tahay saraynta shardga, waxaana lagu dhaqi doonaa si waafaqsan Axdigan.

2 Axdiga Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka waa xeerka ugu sareeya oo ay hoos yimaadaan dhammaan dadka iyo hay’adaha awoodda leh wuxuuna ka dhaqan gelayaa dhamaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Sharci kasta oo aan la socon Karin ama ka horimaanaya Axdigaan wuxuu noqonayaa wax kama jiraan.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 46aad farqadisaa 1-2 ee axdiga kumelgara sidaantan :-

1. Awoodda fulinta waxaa leh Golaha Wasiiradda.

2. Wasiirka Koowaad oo uu magacaabay Madaxweynuhu wuxuu noqonayaa hogaamiyaha iyo shir gudoonka Golaha Wasiiradda.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 48aad farqadisaa 1(A:B) ee axdiga kumelgara sidaantan :-

1. Wasiirka Koowaad wuxuu yeelanayaa xilalka soo socda:

a) Wuxuu guddoomiyaa kulamada Golaha Wasiiradda.

b) Wuxuu mas’uul ka yahay horumarinta, isu-duwidda iyo kormeeridda siyaasadda xukuumadda iyo maamulka guud.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 52aad farqadisaa 1-2 ee axdiga kumelgara sidaantan :-

1. Golaha Wasiiraddu wuxuu ka kooban yahay:-

a) Wasiirka Koowaad

b) Ku Xigeenadda Wasiirka Koowaad, iyo

c) Wasiiradda.

2. Golaha Wasiiradda wuxuu u xilsaaran yahay:

a) Diyaarinta, dhaqangelinta siyaasadda iyo miisaaniyadda qaranka.

b) Diyaarinta iyo u soo bandhigidda shuruucda dowladda Golaha Shacabka.

c) Meelmarinta iyo maamulidda Shuruucda.

d) Isu-duwidda hawlaha wasaaradaha.

e) Meelmarinta hawlaha kale ee ku qeexan Axdiga iyo shuruucda, marka laga reebo kuwa Madaxweynaha loo qoondeeyay.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 53aad farqadisaa 3(A.B) ee axdiga kumelgara sidaantan :-

3. Golaha Wasiiradda waxay si wadar ah mas’uul uga yihiin, iyadoo la tixraacayo mabda’a mas’uuliyadda wadareed iyo shakhsiyadeed, wax kasta oo ay fuliyaan sida:-

a) Fulinta awoodooda iyo meelmarinta waajibaadkooda.

b) Maareynta iyo dhaqan-gelinta shuruucda loo xilsaaray.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 44aad ee axdiga kumelgara sidaantan :-

QODOBKA 44

WAAJIBAADKA MADAXWEYNAHA

1. Madaxweynuhu wuxuu qaban doonaa xilal dowladeedka soo socda:

a) Furitaanka Golaha Shacabka.

b) Wuxuu la hadlayaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.

c) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka markasta oo kale.

d) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha soo jeedinta Golaha Wasiirada ka dib.

e) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee xukuumadda iyo madaxda hay’adaha dawladda marka uu soo jeediyo Golaha Wasiiradda.

f) Madaxweynuhu wuxuu magacaabi doonaa jagooyinka – Danjirayaasha, Diblomaasiyiinta, Qunsiliyadaha marka uu Golaha Wasiirada uu soo jeediyo.

g) Madaxweynuhu wuxuu qaabilaa diblamaasiyiinta shisheeyaha iyo wakiilada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.

h) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta xushmadaha qaranka (state honours) marka Golaha Wasiirada soo jeediyo.

2. Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa Wasiirka Koowaad ama kala diraa xukuumadda haddii ay waydo codka kalsoonidda Golaha Shacabka.

3. Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenada marka uu Wasiirka Koowaad soo jeediyo.

