DEG DEG: Madaxweyne Shariif oo Shirkii Saxiixayaasha Ka Soo Carooday Si Weyna Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo saaka si caro leh kaga soo baxay shir ay magaalada Nairobi ku lahaayeen kooxda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka oo socday illaa xalay.

Madaxweyne Shariif ayaa goordhow markii uu ka soo degay garoonka magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay taageerayaashiisa oo caleemo qoyan iyo calamo lulayey kuwaasoo kaga hortagay qeybta VIP-da ee garoonka.

Wariyaha Raxanreeb oo garoonka ku sugan ayaa soo sheegaya in madaxweynaha uu  la hadli doono warbaahinta ka hor intaan loo kexeynin xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 Maxaa la isku qabtay??

Kadib shirkii kooxda saxiixayaasha ay la yeesheen shalay xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa kooxda saxiixayaasha oo ka kooban lixda nin ee kala ah Sheekh Shariif, C/weli Gaas, Shariif Xasan, C/raxmaan Faroole, Maxamed Axmed Caalin iyo C/qaadir Macalin Nuur waxay shir albaabada ay u sxuirteen ku lahaayeen hotel ku yaalla magaalada Nairobi.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen.

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne  Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada beesha Dhulbahante ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday.   Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole.

Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday.  Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!.

Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.

Madasha shirka ee Nairobi waxaa haatan isugu haray shanta kale ee saxiixayaasha oo uu wehlinayo Mahiga inkastoo wararka ay sheegayaan in Mahiga uu Muqdisho ku soo fool leeyahay si uu markale ula kulmo Sheekh Shariif.

Waa khilaafkii ugu adkaa ee soo kala dhexgala lixda saxiixayaasha siyaasadda Soomaalida waqtigan horbooda waxayna arintan timid xilli kaliya 15 casho ay ka harsan tahay doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka.

 

La soco Faahfaahin kale
RBC Radio

Share

Tags:

36 Responses for “DEG DEG: Madaxweyne Shariif oo Shirkii Saxiixayaasha Ka Soo Carooday Si Weyna Loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho”

  1. Ma says:

    war kaas imarayo…. sh.shariif wax badan oo ceebaha faroolo qariyay…. inuu bananka soo dhigo waa waxa sugi la aa..

    khaatumo state viva ….. reer khaatuma tooosa isku tiirsanada ..cadowka somalia allah jabsho

  2. Buurka diikoow says:

    kkkkkkkkkk Nin carooday laga baddi kkkkkkkkkkkkk. Waatuu shalay gows dambeedka ka qoslaayee, maaxaa maanta ka oohsiiyay. Mise waa iloowsanaa in Faroole ka dambeeyo qosol kasta oo been ah.
    Waxaan kaloo maqlay in odaygu ka soo cararay wiilkii boorsada u wadi jiray ee ina Khaliif dhegta wax ugu sheegi jiray.
    Qofki raba inuu marwalba guul ku seedxo, Dr Faroole teamkiisa haka mid noqdo. Igaarkaan dugsi quraanka kabiirka ka ahaay, xaa ku watay ciyaarta nimanka waaweyn ku baashaalaan ee Madaxweyne la dhaho inoow soo dhex bariiqsado.

    Viva Faroole inta laga gaaraayo 20 Aug, niman badan oo Ali Beysteen ugu horeeyo cidii ilmo yar uga qeylisii.

  3. Wiil-mudug says:

    Xamar waa inay yimaadeen, maxaa Nairobi ka jira, war waxaan waa dad wada xanuunsan.

  4. somali says:

    5ta kale ee saxiixayaasha iyagaa u baahan Madaxweynaha kol hadii uusan Mareykanku ka codsan Madaxweyne shariif inuu xilka isaga dago.Mida kale mr faroole kol hadii reer Khaatumo iyo odayaashoodu kolkii horeba soo marin uuna midaas qaatay in aanan maanta reer Khaatumo lagu san duleyn karin rabitaanka faroole waa wax iska cad waana codsi riyo maameed ah lamana dhihi karo waa qilaaf ee waa mid ka mid ah riyooyinkii wada fashilmay ee mr faroole :Mr faroole waa ceeb u joog ee talada ma wuxuu ka qaataa xaasaskiisa iyo caruurtiisa?

