DEG DEG: Fadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Si Rasmi ah u Furmay (228 Mudane oo Fadhida)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa hadda furmay shirkii golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacaya xarunta dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka dhacayso doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenada oo isla maanta dhacaysa.

Furitaanka shirkan waxaa ka hadlay gudoomiyaha ku meelgaarka ee Soomaaliya Gen Muuse Xasan Cabdulle oo shaaciyey in 228 mudane ay soo xaadirka kalfadhiga maanta.

Doorashada afhayeenka ayaa goordow bilaaban doonta, waxaana faahfaahin ku saabsan doorashada bixiyey xubnaha guddiga doorashada oo sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada.

Wareega koowaad ee doorashada, waxaa ku guleysan kara musharaxa hela 139 cod oo noqon doona afhayeenka baarlamaanka.

- Wareega 2aad ee dorashada (haddii la waayo musharax guuleysta) waxaa soo gudbi doona afarta musharax ee ugu codadka badan.

- Wareega 3aad ee doorashada waxaa u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

 Musharixiinta ku tartameysa jagada afhayeenka baarlamaanka

1-Maxamed Cismaan Jawaari

2-Cabdi Xaashi C/laahi

3-C/rashiid  Xiddig

4-Cali Khaliif Galeyr

5-Xasan abshir Faarax

 

 

LA SOCO RAXANREEB.COM

 

Share

2 Responses for “DEG DEG: Fadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Si Rasmi ah u Furmay (228 Mudane oo Fadhida)”

  1. cabdi gabanow says:

    raxanreeb warka iska saxa , hadda waxaa joogta waa 282 xildhibaan ee maaha 228

  2. galdogob-gobolka-xiriir says:

    anigu waxaan aad ula raba xilka mr jawaari waayo waxay taas ka dhigmi doontaa inuu meesha ka boxo shariif hassan wana mid guul u ah ummada somaliyeed

Leave a Reply