DEG DEG: Gudoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo Qir iyo Qir Ku Kala Tagay
Muqdisho (RBC) Kulan albaabada loo xirtay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa goordhow lagu kala kacay kadib markii gudoomiyaha maxkamada sare ee dawladii xilkeedu dhamaaday Caydiid Ilkaxanaf iyo guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo ay wehlinayeen xubno ajaaniib ah ay isku fahmi waayeen liisaska dadka weli la heysto ee loo diiday baarlamaanka.
Ilo wareed kulanka joogay ayaa Raxanreeb u sheegay in saaka gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf uu u yimid guddiga farsamada uuna weydiiyey inay keenaan magacyada dadka ay ku dhe gan yihiin ee loo diiday inay baarlamaanka galaan, kuwaasoo la rumeysan yahay inay u badan yihiin taageerayaasha Madaxweyne Shariif. Hase yeeshee guddiga farsamada oo ay la joogeen xubno ajnabi ah ayaa diiday inay magacyada siiyaan gudoomiyaha maxkamada sare.
Gudoomiyaha maxkamada sare Ilkaxanaf, ayaa sida uu shalay shaaciyey madaxweyne Shariif waxaa loo xilsaaray inuu baaro magacyada dadka la heysto ee lagu eedeeyay inay dembiyo galeen kuwaasoo illaa hadda la isku heysto. Laakiin guddiga farsamada ee xulista waxay ku doodayaan in maxkamada sare aysan lahayn sharciyad ay wax ku baarto maadaama maxkamada sare ay tahay hay’ad ka mid ah DKMG ah waqtigeeduna uu dhamaaday.
Gudoomiyaha maxkanada sare ayaa isagoo careysan ka baxay kulanka, waxaana aan la ogeyn talaabada uu qaadi doono.
Dooda ku saabsan shakhsiyaadka laga celiyey baarlamaanka ayaa illaa hada hareysay baarlamaanka cusub iyo hawshii guddiga xulista, waxaana dadka la celiyey ay saameyn weyn ku yeelatay ololaha Sheekh Shariif oo ay isaga u badan yihiin taageerayaashiisa dadka la diiday.
Sheekh Shariif oo ay isku dhow yihiin gudoomiyaha maxkamada sare ayaa shalay soo jeediyey in maxkamada sare loo daayo kala saarista magacyada dadka la celiyey, laakiin guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka iyo wakiilada beesha caalamka ee fadhiya Muqdisho kuma qanacsana arintaasi.
Waxaa suurtagal ah in maxkamada sare ay arintan jawaabcelin deg deg ah ka sameyso taasoo haddii ay dhacdo sharci darro ka dhigi doonta dhamaan hawsha guddiga farsamada ay hayaan.
RBC Radio











tuugo weeyey dadkaan la leeyahay waa gudi soomaliya horumar magareyso ilaa laga qabto gudi tuugeedkaan la isticmaalayo, gaasoow waxaan kuu rajeynayaa inaad weydo kursiga aad khayamada u sameyneyso insha allah calafan meysid waayo tuugonimo ayaad wax ku raadineysaa waana markaad si fiican u waalan lahayd maraka aad weydo insha lalaha bi’dmi kariim heli meysid wallahi inta qof soomali ah oo daacad ah ay qof ka noolayahay aadan kursigaa ku fariisan insha allah hacalfan.
CAYDIID ILKA XANAF KKKKKKKKK
WUXUU KA MID AHAA 80 WASIIR EE MAXAMED FAARAX CAYDIID (DAWLADII SALBALAAR)
WASIIRADAA WAXAA KA MID AHAA QANYARE, CAYDIID ILKA XANAF JINI BOQOR MARKA RAGAAN WAA SAAXIIBADII
Guddoomiyaha maxkamadda sare shaqadiisa ma yaqaan. warkiisa ma la maqlay intii khilaaf dhacaayay ee Madaxwayne shariif uu xadgudub ku hayay umadda iyo dhaqaaleheeda.
