DEG DEG: Bannaanbixii Ugu Weynaa oo Lagu Maamuusayo Bixitaankii Al-Shabaab, Laguna Taageerayo Sheekh Shariif oo Saaka Ka Bilaaban Doona Muqdisho
Muqdisho (RBC) Bannaanbixii ugu ballaarnaa ee mudooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in goordhow uu ka bilawdo magaalada Muqdisho kaasoo lagu maamuusayo 6-da Agoosto oo ku beegan maanta oo ah maalintii ururka Al-Shabaab sanad ka hor ay baneeyeen guud ahaan caasimada Muqdisho.
Bannaanbaxa oo uu qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu taageerayaa madaxweynaha Dawlada waqtigeedu dhamaanayo ee Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka soo baxay shir ay kooxda saxiixayaasha ku lahaayeen magaalada Nairobi.
Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in qabanqaabada dibadbaxan illaa xalay laga dareemayay magaalada Muqdisho, waxaana si weyn saaka loo adkeeyay amaanka magaalada.
Banaanbaxa ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka kubbada cagta ee Banaadir oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho waxaana la filayaa inuu halkaasi ka khuebeeyo Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah musharax u tartamaya xilka madaxtinimada dalka waqti labaad.
Waxaa lagu wadaa in Sheekh Shariif uu khudbadiisa ku abaaro arimaha doorashada iyo tartanka musharixiinta ugu jiraan doorashada madaxtinimada. Sidoo kale shirkii kooxda saxiixayaasha ee uu shalay ka soo baxay ayaa laga yaabaa inuu wax ka taabto.
La soco Raxanreeb si aad u hesho faahfaahinta oo dhan.
RBC Radio











asc.ramadaan kariim,mudane sh.shariif sh.axmed waa madaxweynaha xaqa ah ee umadda somaliyeed,mar 2aad&mar 3aad wa la dooranayaa ee ka naxoow nafta waa.
ALAA SHARAFLE SHARIIFBAA MUDNAANLE SHAYDAANBAA SHARLE
XILSARAA WANAAGLE KURSIGA SHARIIF BAA MUDNAANLE
SHARIIF NIBAA BEENLA SHARAFBAA DUGAALE
ALOO LOOSHARIIGAA SHARLE SHAYDAANIMO MAHIIGAALE
SHILIN NINAAN XADIN IYO SHARAF SHARIIF BAALEH
SHAX LADHIGAY IYO SHAMAAG SHEEKO SHIIKH MAAHA INTAA TOOWBIYIHII WACNAA IYO DARIIQSAXA MAQAADSIIYAY
MIDKALANA MAHIIGAAN KU ORAN ARAGDUGAAGLOW DOWWXUNBAA LAGUUDHIGAYE
Hadii Somaliyi rabto horumar iyo baraare waxan filayaa shaqsigii ugu horeeyay ee somaliya dib ugu soo celiyay saxadda caalamka in ay dooran doonaan kaas oo ah Sheikh Shariif xaqiiqaduna waxa ay tahay in aanan ku taageeraynin qabiil iyo wax la mid ah laakiin nasiib darro somalidda waxa aad ugu weyn XAASIDNIMO. Waxan filayaa xildhibanadda iman doona waxa ay doonayaan in ay noqdaan xildhibaano sharaf leh waxa keliya oo ay ku noqon karaana waa in ay doortaan qofka wax qabadkiisu muuqdo oo aan kaaga baahnayn haddal iyo balan qaad been ah. Sheikh Shariif guulayso mar labaad iyo mar afraad ilaahna hakula garabgalo…………………..
maxaa banaanbax weyn ah, afartan masaakiin ay gaajadu ka muuqato, iyo sadex tuug.