DEG DEG: Kulankii Hillary Clinton Ay La Yeelan Lahayd Labada Shariif iyo C/weli Gaas oo Dhacaya Jimcaha Berito (Faahfaahin)
Nairobi (RBC) Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaalada Nairobi ay soo gaaraan saddexda masuul ee DKMG Soomaaliya hogaamisa ee kala ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan, waxaana berito safaarada Mareykanka ee Nairobi ka dhacaya kulan xasaasi ah.
Kulankan oo dhacaya berito [Jimce] gelinka hore ayaa sida Raxanreeb ay ogaatay diirada lagu saari doonaa marxalada cusub ee dalku galayo gaar ahaan doorashada madaxtinimo ee la filayo inay dhacdo 20-ka Agoosto oo labo toddobaad naga xigaan. Waxaana la filayaa in Hillary Clinton ay diirada saarto dhowr waxyaabood oo ku jira doorashada.
Warar ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda DKMG Soomaalidu ka cabsi qabaan in Mareykanka ay ku taliyaan in saddexda masuul [Labada Shariif iyo Gaas] ay doorashada ka haraan taasoo sabab looga dhigayo eedeynta musuqmaasuq ee saddexda nin iyo rag kaleba loo soo jeediyey taasoo Mareykanka iyo Ingiriiska u ololeynayaan in baaritaan lagu sameeyo.
Waxaase jira aragti kale oo sheegaysa inay dhici karto in xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ay soo jeediso in doorashada ay noqoto mid hufan oo aysan noqon mid saddexda nin jeebka ugu jirta sida ay haddaba ka walaacsan yihiin musharixiin fara badan oo sheegaya in illaa hadda guddi doorasho aanu jirin, wax diiwaangelin ahna aan loo sameyn musharixiinta rabta inay u ordaan madaxtinimada dalka.
“Hal barlaamaan kaliya”
Warar ku dhow safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo Raxanreeb ay heshay waxay kaloo sheegayaan in Clinton ay cadeyn doonto mowqifka Mareykanka uu ka joogo labada gole baarlamaanka ee lagu xusay qariirada tubta “roadmap” ee ay saxiixeen lixda nin ee saxiixayaasha ah, taasoo xukuumadda Washington oo deeq bixiyaasha ugu horeysa ay ka qeylisay.
Mareykanka ayaa qaba inaan dhaqale loo heyn labo aqal baarlamaan oo Soomaaliya yeelato hase yeeshee loo baahan yahay kaliya hal aqal oo ka kooban “275″ xildhibaan in la sameeyo iyo dawlad leh madaxweyne iyo gole xukuumad, waxaana la filayaa in mowqifkaasi Clinton u sheegi doonto saddexda sarkaal ee ugu sareeya DKMG Soomaaliya.
Qodobada kale ee ku jira ajendaha kulanka Clinton la yeelaneyso labada Shariif iyo C/weli Gaas Jimcaha waxaa ka mid ah in mudanayaasha cusub ee baarlamaanka laga rabo inaysan noqon kuwo ay keensadeen madaxda sare iyo siyaasiyiinta balse ay noqdaan kuwo metela beelaha.
Wixii warar dheeraad ah ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com
___________________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











Eedo Hilary Clinton……..nimankaan naga qabso………
aniga waxay ila tahay in kursiga baneeya la oran doono sidii c/llahi yuusuf allaha unaxariistee sidii aan horey uga baraney balse ma garan karo wado kale oo tii hore ka bedelan anaga qudhayada waa jeclaan lahayn in ay na dhaafaan ceeb baan ka qaadney madax si cad oo aan gabasho lahayn wax u dhaceysa ayaga hortood meynaan arag dal bursan dad baahi u le’naya oo deeqdoodii suuqa lagu iibinayo shahid baan u nahay sidaa darteed na dhaafa oo marka leydin yiraahdo ka dega ismana soo dooran kartaa yeela sidii c/llahi yuusuf yeeley allaha u naxariistee sidaas ayad aduunkana magengelyo iyo meel aad degtaan uga heleysaan hadiise aad diidaan xabsi iyo cuna qabateyn.
soomali oodhan waxay iska saari wayday marka aduunku waain uusaara,
Soomaaliyeey sidii aan horeyba idinku sheegay dhowr jeer oo hore nina wiilkuma siiyo cidnana dowlad kuma dhisto. (biyo sacabadaada baa looga dhargaa) Dowladda aan nafteena u dhisan weynay walahi in aan cidna noo dhisi doonin. Maraykan iyo dowlad kale waxaan nafteen u diidnay nooma qaban doonaan, taas ogaada.
Mida kale dowladda maraykanka haddii ay seddexdaan shaqsi ka joojiso in ay ka qaybqaataan siyaasadda soomaaliya naynaastaydu ma ahan SAMAKATALIYE, wax danbe oo comments ahna kuma soo qori doono RAXANREEB, taasi waa balan.
ilaahow towfiiqda na waafaji.
waa cadahay meeshaan waa xil xilli,marka xiligii warlordka waxay ahayd abdulahi yuusuf,xiligii wadaddana waxay ahayd xiligii shariifka,xiligaan waa xiligii Proff;proff,aqoonyahanada,”””””””””
waxaan aad u jeclaan lahayn,in ay naga kaxayso kuwaanayto,waa nacnay,ma arki karno waana na dhibeene alloow naga qabo.aaaaaaaaamiiiiiin.
arintu wa iska cadahay waa shekadi dawladi c/laahi yuusuf oo kale, shacabkuna waxaay doonayaan wajiyo cusub madaxdaan waa soo shaqeyeen marka hada waa inay dadka kale jaaniska siiyaan
waa fiicantahay hadey ka joojiso 3 da madax in ey isoo xulaaan xita ninka farmaajo la leeyahay waa in laga saaraa war wixii shariif lasoo shaqeeyay oo dhan ma istaahelaan madax warka wuu cadyahay
hala doorto pro, oo tacliinta leh oo umada horumar gaarsiin karaa