DEG DEG: Maxkamada Sare DKMG oo Goordhow Xukuntay In Dadkii Loo Diiday Baarlamaanka Ay Xaq U Leeyihiin Inay Xildhibaano Noqdaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Fadhi ay maanta yeelatay maxkamada sare ee DKMG Soomaaliya ayaa goordhow soo dhamaaday iyadoo maxkamada ay ku dhawaaqday in xubnaha loo diiday ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay xildhibaano noqdaan.

Gudoomiyaha maxkamada sare Avv Caydiid C/laahi Ilka-Xanaf oo kadib fadhiga maxkamada sare saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhamaan siyaasiyiintii loo diiday ka mid noqoshada baarlamaanka ay ku biiri karaan baarlamaanka isla markaana aan loo diidi karin baarlamaanka.

“Waxay maxkamada sare iyadoo eegeysa shuruucda dalka iyo baahida loo qabo dib u heshiisiinta ay ku dhawaaqeysaa in dhamaan muwaadiniinta loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka ay xaq u leeyihiin inay metelaan xuquuqdooda siyaasadeed ayna ka mid noqdaan baarlamaanka sidoo kalana ay xaq u leeyihiin in la doorto iyo inay wax doortaan” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada sare.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkaada sare wuxuu sharci darro ku tilmaamay dhamaan xubnaha farsamada ee xulista baarlamaanka oo uu sheegay inaysan meteli karin danaha dalka.

Gudoomiyaha wuxuu soo daliishaday qodobo ka mid ah dastuurka iyo in maxkamada sare ay tahay meesha ugu dambeysa ee go’aan ka gaari karta wax kasta oo la isku qabto.

Waxaa goobta maxkamada go’aankan ay kaga dhawaaqday ku sugnaa siyaasiyiin ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Sheekh Aadan Madoobe, Aadan Saransoor, Muuse Suudi Yalaxow, C/raxmaan Ibbi iyo Cumar Finish oo dhamaantood ka mid ahaa dadkii laga horjoogsaday inay baarlamaanka cusub soo galaan.

Go’aankan wuxuu ku soo beegmay iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada afhayeenka baarlamaanka oo ay ku tartamayaan illaa shan musharax.

Lama oga sida go’aanka maxkamada sare uu ku hirgali karo, maadaama maxkamada lafteeda la sheegayo inay la dhacday dawladii KMG ahayd ee waqtigeedu ku ekaa 20-ka Agoosto ee la soo dhaafay.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

15 Responses for “DEG DEG: Maxkamada Sare DKMG oo Goordhow Xukuntay In Dadkii Loo Diiday Baarlamaanka Ay Xaq U Leeyihiin Inay Xildhibaano Noqdaan”

  1. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin, aan idin saxo walaalayaal, maxkamada sare ama supreme court ka, waa nominate amaba magacaabis, ee ma ahan elected office oo shacbi ama baarlamaan doortaan, lamana dhacdo dowlada madaxweeynaha magacaabay. Dabcan, Somali inta eey dagaalka ku jirtay oo kale ayaan ka baqayaa in eey arrimha sharciga sida “social contract”, amaba “balance of powers” iyo arrimaha dowliga in aan la lagdano. Marka, dhibkeeda ayeey leedahay dadkeena oo kuli wada siyaasiin isku heeysto, hadana raba in eey is dulmiyaan. Yaa dambiile ah yaanse dambiile aheeyn? Is xisaabinta dambiyada dagaal ma waxaa laga bilaabayaa 10 sano ka hor, 20 sano ka hor, 30 sano ka hor dambiyadii dadka , diinta iyo dalka laga galay?

  2. somaalia says:

    waxaan u arkaa arintaa in ay tahay shinbirayhow heesa caydiid ilka xanaf haduu u doodayo muuse iyo qanyare afrax isagay u taalaa.

  3. somaalia says:

    waxaan u malaynaa maanta soomaaliya waxay u baahantahay isbadal uma baahana qabiilkii iyo wixii wax lagu qaybsan jiray soomaaliyana soomaali ayaa leh. ilaahay hana siiyo dad wanaagsan oo na hogaamiya…….

  4. Cabdiraxmaan says:

    Maaha Maxkamad Madax Banaan — Ilko-Xanaf waa XULUFADA Shariif Axmed

  5. aarlibax says:

    qareen ilka xanaf ma qabqablayaashii ayaad qiil u heshay waa wax cajiib ah
    adiga oo qareen ah oo sharci yaqaan ha hadii aad sharci usamaynaysid ragii dadka dhiigooda ka beecmushtari jiray somali waa udhamaatay
    laakiin maantay hadii ay yeelaan aqoonyahanada baarlamaanka kabuuxa ee xalaasha ah in kuraas kula fariistaan rag dhiiga umada somaliyeed ku soo qubaystay waxay noqonaysaa wadankaa in ugaandhayska loo daayo oo ay qaataan ayagu

  6. cabdulaahi cabdi says:

    asc magceyga waa cabdulaahi cabdi go aanka maxkamada waxaan u arkaa mid qalad ah maxaa yeeley waqti wax ay gabo gaboyiin ayey wax go aamisay raga awal laga reebey xubnaha waxa looga reebay ayey qabaan marka waxaan leeyahay sida hada ay wax kusocdaan si ma ahan

