DEG DEG: Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuqa Deegaan Xawaadlay Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu dab ka kacay deegaanka Xawaadlay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegay in dadkaan uu ka kacay suuqa wayn ee deegaankaasi Xawaadlay, isla markaan ay gubteen goobo ganacsi oo aad u badan.

Dadka deegaanka ayaa waxay  sheegeen in dabkaan uu ka kacay koron suuga, waxaana dabkaan uu geestay khasaaro badan oo ah mid hantiyadeed.

Sidoo kale dadka deegaanka ma sheegin in khasaaro nafeed uu geestay dabkaan markii laga soo tago khasaaraha maaliyadeed oo uu geestay.

Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in aanan wali lagu guuleesan damin damin dabkaan xoogan.

Wixii warar ah oo ku soo kordhaa lasoco goor dhow

Share

1 Response for “DEG DEG: Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuqa Deegaan Xawaadlay Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe”

  1. [...] Taken from: DEG DEG: Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuqa Deegaan Xawaadlay Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe [...]

Leave a Reply