DEG DEG: Diyaarad Dagaal oo Duqayn Khasaaro Geesatay Ku Garaacday Baardheere
Muqdisho (RBC Radio) Diyaarad dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay daqayn ka geesatay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaan ay duqaysay suuqa ugu wayn magaaladaasi isla markaana duqayntaasi ay geesatay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegaya in ilaa iyo hal ruux uu ku geeriyooday duqayntaasi, sidoo kalana ay ku dhaawacmay ilaa iyo hal ruux oo kale oo rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in magaalada ay ka jirto xaalad cabsi ah, iyadoona dad shacab ah ay ka cabsanayaan in duqayntaan ay sii socoto khasaarana ay geesato.
Degmada Baardheere ayaa waxay ka mitahay meelaha Al-Shabaab ay wali ka joogaan gobalkaasi, mana ahan markii ugu horaysay oo diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan meelaha ay joogaan Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordhaa goor dhow kala soco Raxanreeb.com











cawaaniinta Kenyanka ah xasuuqa geystay waxaa iiga daran kuwa damiir laawayaasha ah oo dowlada hogaamiya . duf ku baxa dheh. Somalida waa dad liita walaahi. bilaash baa amxaaro loo haystaa.