4. Madaxweynuhu wuxuu lee-yahay awoodaha kale ee soo socda:

a) Saxiixidda heshiisyada caalamiga ah marka Golaha Wasiiraddu soo jeediyo Golaha Shacabkuna ansaxiyo.

b) Ansaxinta shuruucda Golaha Shacabku ogolaado si shard loogu beddelo, dikreetooyinka iyo xeer-nidaamyada Golaha Wasiiraddu.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 81aad ee axdiga 1960 sidaantan :-

QODOBKA 81aad

KOOBNAATA GOLAHA WASIIRADA IYO WASAARADAHA

1)- Shaqooyinka Madaxtinimada ee Golaha Wasiirada iyo sidoo kale tirada iyo hawlaha wasaaradaha waxaa lagu dejin doonaa sharci (gaar ah).

2)- Nidaamka madaxtinimo ee Golaha Wasiirada, Wasaaradaha iyo xafiisyada hoos imanayo waxaa lagu dejin doonaa xeer- nidaamiye lagu soo saari doonaa dekereetada Madaxwaynaha Jamhuriyadda.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 83aad ee axdiga 1960 sidaantan :-

QODOBKA 83aad

AWOODAHA IYO MAS’UULIYADDA RA’ISUL WASAARAHA IYO WASIIRADA.

1)- Ra’iisul Wasaaraha ayaa hagaya siyaasadda guud ee Dawladda sidaas darteedna mas’uul ka ah. Waxuu si adag u hananayaa midnimada siyaasadda Dawladda isagoo isku xiraya sarane u qaadaya hawlaha wasiirada. 31

2)- Wasiirada waxay hagayaan arrimaha ku kooban awoodaha Wasaaradahooda ee mid kasta khusaysa, wuxuuna sidaas darteed mas’uul ka yahay shakhsiyan.

3)- Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada waxay si wada jir ah ma’uul ugu yihiin hawlaha iyo shuruucda Golaha wasiirada.

Waxaa uu dhigayaah Qodob ka 85aad ee axdiga 1960 sidaantan :-

QODOBKA 85aad

AWOOD BIXINTA XEERAR NIDAAM MAAMUL

Xeerarka nidaam-maamuleedyada waxaa lagu bixin karaa Dekreetada Madaxwaynaha Jamhuriyadda iyadoo la raacayo Lana tixgelinayo soo jeedinta ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Awoodda bixinta xeerarka ku saabsa arrimo khaas ah waxaa lagu siin karaa sharci Hay’adaha kale ee Dawladda iyo Dadwaynaha.

Akhristow mar kad arag tay AXDIGA KUMELGARKA iyo kii 1960kii waxaa cadatay in khalad ka iyo xadgudubka sharciga dalka an loosinayn ku tagrifalka awooda dalka in lagu takri falo in ay cado unoqotay xiliyadan danbe Maxada ugusaraysa dalka dubka ubu badana uu kenayo in rabitanka qofka uu kawaynaaday AXDIGIQARAMEEDKII dalka iyo dadka lagu dhaqayay ,

Dr.-shirwa Abdisalam Mohamud

allpuntlander@hotmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

3 Responses for “Dawladii Haday Bukooto Maxaa Lagu Dabiibah !!! W/Q Dr. Shirwa Abdisalam Mohamud”

  1. [...] Originally posted here: Dawladii Haday Bukooto Maxaa Lagu Dabiibah !!! W/Q Dr. Shirwa Abdisalam Mohamud [...]

  2. Midnmo Qaran says:

    waxan halkan kasamayaah dhaman bahda raxanreeb.com
    hadan in yar kadhiibto fikirkayga ku adan sida an u arko mar kan akhriyaya qodobada ay isku cuskanayaan Madax wayne shariif iyo Gas waxaa ii cadatay in uu madax waynihii umada uusan marnaba dhowraynin Dastuurka dalka iyo dadkaba asgoo radinaya dano siyasadeed ama ba dano garah

  3. Hiranland says:

    walahi intan arkayay qoral laqor midkan o kale ma arag sabab to ah Dr ka qoray wa nin iska ilaliyay af lagado iyo u xaglin cidna kana ah dhex dexaad siyasada somaliya
    waxan anigu dhihi rahaa khalad ka ugu wayn ee mesha yala waxaa is kale oo gabay boskooda Xer ilaliyaha guud ee qaran ka iyo lamaha kushaqada leh ilalinta iyo kudhaqan ka Axdiga kumel gar ka ah
    mar kale wad mahad san tihiin rer Raxanreb.com iyo Dr kaba

Leave a Reply