DEG DEG: Labo Nin oo Miineysan oo Goordhow Isku Qarxiyey Iridka Laga Galo Xarunta Shirka Ansixinta Dastuurka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Labo nin oo miineysan ayaa goordhow ku qarxay bar kontorool oo ah tan koowaad ee laga soo galo xarunta Iskool Boolisiya ee uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ee magaalada Muqdisho.

Labo nin oo dhalinyaro ah kuna rakibnaa waxyaabaha qarxa ayaa albaabka koowaad ee laga soo galo kontoroolka ugu horeeya ee xarunta soo gaaray kuwaasoo markii ciidamada amaanka ay damceen inay joojiyaan isqarxiyey.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay qabteen laakiin taliyaha amaanka ee xerada ayaa Raxanreeb u sheegay in labadiiba ay isqarxiyeen ayna goobta ku googo’een.

Labo qarax oo aad u waaweyn ayaa markaliya laga maqlay banaanka xerada Gen Kaahiye gaar ahaan iridka xiga dhanka degmada Waaberi oo ah iridka kaliya ee laga soo galo.

Ugu yaraan shan askari oo ciidamada Soomaalida ka mid ah ayaa goobta ku dhaawacmay.

Lama oga in cid ergada ka mid ah oo waxyeelo soo gaartay.

Ergooyinka intooda badan waxay saaka ku xaroodeen gudaha xerada Gen Kaahiye oo uu shirka uga socday beryahan.

Amaanka ayaa aad loo adkeynayaa waxaana wariyaha Raxanreeb uu sheegayaa in rasaas teel teel ah laga maqlayo goobta.

Madasha maanta waxaa la filayey inay soo gaaraan raysul wasaare C/weli Gaas, Wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo wasiiro badan oo dawlada ka tirsan.

 

 

 Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb

Share

Tags:

3 Responses for “DEG DEG: Labo Nin oo Miineysan oo Goordhow Isku Qarxiyey Iridka Laga Galo Xarunta Shirka Ansixinta Dastuurka”

  1. Kilwe says:

    Waar illeen ibtilo
    Bal umad naftooda halaagasa!!!

  2. daljire says:

    ala maxaaa kudhacay ,najis najis wada dhalay ,,,, inay umada soomaliyeed indha tiran bay rabeen laakiin iyagaa indhaha ilaahay kariday, gubta oo gaar gaara ,saa waadba gubatene. Ilahayow waa ramadaana naga qabo dhagar qabayaasha.Amiin

  3. caraseedo says:

    Aduunkana kuholca AAKHIRANA JAHANAMO gala,bal fiir waa bishii barakaysnayde ee Ramadaan xaggee bay u socdaan,Ilaahay cadaabtiisa ha idinkugu roonaado[[waa cadow ALLE]]

    Ilaah baa aduunkaan maamulahayee
    Xaquna waa halkiisii,diinteena wacan
    Ninkii diidanaayoow dhagahaaga sii furo
    Idinkays halaagoo naftiinii holcinayee
    Jahanabo jidkeedii safar dheer u sii mara
    Silic iyo wareer gala,Haawiya u sii mara.

Leave a Reply