DEG DEG: Gudoomiyihii Ganacsatada Suuq Bacaad oo Galabta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Muqdisho (RBC) Dabley aan la garan ayaa galabta toogtay gudoomiyihii ganacsatada suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho Siciid Siidow,sida ay xaqiijiyeen ehelada gudoomiyaha.
Allah ha u naxariistee Siciid Siidow ayaa la sheegay in rag ku hubeysnaa bastoolado ay weerareen wayar ka hor salaadii maqrib ee caawa xiulli uu ka rawaxay suuqa uuna ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla degmada Yaaqshiid oo suuqa laftiisa uu ku yaallo.
Ehelada gudoomiyaha ayaa Raxanreebu xaqiijiyey in waxyar ka hor xiligii afurka lagu soo wargeliyey geerida marxuumka isla markaana isagoo sooman la toogtay. Dadkii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan booliska DKMG ayaa laxaqiijiyey inay goobta gaareen kadib dilka laakiin ma jirin cid ay ciidamada u qabteen dilka.
Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan dilka.
Illaa hadda ma cada sababta dilkan ka dambeysa, waxaase uu ku soo beegmayaa iyadoo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ka dhex muuqda bulshada ay ku soo badanayeen magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Allaha u naxariisto dhamaan dadkuu ka tegay samir iyo iimaan allaha ka siiyo aamiin
Aamiin dadkii waa dhhamaaden ragii gacanku dhiiglayaaassh qabanlahaa siday mdax cusub uu noqonlaahayeen bay ku mashquulsanyyihiin Ilaahhow naga soo gaar
magaaladii muqdisho waxad moodaa in dadka loo hoosaasinayo layntooda walaahay ninka jooga muqdisho ee iskuhaleeya laba shariif iyo bilaash xayte yaal ugaandhays iyo baabuur qafilan isku wareejiyey war dakan ama unaxa ama kataga ilaah idin masooceliyee ilaahay masaaibtan iyo idinkaba dalka hakasaaro waxaad maqashaa bolis ba gobta tegey iyo waa kabaxsadeen bal meeshan eega? dadka loobeenguuraayo oo laqalqalayo ilaahay ha unaxariisto marxuunyadan isdabasocda aamiin