gudiga farsamadu shaqo adag ayay qateen, lakiin ilakxanaf iyo madaxwayne sariif ayaa umaddu ka dhaqaaqi wayday
Shiiq shariif Dad loo diiday ineey Galaan Parlamanka Muxuu maanta U qaylinayaa Siyaasada & Doonista kursiga ugu Sareeya Xaga Iska dhig ? .1 Road mapka maxuu yahay yaase keenay . 2 Wadanka yaa maamula maanta .3 Isagu madax Weeyne Mayahay Aweedse ma u lahaa Inuu kala Diri karo Dowladiisa Halkii sano Ee la soo dhaafay . 4 Shariifka Hadiiba Intaasoo shir uu Goobjoog ka ahaa Markastana La lahaa Halkaan Saxiix Isaguna Qalin Madoow marba Jeebka Kala Sooboo Dayay . 4 Maanta awood Ma u leeyahay Inuu Yiraahdo Maxkamada Saraan Aadayaa Oo iyada laftigeeda Laga Doodi karo
“Waxaa suurtagal ah in maxkamada sare ay arintan jawaabcelin deg deg ah ka sameyso taasoo haddii ay dhacdo sharci darro ka dhigi doonta dhamaan hawsha guddiga farsamada ay hayaan.” MICNAHEEDU WAA kuwa MP hada la dhaariyey iyo kuwii ansixiyey Dastuurka ayna iyaguna sharci daro ku joogaan oo arin kow laga soo bilaabayo. Sh Shariif waa wareerey ee inuu iska xir xirto boorsadiisa ayaa loo qaatey intuu Tarsan iyo kuwo ka liita taladooda qaadan lahaa. It is the end game for him.
Shiiq shariif Dad loo diiday ineey Galaan Parlamanka Muxuu maanta U qaylinayaa Siyaasada & Doonista kursiga ugu Sareeya Xaga Iska dhig ? .1 Road mapka maxuu yahay yaase keenay . 2 Wadanka yaa maamula maanta .3 Isagu madax Weeyne Mayahay Aweedse ma u lahaa Inuu kala Diri karay Dowladiisa Halkii sano Ee la soo dhaafay . 4 Shariifka Hadiiba Intaasoo shir uu Goobjoog ka ahaa Markastana La lahaa Halkaan Saxiix Isaguna Qalin Madoow marba Jeebka Kala Sooboo Dayay . 4 Maanta awood Ma u leeyahay Inuu Yiraahdo Maxkamada Saraan Aadayaa Oo iyada laftigeeda Laga Doodi karo Sharci matabay Mise Maya ? Warlord & Dad loo bixi yahay spoilers Maxuu Sharaftii yareyd Ed u Hurtay isga Qaadayaa ? Ninkaan waa Shiiqee Markii Horaba Uma Qalmin inuu Soomalia Maamulo Caalamkaa noo Keenay si Qasaba Bal inuu Afduubka Kala Jabiyo . Qayladaan uu siilaba kac leeyay Shalay & Maanta Waxay Tahay World powers jira ayaa Mogdisho Airport Kula Shiray Waana Loo Sheeagay Dadkaan Aad u doo deeyso magac yadooda Waxaa la uruurinayay Ilaa & waqtigii Walid Cabdala Inta badana Isagaa U Gud iyay Un & Au , Waana loo sheegay Inuusan Waxba tari Karin Waxuu bilaabey Sheekadii Lagu Yiqiinay Warlaordka Mogdisho Lakiin card kaan Mashaqeeynayo mardanbaa 20 sano la isticmaa layay, Hada waxay Wadaan ineey yiraahdaan waa Dagaa lamaynaa Tanina waa tii Xamar looga Qaadi lahaa Magaalo madaxda Aan Intaa laheyn Mogdisho Dadka Jooga Marabaan Nabad Maagalo madaxna Uma qalanto , Xamar Xoogaa Yar Oo afduuba ayaa loogatagayaa una Diida Ineey Joogaan Shariifka Iyo Tuugaduu wato ilaa meesha waxa ku haya waa Ciidanka Soomalida & Au, Kismaanyo Waalaga saarayaa Baydhabana waa Xor From Afduub , Xagee lageynayaa Magaalo madaxada ? Meeshii larabo Ilaahoow maa lageeyo Xananbuure , Bohol ,Laan waaleey ama Garasdheer , Hadeeydaan Aqoonin waa Dhul Soomaaliyeed Boqkiiba boqolna Ka dad & Deegaanba Fiican Mogdisho & Thugs kunool ,Viva Puntland & Soomaalia
KKKK Maxkamdda sare warkeedu qabasho ma leh sababtoo ah.