  5. Kismayo says:

    War faroole wuu kibrey, faroole wax qabsada miyuu waayey. Faroole hasheego halmagaalo oo ///////// leeyahay.oo uu kataliyo maamulka pintland,indhagarashada nagalatag laxyahay. Haduu nin raga yahay galkacyo ayuu waxkaqabanlahaa. Hadaba beesha puntland hadaysan wax kaqaban ama kahadal siyaasad xumada faroole waxaa cadaanaysa inay ayidsanyihiin xumaanta uu kuhayo beesha daraawishta . Khatumo iyo puntland waa labo maamul oo siman. Bal haduu cid wax kuqabsanayo muu galmudug kuqabsado oodhaho galkacyo waa puntland faataadhakhlaha.wax ///// ladhaho majiraan. Kismaayo xitaa kamajiraan .waa lakakalabaxay. Waanu tashanay beelaha kale ayaanu waxlaqaybsanaynaa .KISMAYO. SOMALIA

  6. somaali diid says:

    Sh.shariif wuu ku sugay,, Kkkkkk,,,, war yaahee xoolayashii ,farole iyo Gaas afaara qabiil ayay bilaabeene, XOOLIHII sakiina asaguna ishaafalatuu keenay ,tayda hala dib dhigo ku lahaa !!! Faroole iyo qunsulka xamar u fadhiya waa gaase maxay rabaan iyana walee darbigaa idin soo xiri doona xulufaysi fool xun ayay keeneen

  7. Asc waxaan umalaynayaa taasi inaymuujinayso inuusan meesha waxba kuhayn ayna hayso kalsooni daro

  8. khadija says:

    horta odayaasha ma ahaynba iney soo maraan puntlan waayo odayaasha waxay u duuban yihiin waa khaatumo waxay metelaan khaatumo sidaa darteed faroole waxaad uga bogan kartaan inuu jecelyahay faragelin iyo waxaanu shaqo ku laheen amiin aamir ka daawada warkii oo dhan inta habar khaatumo ka nooshahay faroole riyadaas ayyuu ku jirayaa.

  9. Garyaqaan says:

    Khaatumo maxaa u diiday in. Madaxbanaadaan marwaxaa isku haysta putland iyo somaliland marna sharifka iyo putland.

  10. wiil mudug says:

    waaa kusaxanyahay faroole inuu usoo xulo barlamaanka //// waayo puntland bay katirsanyihiin hadii qabiil wax lagu qaybsadana waa ///// marka shariif oo raba inuu odayaal kagato barlaamaanka looma joojinayo qofwalba fikirkiisa ha kahadlo ramadan kariim

  11. muna says:

    wax waliba wada hadal ayaa lagu dhameeyaa ee waa maxay masuulkii ugu weynaa dalka oo carooday allloow na astur qofwaliba wuxuu wataa dan asaga u gaara qof wadan u daneeynaayo maleh———-HJ

  12. cawaale says:

    siyaasad xumadiisa markii kanbala ayaa la ogaday,wixii ay ku heshiiyeen maxay hadba ubadaalayaan waa layaab,

  13. Soomaaliyaan says:

    kkkkkkk WOOOW waryaadhahee, war Madaxweyne Shariifkii Siyaasadii ayuu bartaye, kkkkkk
    walaahi sifiican ayuu oga raayay Faroole iyo shariif xassan oo ujeedooyin ugaar ah watay,

    kkkkk mida kale Faroole wili ba bilaa xishoodbaa horta, Khaatumo hadeey ayagu tashanayaan dee udaa ha tashadaan, oo hasoo xushaan xildhibaanadooda iyo wasiiradooda, kabacdi hadii aad rabtid in aan kala hadashid midnimo iyo wada shaqeyn sidii niman raga, waa GOOD, hadii kale waxaan ku leenahay HIT THE ROAD JACK, and don’t you come back no more no more, lol……

    Khaatumo weey tagtay oo weey duushaye, kii ka naxaya & kii ku farxayoow, wakaas!!!!

