DEG DEG: Codeyntii Xildhibaanada Ee Jagada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo Socota
Muqdisho (RBC) Waxaa haatan bilawday codbixinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota hoolka shirarka ee dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Illaa hadda in ka badan 50 mudane ayaa codkooda dhiibtay, waxaana dadka codeynaya ka mid ah Shariif Xasan, C/weli Gaas, C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dhamaantood mudanayaalk baarlamaan ah.
Doorashada afhayeenka ayaa u dhacaysa qaab qarsoodi ah oo sanduuq xiran lagu ridayo codka, iyadoo xildhibaanada ay dooranayaan warqad ay ku qoran yihiin magacyada shanta musharax ee u taagan jagada afhayeenka baarlamaanka.
Tartanka afhayeenka ayaa ah mid kulul aadna u xiise badan iyadoo ay tartamayaan illa shan musharax oo kala ah:-
1- Maxamed Cismaan Jawaari
2- Cabdi Xaashi C/laahi
3- C/rashiid Xiddig
4- Cali Khaliif Galeyr
5- Xasan abshir Faarax
Sida guddiga doorashada ay sheegeen waxaa natiijada wareega koowaad ku guuleysan kara musharaxa hela 139 cod, haddiise la waayo waxaa loo gudbi doonaa wareega 2aad ee doorashada.
La soco Raxanreeb.com











Prof Maxamed Cismaan Jawaari’ Guul baan u rajeeyn’ waa ninka kaliya ee ka soo bixi kara howshaas
allaw mid khayr qaba ka dhig ka kuguulaysanaya afhayeenka baaralamanka somalia aaaaaaaaaamin aaaaaaaaaaaamin aaaaaaaaaaamin
ma doonayno qabqable dagaal uma baahna somalia mar labaad
insha allah cali khaliif ayaa guuleysan doona bi’dmillahi kariim