1-dawladii soo magacowaday waqtigeedii waa dhamaaday
2-Markii horeba ma ahayn parlamentry ee waxaa magacaabay shariif sidaa darteed waxaa ay u xukuntaa shariif sida uu jecel yahay mana ahan mid lagu kalsoonaan karo ILKA FANAX xaakim musuqmasqu ku shaqeeya weeye ha iska seexdo
A.A. waan idin salaamay dhammaan Shabakada Wararka naga haqabtirta ee Raxanreeb iyo Akhristayaasheedaba. Salaan ka dib.
Waxaan qaadan la’ahay warkan aad ka qorteen Madaxwaynihii xilkiisii dhamaaday oo wali sidii madax wayne mandate haysta hay’adihii dawladiisii la dhacday amarro siinahaya, ayagii aan cidna siin mandate ay amarkii X president fulinahaya. Waxaan ” X madaxweyne u iri” waa wali doorasho ayaa socota oo tartan madaxwayneuu ugu cararayo (ordayo) ayaa socota, wax uu dheeryahay dadka booska MADAXWYNAHA kula tartamaya maanta dheeryahayna majirto.
Waxaan soo xusuustay shiribkii ahaa ” Areey Maxaad Nin Dooran, Doorta u Dhahdeen Dadkana u Danbaajideen”.
Marka waxaaba wax kasta kasii daran hay’addii sharci dhowrka oo amar aan sharci ku taagnayn La Kufaa Dhacaysa.
Waxay ila tahay in arintan aad “Raxanreeb” dood u furtaan Soomaali oo dhan.
Waad mahadsantihiin
Naagta Khadija la baxday oo qumayaadaa maxay tahay maxaad gaas ka rabtaa, oo aad u habaartamaysaa shaqsi aan aragti shishe mid soke midna lahayn ayaad tahaye.
kkkkkkkkkkk @khadija waxan maqli jireey odeyga habarta la saar walahi khadijo abayo ma u jeedid miyaa khayanada shieikh shariif ee gudoomiye aan sharci aheyn leh dad kala dir.mida labaad ma ogid miyaa in gudigaan uu ku jiro xubno ka socoda qaramada midoobeey oo 7 ah kuwaas oo ah kuwa wax diian iyo mahinga Gaas ma qabiil ahaan baa isku heysan.oo qabqable ku rabtaa iyo danta qabiilka abayo gabar somali qabiil maleh marka ha ku talax tagin.habaarkuna ma kaco saa ilaah baa og cida khayanada wadee.
WAXAAN LAYAABANAHAY WAXA SHARIIFKA KU KALLIFAY IN UU KU DHEGANAADO QAB-QABLA YAASHA DAGAALKA OO AH DAD LAWADAGARANAYO WAXA AY YIHIIN TAARIIKHDOODA? REERKA OO DHAN MIYAA LAGA WAAYEY DAD NADIIF AH OO SOOMAALIDA KALE KA GADMI KARA OO LAGU QANCI KARO MISE ISAGA AYAA DAN GAAR AH KA LEH DAGAAL OOGAYAASHA? SI KASTOW AHAATABA WAXAAN SHARIIFKA KULA TALIN LAHAA IN AANU KU CEEBOOBIN NIMANKAN SHARFTOODII HORE U CUNAY OO AANAY KU SALFAN MUSTAQBALKAAGANA MUGDI HA’ISKA GELIN OO HA’ISU SOO JIIDIN DANBI IYO DHIB HOR OO SAAMAYN KU YEESHA MUSTAQBALKAAGA SIYAASADEED IYO AMNIBA.
