DEG DEG: Duqeyn Culus oo Haatan Ku Socota Magaalada Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn madaafiic culus laga maqlayo magaalada taasoo sida dad ku sugan magaalada ay noo sheegeen ka imaaneysa dhanka badda.

Dad ku sugan xaafadda Fiya Afmadow “Via Afmadow” oo ay noo suurtagashay Raxanreeb ay telefoonka kula hadasho iyagoo diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta waxay sheegeen in salaadii maqrib kadib xilliga afurka ay mar qura maqleen gantaalo culus oo ka soo dhacaya dhanka badda kuwaasoo qaarkood magaalada ku dhex qarxeen halka gantaalada qaarkoodna ay magaalada dhaafeen.

Dhawaqa gantaalada ayaa si weyn looga maqlayaa qeybaha kala duwan ee magaalada.  Waxaa sidoo kale dadka deegaanka ay sheegayaan in madaafiic lidka diyaaradaha oo ay ku jawaabayaan dagaalyahanada Al-Shabaab la maqlayo.

Illaa hadda ma cada cida geysaneysa duqeynta, waxayna arintan saameyn ku yeelatay dadka ku nool magaalada oo bilaabay inay caawa ka soo qaxaan xaafadaha dhanka xeebta xiga iyagoo u cararaya qeybaha kale ee magaalada.

Duqeyntan waxay imaaneysaa labo habeen kadib markii duqeyn dhanka cirka ahayd oo lagu garaacay xaafado ka tirsan galbeedka Kismaayo ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo haween ay ku jiraan in ka badana toban kalana ay ku dhaawacmeen.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

5 Responses for “DEG DEG: Duqeyn Culus oo Haatan Ku Socota Magaalada Kismaayo”

  1. Kalafoge says:

    Xaafadda magaceedu maaha FIYA afmadow
    Ee waa via afmadow oo macneheedu
    Yahay waddada afmadow.

  2. Gundiid says:

    Shacabka masaakiinta allaha bad-baadsho….kii qori wata oo dagaalamayana hala duqeeya xaaraanta weey istaahilaan

  3. cabdul says:

    shabaabku magaalada waa inaysan taransata xuna iyo wax lamida marasta iyo caruurta dhexdooda katuurine, hakabaxaan magaalada oo dadka shacabkaa dantooda hafiirshaan haday alle kacabsanayaan.

  4. cadaani says:

    kenya waa cadaw shacab masaakiina oo awalba rafaad haystay ayay gumaadayaan haday shabaab la dirirayaan may sida itoobiyaanka toos u abaaraan raga ay ishayaan maxay u fulaynimo dirirayaan?

  5. Dhagah says:

    KISMAAYO IYO KIS TAADA IYO KARBUUNADAADA WAXAY KU DARSATAY HADA WARAABE CUNID!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!WOW

Leave a Reply