DEG DEG: Labo Qof oo Rayid ah oo Caawa Gaalkacyo Lagu Dilay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC Radio) Kooxo dabley ah ayaa weerar ka geystay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxeyna dileen labo qof oo rayid ahaa kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi Dheere iyo Dhagjar.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Raxanreeb Dableyda dilka geysatay ayaa weerartay goob u dhow dugsiga Barkhadle, waxaa wararku sheegayaan in ragga weerarka geystay ay ahaayeen 3 ruux kadibna ay halkaas ka baxsadeen.

Dilkaan waxa uu ka dhacay meel u dhow Iskuulka Barkhadl oo ku yaalla qeybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Ragaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay kasoo jeedeen Magaalada Laascaanood balse ay waligood ahaayeen reer gaalkacyood.

Ciidamada amniga ee dhanka Puntland ayaa goobta soo gaaray cid loo qabtayse ma aysan jirin.

Wararkeena danbe ayaan idiinkugu soo sheegi doonaa wixii kasoo kordha

RBC Radio
Gaalkacyo Soomaaliya

Share

7 Responses for “DEG DEG: Labo Qof oo Rayid ah oo Caawa Gaalkacyo Lagu Dilay”

  1. maroodi says:

    ilaahey gacmaha idin jar dhiig muslim ayey caadeysteen.

  2. [...] More: DEG DEG: Labo Qof oo Rayid ah oo Caawa Gaalkacyo Lagu Dilay [...]

  3. B Jameeco says:

    War maamulka ayaa la og baan isleyahay kuwaan wax tooganaaya oo aann la qabanayn, qabasho qorsheysan mmiyaa lloo waayaay kuwa wax dilya imisay socotay imisa ku dhimatay. Ilaahayow kka badbaadi masaaiiintaas kuwa naloo soo adeegsanayo

  4. Kilwe says:

    Umadan bisha Ramadan ee weliba iyadoo 10 kii beri ee ugu khayrka badnaa lagu jiro dhiigga Muslimiinta daadinaya Waa faataxada loo maro in rabbi umadda ka dhex Saaro.

  5. XaajiDhuuni says:

    War kuwa dadka muslimiinta ah dila oo waliba dila busha Ramadaan waa GAALO MADOW.
    War waa gaaladii Gaalo ugu xumayd.Kuwaas muslimnimo way ka fog tahay.Waa kuwo ay ku dhacday Carada ILLaahay (swt).

  6. hasiim says:

    ilaahow u naxariiso meesha balaaya joogta iyo wax dadka dila oo hadana carara gaalkacyo la dhahaa waa magaalo dil iyo dagaal iyo qas ku caan ah marka waxii dileey ilahey ha soo qabto si kale laguma heli kareee.

  7. sayid says:

    way iska cadahay waa arin qabiil laakiin waxaan leeyahay reer gaalkaccyood waa dhita utaal daraawiishta laynta ay laynayaan

Leave a Reply