  14. muumin says:

    Waa arin wanaagsan marba haday ayaga ka dhex tolatay awalba khiyaano ayee ku heshiiyeen

  15. Libaax-libaax DHalay says:

    Adeer maxaa Faroole taas ku qasbaya oo uu SHariif Amed uga baryayaana? taasaa Sharaxaad u baahan, awalba kama uusan hadlin xubnihii KHaatuma u fadhiyay shirkii ansixintee? hadydan ogayn wixii dhacay wararka mala awaalka ah waa laga fiicanyahay.

    Waa wax layska ogyahay in jiro xarig jiitan xagga siyaasadda ah ee u dhexeeya dadka meesha isugu tegay dhammaantood laakiin wax kale ka hadlay, Faroole go’aanka khuseeya Puntland, arrimaha ka dhexeeya KHaatuma ninna adeer marti uguma ah nimanka meesha isugu tegay, taasina waxa la mid tahay adigoo yiraahda SHariif Axmed baa codsaday in xubnaha barlamanka ka soo gelaya Aala isaga lagala tashado. Very Soorry Raxanreeb!..Colaadda raxanreeb iyo war kuray yar oo meel ka caraysan uu soo qoray waxba uma dhimi karto Puntland….inshaa Allaah.

  16. runsheeg says:

    adeer wadankaan waa la qabsanayaa, ninnoona ha isku daalin niman kaan meesha joogana midkasta xoogaa lacaga buu rabaa. iska ilaawa somalia waa ku daysay .

  17. butlander says:

    waaan maqli jirey qabiil anan qof u wal nayn qosol kama dhar gaan faroole wa ninka inoo walan marka shariif dhiig kar un buu ku ridi ama walida bu la qadan waxba kama dhaxeyan kkkkkkkkkkk inta kalena wa hore buu walay ba shariif na shalay asaga walidiisa yasey marka manta ha shalaayo owrka

  18. war firdhiye waa kasoo daray war ””””””” jeebka ma galin kartid firdhiyaw
    puntlad dadkii wada dhistay ayaad kala firdhisay maxaad ”””””’ karabtaa ””””” waa kuwaas soo xulanaya xubnahoodee reer khaatumo ayuu sii kicinayaa

  19. somaali diid says:

    CEEBEY WAR waxan waa waji bir ,,,,,
    Fidma wadaha koowaad ee aan doonayn in wadanku dego waa FARAdheere, iyo sakiinta , Gaasna sheekadiisu waa lajiifiyana banan lajoojiyana banan, farole way u cadahay inuu san khaatumo wax usoo xulayne waa qaswade ,2 diisii wiil iyo habartisi ayaa waxan dhegta ugu shegay then nrbo ayuu laqabtay ileen waa indha beele ..

  20. asad yare says:

    Walle waa layaab Faroole khaatumo wax loo saar
    Shariif awel buu faroole isu dhiibay faroole waxba meesha kuma hayo aan ……… ahayn sababta uu uga cabsado ayaan garan waayey

  21. cadaani says:

    waxa nbi ku shiriyay ayaaba khalad ah teeda kale faroole maxaakagalay khaatumo ? odayadii ssc ayaaba xamar fadhiyee faduul badanaa faroole calaakulixaal inay fooda isla galaan waa waxaan rabay sasaa lafadee!

  22. cadaani says:

    ALOOW LABA DIBI ISKUJAAN QAAD OO MID NOOJABI AAN JARJARANOON JEENIKACUNEE

  23. Buurka diikoow says:

    Wagar, raga meeshaan kaga calaacalaaya maxuu Faroole noogu diidanyahay inuu Shariif na yeesho baaba iigu daran. Ilaaheey ka sokoow Khatumo Faroolaa masuul ka ah, Shariif baanan kala wareegi karin xilkaas, walaa ina Khaliif baan kala wareei karin iyo Garaad Binti. See Faroole oo nool Shariif ku damcay inuu mulkidiisa la wareego. Maantuuse ogaaday in wax lakala leeyahay jiraan. Waa kan sida dhoocil carooday markuu runta arkay iyo cadeymaha cida mulkidaas iska leh.