danbiile iyo damiin waa maya maya mucquula ma ahan meel khayr laga rabo in ay ku jiraan sidaas darteed jaale madaxwayne raali kolayse si kastood damuquraadi aad iska doon doonto kolay soomaali afrikaan ah baa tahay dadka in aad khasabtiyo digtadoornimo lafahay kaaga jidhaa
@ Abdulahi Abbas Yusuf
Horta magacaad wadato iska sax. Abdulahi Abbas Yusuf ma ahan ee waa Cabdullaahi Cabbaas Yuusuf.
Marka labaad gabadha ha Khadiijo Deggan ha aflagaadeyn dameeryohow. Sidee gabar soomaaliyeed u aflagaadeyn kartaa? Hadaan maanta ku arkayo afkaan kaa faraduri lahaa yaa axmaq, yaa ximaar.
Maxaa kaa galay hadey gabadhu Gaas wax ka sheegto? Dameerkaan kalyaha weyn ee Gaas intuu umadda soomaaliyeed dhib u geystay maad aragtid Awoowgaa la gubye cunbuqyohow gabdhaha la tirsanaya.
ku khadija
heedhe cabaadka iskadaa khadiijo iyo qabyaalada ina caligaas iyo shariif afgaduud waa madaxweynihii iyo ra iisulwasaarihii dowlada dhamaatay mid eed gooniya kaagalayna ma jiro tankale ina caligaas maaha gudiga doorashada hogaameye kooxeedyadana qolada diidey daarood iyo hawiye toonamaaha ee maandhey habaarka iska daa hoostaada lahele
Caydiid ilko Xanaf malahan awood uu wax ku meel mariyo ama go’aan ku gaaro, wuxuu lamid yahay Shariif, Cabdiwali iyo Shariif Xasan oo dhammaan waqtigooda dhammaaday.
X madaxweyne miyuusan lahay dad kala talayi arimaha sharciyada iyo qeynuunka mise kuwa halaajinayuu leeyahay waa saga marba Fuud ku dhacayee maxkamada ayadaba sharciyan waqtigeedi dhacay maxay soo baari? teda kale maxaa gudigan loo sameeyay? sow in ay xulista P ay ka madax banaanato dowlada iyo maamulada somalia ka jira ma aheyn. mise shekadu waa socon wenaye an orodno.
NIN DAAD QAADAY XUMBO CUKSAY. Sharifow, marba meel madaxa ha la dhaco yaa, Talow maxaa u haray hadda ? waa tii uu Guddiga Farsamada toos ugu tagay hadana Beesha Caalamka u tagay ka dibna Mahinga u tagay ugu dambeyntiina yiri Maxakamada Sare ayaa goƔan ka gaareysa howshaan oo dagal oogayaasha iyo Ala Shiekha uu wato yaa, Somaliyey waxaan idin weydiiyey Ma Sharifow ayaad ka sugeysaan CADAALAD iyo in uu Madax Weyne idiin noqdo ? Dan Hawiye kuma jirto in Sharifow iyo xulufadiisa eey ku soo laabtaan Dowlada soo socota waa haddan iska saarno QIIRO QABIIL haddii kale Hawiye ma nasanayo oo ilaa 21 Sannadood kuwaan uu wato ayuu ka nasan waayeen Hawiye iyo Soomali oo idil.
RUN SHEEG kkkkkkk sh shariif wuxuu fuud ku dhacaba hadduu kii ugu kululaa kudhacay
SH Shariif khiyaamadii uu wadaadadii madaxda ka dhigtay uu kusameeyay buu ku naaxay, markaasuu hadda wuxuu isyiri qoladaana (saxiixayaasha) sidii wadaadadii masaakiinta ahaa oo kale ula rog wuxuuse hilmaamay inay isaga ka gangastar sanyihiin.
very smart for sh shariif!!!!
salm caly kum dha umada somaliyeed mar hore aan ilaahey barino asiga ayaa umaqan mid aan waxa ogeen midkii qayana wadaw daaku Qaad