DEG DEG: Labada Shariif oo Galabta U Duulay Nairobi Iyo C/weli Gaas oo Waaberiga Ambabixi Doona
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhow ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo u dhoofay wadanka Kenya.
Madaxweynaha iyo Shariif Xasan oo wadajir ayaa diyaarad gaar ah u qaatay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxyar kadib markii ay ka soo laabteen shirkii ansixinta dastuurka oo maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.
Warar Raxanreeb ka heshay xafiiska raysul wasaaraha C/weli Gaas ayaa sheegaya in berito subax aroortii uu dhoofi doono raysul wasaare Gaas oo isaguna magaalada Nairobi uga dabatagi doona labada Shariif.
Ujeedada socdaalka saddexda nin ayaa lagu micneeyay kulan berito aroortii ay la yeelan doonan xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton taasoo Nairobi socdaal ku joogta.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta kulanka Hillary Clinton ay ula kulmeyso saddexda nin, iyadoo si weyn loo hadalhayo in arimo ku saabsan doorashada ay kala hadli doonto.
Kulankan oo dhacaya berito [Jimce] gelinka hore ayaa sida Raxanreeb ay ogaatay diirada lagu saari doonaa marxalada cusub ee dalku galayo gaar ahaan doorashada madaxtinimo ee la filayo inay dhacdo 20-ka Agoosto oo labo toddobaad naga xigaan. Waxaana la filayaa in Hillary Clinton ay diirada saarto dhowr waxyaabood oo ku jira doorashada.
Warar ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda DKMG Soomaalidu ka cabsi qabaan in Mareykanka ay ku taliyaan in saddexda masuul [Labada Shariif iyo Gaas] ay doorashada ka haraan taasoo sabab looga dhigayo eedeynta musuqmaasuq ee saddexda nin iyo rag kaleba loo soo jeediyey taasoo Mareykanka iyo Ingiriiska u ololeynayaan in baaritaan lagu sameeyo.
Waxaase jira aragti kale oo sheegaysa inay dhici karto in xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ay soo jeediso in doorashada ay noqoto mid hufan oo aysan noqon mid saddexda nin jeebka ugu jirta sida ay haddaba ka walaacsan yihiin musharixiin fara badan oo sheegaya in illaa hadda guddi doorasho aanu jirin, wax diiwaangelin ahna aan loo sameyn musharixiinta rabta inay u ordaan madaxtinimada dalka.
“Hal barlaamaan kaliya”
Warar ku dhow safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo Raxanreeb ay heshay waxay kaloo sheegayaan in Clinton ay cadeyn doonto mowqifka Mareykanka uu ka joogo labada gole baarlamaanka ee lagu xusay qariirada tubta “roadmap” ee ay saxiixeen lixda nin ee saxiixayaasha ah, taasoo xukuumadda Washington oo deeq bixiyaasha ugu horeysa ay ka qeylisay.
Mareykanka ayaa qaba inaan dhaqale loo heyn labo aqal baarlamaan oo Soomaaliya yeelato hase yeeshee loo baahan yahay kaliya hal aqal oo ka kooban “275″ xildhibaan in la sameeyo iyo dawlad leh madaxweyne iyo gole xukuumad, waxaana la filayaa in mowqifkaasi Clinton u sheegi doonto saddexda sarkaal ee ugu sareeya DKMG Soomaaliya.
Qodobada kale ee ku jira ajendaha kulanka Clinton la yeelaneyso labada Shariif iyo C/weli Gaas Jimcaha waxaa ka mid ah in mudanayaasha cusub ee baarlamaanka laga rabo inaysan noqon kuwo ay keensadeen madaxda sare iyo siyaasiyiinta balse ay noqdaan kuwo metela beelaha.
AKHRI WARBIXIN AY RAXANREEB QORTAY
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho











3 tuug aduunku ha qabto sxb kood mihigana shalay waakii qarxiyay ooyiri in ay gataan bay raban barlamanka cusub in ay meesha ka baxaan maahee doorasho xor ah madhici doonto taasna aduunku waa la socdaa
[...] Halkan Riix si aad qoraalka cinwaankiisu kor ku xusan yahay aad uga bogoto. [...]