  24. geelqaad says:

    Khaatumo waxay leedahay 13 issim oo dhammmaantood saxeexay, Somali iyo beesha caalamkana ku war geliyey inay Puntland ka baxeen Jananuary 2012 ooy samayteen maamulgoboleedka Khaatumo. Maamulkaas khaatumo waxaa aqoonsaday dawladda uu mudane Sh. Sharif sh. Ahmed madaxweynaha ka yahay iyo beesha caalamkaba. Yaahoy faroole xoog badanaa, hadduu maanta u badheedhay inuu beesha khaatumo ku dhaho aan khasab idinku xukumo…ma dhug la’aanaa hayso

  25. Hanoolaato says:

    Qayladii yeertaba nin bay khayr u tahay! Waxaan rajeyneynaa in khilaafkoodu uu horseedo in Soomaali fiican ay Baarlamaanka soo galaan ayaguna halkaas ay sacabada dhulka ku dhuftaan (ku kufaan). Arrinta Khaatumo haddii aan ka hadlo, Khaatumo, waa maamul Goboleed kamid ah maamullada ka jira dalka Soomaaliya, kaasoo ka mug iyo miisaan weyn maamul goboleedyo hadda jira saxiixeyaashana ka mid ah, sida Gal-mudug iyo Ahlu-Sunnada Cabdulqaadir Macallin Nuur. Ninkii yiri aniga ha la i weydiiyo xubnaha Khaatumo, waa nin aan ogeyn waxa uu yahay!! Maah maah ku soo biirtay maah maahyadii hore ee uu curiyay nin la yiraahdo Gamaadiid bur burkii kaddib, ayaa oranaysa sidan ” Ninkii riyadiisa xariir ku xirta, salaaddii dharkiisuu lasoo toosaa” Hadalka Faroole taas ka soo qaad.

  26. zack-london says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk faroole anigoo oo neceb siyaasadaada …………lakiiin…..waxaa tahey nin rag ….meeqo nin ayaad ka xanaajisey

  27. Amina says:

    Waxa wax lagu qaybsanayaa 4.5 sidii horay loo yiri marka Khaatumo iyo beelaha kale ee ===== waa inay ugu shubaan ninkii markaas u cad cad musharaxnimada si aan meel isugu geyno cududeena,maxay tahay dadka codkooda iibinaya oo la lasheegayo?sow ma oga iney dadkooda meesha u joogaan, wlhi waa wax laga xumaado in dadkale oo loowlan naga dhaxeeyo loo codeeyo Rabadaan kariim.

  28. Mo Ahmed says:

    madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed waxaan la garab taagannahay taageero buuxda isaga ayaana loo doortay xilka umadda swoomaaliyeed, faroole qoyskiisa ayaa doortay talada ========== ayuu wax ku leeyahay,
    Inoo duceeya in sikiin ilaahay dhinac inoo dhaafiyo dhinac kalena aanu gayn

  29. caraseedo says:

    Nin carooday laga badi:ciil uu kutaahiyo wal wal buu ku noolaan,Faroole siyaasaddiisa anagoon jeclayn baa haddana waxaan jecel nahay wadajirka puntland iyo samaliya oo dhan isfahankooda,wax wada qabsigooda,haddii kale intaad faroole iyo shiikh shariif u jeedataan oo beriba ay u badan tahay inay baneeyaan meeshaba,yaan ladayicin dalka iyo dadka.
    Waxaan leenahay Alloow ninkii roon reerka u reeb,

    Ragga soomaaliyeed:
    Jabhado na wareershay oon jaahna looga bixin
    Jahawareer iyo Jabbay Jaaha noo sureen.
    Jaliilkii na uuntayoow Jaha nooga bixi
    [[oo kuwaan kuwo ka khayr badan noogu badel]]aamiin
    Xaaladdu waa[[[RABADAAN KARIIM]]]

  30. Faroole waa nagu dabo lumaa ,tageerada khatumo haduu rabo faroole wax walbe waa is af garad, lkn xildhibanada usoo xula waa wax lagu qoslo, qabiilada s0maliyed odoyashoda aya usoo xulaya, kuwa besha khatumana sidoo kale,faroole rer puntland uma so xulayo in uu fargashto qabiilkale oo dariskiisa ah waa ku ceeb.

