DEG DEG: Maamulka Dowlada Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Inay La Wareegeen Deegaanka Lanbar Konton
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay haatan si buuxda ula wareegeen deegaanka Lambar Konton ee gobalka Shabeelaha Hoose.
C/qaadir Maxamed Nuur nuur ayaa wuxuu sheegay ka dib weerar ay saaka aroortii hore ay ku qaadeen deegaankaasi in ay u suurta gashay in ay ka saaraan kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM haatan ay sii dhaafayaan deegaanka Lanbar Konton ayna gaarayaan deegaano kale oo ka tirsan gobalka.
Masheegin in uu jiro wax dagaalo ah oo halkaasi ka dhacay oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya iyo kuwa Al-Shabaab oo dhinaca, laakiin wuxuu caranka ku dhuftay in Al-Shaaab ay baneeyeen deegaankaasi.
Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan arintaan marka laga soot ago warkaan ka soo baxay saraakiisha dowlada Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa wali waxay ku suganyihiin oo ay maamulaan inta badan gobalka Shabeelaha hoose waxaana meelaha ay gacanta ku haayaan ka mid ah magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha hoose.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Continue Reading: DEG DEG: Maamulka Dowlada Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Inay La Wareegeen Deegaanka Lanbar … [...]