DEG DEG: Meles Senawi oo Ku Geeriyooday Isbitaal Dibadda ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Telefishanka wadanka Ethiopia ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu geeriyoday raysul wasaarihii Ethiopia Meles Senawi xannuun dartiis ugu jiray isbitaal aaney sheegin ku yaalla dibadda.

“Raysul wasaarihii dalka wuxuu rawaxay xalay xilli uu ku jiray soo kabasho” ayuu yiri wariyihii ka hadlay telefishanka saaka.

Meles Zenawi ahaa 57 jir waxaa bishii hore loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Brussels ee wadanka Biljumka kadib markii caabuq uu kaga dhacay xabadka iyo sambababada. Senawi kama qeybgalin shir madaxeedkii madaxda Midowga Afrika ee bishii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa sidoo kale laga soo xigtay in Senawi loo qaaday wadanka Germany.

Warbaahinta Ethiopia kama hadlin xannuunkauu u geeriyday Senawi iyo halka lagu daweynayey, waxaana dawlada Ethipia oo lagu yaqaano cadaadiska saxaafadda ay xirxirtay wargeysy wax ka qoray xannuunka Senawi.

Xukunka xafiiska raysul wasaaraha Ethiopia waxaa la wareegaya raysul wasaare ku xigeenka Hailemariam Desalegn.

Senawi wuxuu ahaa nin saaxiib la ah wadamada reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka oo ay isu kaashadeen dagaalka waxa logu yeer ‘aragixisada’ inkasto reer galbeedka ay ku dhaliili jireen sida maamulkiisa ugu xadgudbo xuquuqul insaanka iyo warbaahinta.

Sanadkii 1991 ayuu Senawi qabsaday talada wadanka Ethipia isagoo hogaaminayey koox militari ah oo afgembi xukunka ku qabsatay wuxuuna xilligaasi nqday madaxweyne. Sanadkii 1995 ayuu Senawi isu caleemo saaray raysul wasaaraha Ethiopia oo illaa hadda uu ahaa.

Dhanka Soomaalida Senawi wuxuu ahaa nin aad looga neceb yahay geyiga Somaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa xasuuqii ciidamada Ethiopia ee dalka soo galay ay ka geysteen magaalooyinka Soomaalida oo ay ugu horeyso caasimada Muqdisho sanadihii 2006 illaa 2009. xitaa dhulka Soomaali Galbeed ee Ethipia heysato ayaa looga farxayaa geeridiisa walow aysan jirin xoriyad ay dadku ku muujin karaan taasi.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

2 Responses for “DEG DEG: Meles Senawi oo Ku Geeriyooday Isbitaal Dibadda ah”

  1. FUAAD says:

    JAXIIMAA KUSUGIN WASQAAN MALES

  2. tariig says:

    raboow naarta kugu fogee AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Leave a Reply