  31. Dhoodi says:

    Buurka diikow

    afkaaga akhlaaq u yeel laxyahay caanaha riyaha lagu soo korshey

  32. Waar ileen nin aan wax arag baa yiri anaga wax aragnay wegedh, war umadan dhulka yaga soo ayagii somalidiidka ku wareejiyey, oo markan is dagaaleyno dhaawaceyna iyo dhimashadeena ku farxaa.faroole iyo puhland intee isga soo galna shariif baa iga xiga faroole, isagana xildhibano ayan u soo xulaya ayu leyahay khatumo. Viva khatumo state cadowkedana hadhinto,nacaskeedana hajabo amiin amin amin

  33. Arinta kale oo isweydinta mudan waxey tahay qoladan rer puntland wax naloo saray galmudug iyo mamulada kale kama hadli garan wa sxbed bey yirahdan, mise khatumo ineey dagaalo ku furanyihin bey ogyhiin wale qoladan puhland anago is faro saarin sida s0maliland nagama harayan ilaa qiyamaha waxa ino balan ah dagaal rer puhlandey markan s0maliland ka so jeesano wad naga hariweysen.

  34. Haad says:

    Ma aaminsani warkaan meesha ku qoran. Wuu ka fogyahay xaqiiqada uu Afguduud u soo carooday sidii, ” Gaari Masayrtay”.

    Afguduud wuxuu usoo carooday sababahaan;

    1, Asagiyo Mahiga/Ajnabiga oo isku dhacsan. Ajnabigaa iskhilaafka abuuray si ay u cayriyaan.

    2, Nairobi markuu tagay oo loo jir xumeeyay. Wuxuu waayay soo dhaweyntii iyo garabkii uu ka heli jiray Ajnabiga iyo Sakiin oo marwalba ku taageeri jiray waxyaabo badan.

    3, Cabdulqaadir Macallin Nuur oo uu Shariifku watay oo shirka saxiixayaasha laga saaray iyadoo Sh. Maxamed Maxamuud Awlibaax uu yahay shaqsiga Ahlu Sunna ay Wakiilatay.

    4, Ajnabiga iyo Ina Gaas oo shir khaas ah yeeshay iyo Afguduud oo ka maseyray, arkayna in hada cid aan asaga aheyn la daneynayo. Waliba waxaa laga hayaa inuu yiri, “Way ku haboonaan laheyd in nalala socodsiiyo wixii shir ah oo dalka quseeya”.

    5, Iyo war kale oo aan la hubin oo sheegaya in Sadexda DFKG lagu yiri, ” Isku hal dhinac baad tihiin oo ah DFKG, sidaas daraadeed dhiniciina hal musharrax iska soo xula.”

    Waa arrimahaas wuxuu Afguduud meelaha isaga daba wareegayo sidii Hal fool-tag ah.

    @ Amina

    Maad intaad cududiina isu geysaan Laascaano ka kicisaan cadawga fadhiya marka hore?

    Ramadaan Kariim!

  35. qabqabsey says:

    waar wax khaatuma la yidhaa ma jiraan meel ay ka taliyaan maleh sadex iyo tobanka isam na waa calooshooda shaqaystayaal aan meel ka talin. mala awaalka ha la iska dhaafo

  36. War odaygii faroole waa walan rabaaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Faroole xagee horta matalaaa ????
    Faroole sxb waxaad matashaa kaliya tuulada garoowe

    Odoyaashii gobolka mudug way joogaan xamar yagaana soo xulanaya xildhbinaadadooda. Kuwii bari sidoo kale

    Khaatumo state ayuu ku waashay war adeer khaatumo state socotay waana ka tashanay tuulada garoowe.

    Maamulka khaatumo waa maamul la mid ah pintiland galmaudug markaa sxb waad riyooneysaa ee hurdada ka kac

    Faroole wuxuu ku fashilmay shirkii istanbul khaatumo state way ka qaybgashay
    Faroolw wuxuu ku fashilmay siyaasadii xamar khaatumo statena way joogtaa

    Hada nairobi ayuu rabaa in uu ka ciyaaro siyaasad khamaar ah taasna waa ku fashilmay maanta mar hadii hogaankii ugu sareeyey dalka ka xanaaqay siyaasad xumada faroole oo caadeystay turtureynta dadka tolkiis ah

Leave a Reply