DEG DEG: Dastuurkii Qabyada ee Soomaaliya oo Si Kumeel Gaar ah Loo Ansixiyey
Muqdisho (RBC) Ergada ansixinta dastuurka qabyada ee fadhida xarunta Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow ‘HAA’ ugu codeeyay dastuurka qabyada ah.
Ergooyin gaaraya tobaneeyo ayaa ‘DIIDMO’ ku codeeyay markii la weydiiyey in dastuurka qabyada ah lagu ansixiyo si kumeelgaar ah, taasoo ka dhigan in dastuurkii qabyada maanta la ansixiyey.
Ilaa tobaneeyo kale ayaa ka aamusay u codeynta dastuurka, sida uu ku soo waramayo wariyaha Raxanreeb.
Codeynta ayaa u dhacday qaab gacantaag ah, waxaana markaliya isqabsaday sacab iyo mashxarad markii la shaaciyey in dastuurka la ansixiyey.
Weli si rasmi ah natiijada looguma dhawaaqin waxaana socota tirinta codeynta ergada ka dhiibteen u codeynta dastuurka.
Dhanka kale goordhow waxaa la filayaa in raysul wasaaraha KMG C/weli Gaas uu soo gaaro goobta uuna ka jeediyo khudbad.
La soco Raxanreeb.com