  7. Abdulhakim says:

    halkee ka shaqaysaa maxkamadaan kkkkkk Suuqa cabdle shideeyaa cajiib Mooryaan yaa wax noogu daray

  8. awoowe says:

    lol maxkamada sare isbaaro cusub

  9. libaax says:

    Cadaado waxaad tahay aqoon yahan si cilmeeysan wax u sharxay, runtii aad ayaan ugu qancay sida aad u kala dhigtay. laakin wariyaasha maanta oo xitaa aan aqoon u laheeyn sharciga saxaafadda ayaa raba in aay ka faaloodaan sharci dal u degan.

  10. maxamed says:

    kaan waxaa umaleynaya qablasha hoosta kuwata inu asagu maxkamad isasotagidoono

  11. Puntlandboys says:

    Somali xulufaysi aya dilay, maxkamad u doodaysa dambiyo dagal dad galay amase qabqablayaal ah. Dadyohow sida isku dhaama, o maxkamada hala hagajiyo mida kale supreme court ka ma dhaco wana awooda ugu saraysa wadanka haatan, balse sidan inay u dhaqanto maahan,,,

  12. Muwaadin says:

    Aala-sheek warkooda loo jooji maayo. Dagaal ooge-na waa ku daayay!!! ama Ilko-xanaf keena ama ilko-seef keena who cares!!!!

  13. somali says:

    Mar hadii Xasan Abshir faarax uu xildhibaanio loo ogolaaday isagoo laga soo bilaabo dhamaadkii dowladii madaxed siyaad ilaa maanta marba koox ku soo juray iyo shariif xasan oo isaguna marba koox la safnaa loo ogolaaday waxa markii horeba ragaan in la celiyo la’isugu dayaayey waxey aheed mid siyaasadeed oo musharaxiinata qaar ayaa rabay ineey masraxa siyaasada ka saaraan iyagoo u arkayey ineey qatar ku yihiin mida kale ragaan nin waliba qabiilka uu ka dhashay ayaa la safnaa kuna taageerayey ineey qabiilka ku soo duulayo iska dhiciyaan in umadaan qaab qabiil isku laaysana waxaa ka dambeeyey kaligii taliyihii maxamad siyaad isaguuna ahaa ninkii qaab qabiil u rogay dowladiisii kolkii ey dhaceysay oo dadkii maleeshiyaadkii maxamed siyaad qaabka qabiilka ku hogaaminayey sida moorgan oo kaleba waa la cafiyey oo waa kaa xamar si nabad ah ku joogo kolka waxba yaan somalida qolo gooni ah si siyaasadeysan dadka ey soo xushaan loogu shabadeeyn waa dagaal oogayaal oo soomaali waxba iskuma hadhin xiligii qagaalka qabiil ninka qabiilkiisa difaacana wuxuuba ahaa halyey tolka u soo baxay :D

  14. Cadaado says:

    @ Libaax, waa mahadsantahay, brother, fikirka aad igu raacday. Waayadan waa nagu yar yihiin dad was isku raaco anagoo isku ejeedo ah in aan sharafkeena iyo qarankeena soo nooleeyno. Insha’allah, si tartiib tartiib laakiin hubaal ah ayaan u soo ceshaneeynaa walaaltinimada dadka Soomaliyeed ka dhaxeeyso. Dib u heshiin iyo is dhexgal ayaa loo baahan yahay si kalsoonida umadeena dhexdeeda u soo ceshano. Waxyaabaha kala shaki galinkaro waa in aan iska ilaalino, waliba dadka Masuuliyad umada dhan u wada haayo. Waan ogahay, this is easier said than done, laakiin waa la kari karaa.
    Arrinka wariyayaasha/fududeeyayaasha doorashada soo tabinaayay waan kugu raacsanahay oo waan ka dareemay xoogaa is barbaryaac ah, iyo qaladaad yar yar. Laakiin alaahu waclam in eey ka tahay daal iyo shaqo badan oo eey maalmahaan hayeen amaba aqoontooda. Laakiin, aniga shaqsiyan waan u mahad celinayaa shaqada eey qabteen.
    Arrinka sharciyada iyo qaanuunka waxaan u maleeynayaa Somali in eeysan aqoon yahano ku yareeyn, oo waa kaas labo Professor eey u tartamayeen speaker of the house, marka waxeey ila tahay in la raadiyo dadka aqoonta leh, waliba sharciyada diinta iyo maadiga, lagana faa’iideeysto maskaxdooda intii eey umada kale iyo hayado caalami ah aqoontooda ugu shaqeeyn lahaayeen. Thank you all,

  15. somaalia says:

    aniga mar hore ayaan la yaabanaa aan garanayn danta umada soo maaliyeed bal eega ninkan afka guduudan ee shariif waa tuug waa ninka ku dhahaaya hogaamiye kooxeed waa xalaal marka maxaynu ka yeelnaa aan dareen iyo dalnimo iyo dowladnimoba lahayn

Leave a Reply