DEG DEG: C/risaaq Juriile oo Goordhow Ka Tanaasulay “Musharaxnimadiisa Afhayeenka Baarlamaanka” Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Musharax Prof C/risaaq Cismaan Juriile oo ka mid ah lix musharax oo horey u sheegtay inay u tartamayaan xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa.
C/risaaq Juriile oo hadal ka jeediyey kulankii baarlamaanka oo weli ka socda xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu goostay inuu ka haro tartanka maadaama sida uu sheegay ay jiraan rag kale oo ku haboon kursiga.
“Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo in aan ka baxayo tartanka musharaxnimada afhayeenka baarlamaanka, waana tanaasulay anigoo og inay jiraan rag kale oo xilkaasi ku haboon iyaga ayaana ku taageerayaa” ayuu yiri Xildhibaan Juriile oo si weyn loogu sacabtumay.
Hadda waxaa iska soo horay shan mudane oo u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka kuwaasoo kala ah;
1- Prof Maxamed Cismaan Jawaarey,
2- C/rashiid Xiddig,
3- Cabdi Xaashi C/laahi,
4- Cali Khaliif Galeyr
5- C/laahi Goodax Barre
Dhanka kale waxaa weli sii socda khudbadihii ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada jagooyinka afhayeenka, afhayeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana khudbadaha dhageysanaya xildhibaanada cusub, guddiga doorashada, korjoogto ka socota beesha caalamka iyo suxufiyiin.
La soco Raxanreeb warar dheeraad ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












cali baaba saas baa urajeyn yuusan sharafteena kuciyaarin GAAS For President
kkkkkkkkkkkkkk awalba ….maskiina buu ahaa oo ,,,,,, ;;;; hadana faroolaa yiri katanasul oo cabdi wali kursiga madax waynaha khalkhal ha kagalin maskiin juurile
allaylehe faroole waa ku guul daraystay qonofkii ama jilaafadii uu rabay inuu u dhigo abdi-wali gaas asagoo jurile dabada ka soo galay balse muxu ku xijin dona ma inuu la safto mr galayr
Go Go Dr. Cali khaliif galaydh dadbadan ayaa wadna xanuun ku dhacayaa marka la doorto aqoonyahanka weeyn ee halgaamaga umada somaliyeed arinta somalia waxaad moodaa in eey qandaraas ku qaateen ;;;;;;; iyo ””””””””” waa in cayaar cusub la la cayaaraa Mr mahiga+ wali gaas + firdhiye faroole + shariif,
Cali khaliif buu u baneeyey juurile well done
Prof galeydh wadada u baneeya,
Yuu taageeridoonaaa
wax farole wato awalba xalal maahayne meela magaridoonto sunta farole
Awelba tool la isticmaalayuu ahaa yaa ku og hadaad tanaasusho call keliyaa ku filan. A/welina sidaa si le’eg ha sameeyo miskiin Abdulle xanta xataa lagama qarsado.
sababtii uu markii horeba u soo galay tartanka prof juriile ayaa ahayd inuu taageeradiisa iyo codkiisa ugu daro prof jawaari maanta waa arin faroole soo falkiyey
Cali-injir caaqibada beel. Weligeed doqoni reer muskeed bay fadhidaa. Xumaanta uu halkaa u gaaray waa tii uu u dhiman lahaa. Garaad Pint ayaana ka dambeeya.
Waar meesha haddii ayayn //// wax ka noqon duf iyo bakhti ayay kaa tahay in aad wax ka noqotid ee majaha iyo qanjaafula ha qaadan oo dee yanay ceebi kaa raacin maba kuu dhimane ceebiye!!
Prof C/risaaq Cismaan Juriile…………nin sharaf lef……….ayaad tahey..awalba….waxaad u soo gashey tartanka…inaad Cali Khaliif Galeyr madax xanuun iyo jah wareer ku ridid…………Galeyr..waxaan kuu shegayaa…maalinta tuesday ah ayaa noo balan ah………Ticket kaaga sii gooso hada ayaan kugu dhihi lahaa
Ma taqaan Juriile waa nin aqoon dawladeed leh iyo cilmi ilaahay siiyey ogna meeshuu marayo,Galayrna waa la mid ee shaxdan waxaa loogu talagalay Goodax oo meesha ka saari doonto Shariif Ahmed damaciisa dib usoo noqosho.
kuwa cali khaliif taageerayoow raali ahaada
jurille wuu ku mahadsanyahay is casilada mr galayd soco ada kursiga gudomiyaha xaq u leeh geesi batahay aan ganbanayn somali weynba ku jecel ada mudan galaydh kursiga ilahay ha u sakhiro
Gaas iyo xulafadiisa waa tuuga dalka xaday. Viva Prof Galeydh
alayllahee waa arin wanaagsan oo uu ku dhaqaaqay juurile .. waxaana sidoo kale ugu baaqayaa dhamaan kuwakleento oo u tartamaya in ay ka tanaasulaan sida xasan abshir faarax waa dad lagu shaqaysto oo qofkaleento oo cadowgooda ah ku sheqaystaan walee ilaahow sida khayr ka dhig ? wax ma garadkana naga qabo
jurile awalba ma ahayn nin miisaan le hadana waa ka sii daray,maahan qufle siyaasad cad
kkkkkkkkk meesha wxa wayni majiraan ninkii cuqdad iyo kii xanuunsanba xag illaahy ayaysan wax uga soconayn yaan lays daalin cali muquuno xildhibaan ayuu hankiisu ahaa waa la ogaa caruurta hada siyaasada ku argty habarteen talaadada anaga nala bari mayo horaan u barany pro jawaari ama goodax hadaan dadkii loogu talagaly boosasakooda fariisan kursigaas dowladaas wxaan u malynayaa wxay noonaysaa mid formuladeedu khaldantay xisaabta hadii formulada la khaldo sax ma nooto
Juurile waa nin raga ah oo maskax badan wuxuu arkey dadku inay rabaan galeyr ama jawaari
hadii galeyr oo qabto guudoomiyaha waa guul