DEG DEG: Kooxo Hubaysan Oo Caawa Muqdisho ku Toogtay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Adan Cade
Muqdisho (RBC Radio) Kooxo hubaysan ayaa caawa waxay magaalada Muqdisho ku toogteen maareeyihii Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ibraahim Iimaan Xalane.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahaan hubaysan in marxuumkaan ku toogteen degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho xili uu ka soo baxay masjid kuyaala degmadaasi.
Kooxaha Dilka geystay ayaa la sheegay inay ku hubaysnaayeen Bastoolado, waxaana la sheegay in ay baxsadeen markii ay dilkaasi ay geysteen ka dib.
Ciidamo katirsan kuwa saldhiga degmada Xamarweyne ayaa la sheegay inay goobta gaareen markii dilku dhacay kadib, inkastoo aan la sheegin cid loo qabtay dilka.
Ilaa iyo iminka lama garanayo kooxaha rasmi ahaan uga danbeeya dilka loo geestay maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ibraahim Imaan Xalane.
Dilkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lala bartilmaameedsado dadka magaca ku dhex leh bulshada, wariyaasha iyo waliba masuuliyiinta dowlada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] View the original here: DEG DEG: Kooxo Hubaysan Oo Caawa Muqdisho ku Toogtay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Adan Cade [...]
waaa yaab dadkii waa dhamaaday meesha ma wxaa ku yaala kawaan dadka maalin waliba mid la saaro hadna wxaa lagu leeyahay dadkii dilay lama hayo ,waa su,aale dadka wx dila ma biibeen mise dhulka ayey galeen?
War dadkii meesha dhamaaa calool adakaa say ugu nool yihiin meel saas ah
Mida kale dadka madaxda ah may dad ilaaliya sameystaan ilee way og yihiine in maalinkasta muqdisho dad lagu dileee ??????
Xamar waligeed dagimayso inta qof muslim ah lagu dilayo.
Caasimada somaliya ha loo wareejiyo hargiesa somaliya ama kismaayo
Hadii kale reer xamarku iyagaa is yaqanee dadkan wax dilaya ha la qabto oo ha la toogto.
Maalinkasta waxbaa la dilaa wax loo qabtana ma jirto way baxsadeen uun ayaa la leeyahay.
Viva khaatumo state viva somaliya
ilaahey ha u naxariisto qof walibaa wuu dhimanayaa waxxaase wanaagsan in masuuliyiinta ilaalo loo sameeyo waa u jeedaaan xataa masaajidadii ayaa dadka lagu ugaarsanayaa waa wax sharciga ka baxsan waa dad waqtigoodii dhamaadey shabaab waxay sameynayaa wax waliba waxay ka xunyihiin cid ay dhaafayaan ma laha ilaahey umada ha badbaadiyo odey fanaan shiikh shariif dumar ilmo wax u harey ma jirto waa tuugo umada loo soo direy
Alaha unaxariisto Eheladiisiina samir & Imaan alaha ka siiyo Aamiin , Anigu waxay ila tahay waxaa loo dilay xaqdaro waxaana umaleynayaa waxaa soo noqday dilkii dadka maamulka haya qofba qofkuusan rabin iska reebayo waana nasiib daro inaanan 20 sano oo isdil maala yacni ah Dadkii & Dalkiiba baa bi iyay wali lawado ,Soomaliyeey saan xal maahan