DEG DEG Raysal wasaare Gaas Oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharax Madaxweyne
Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Asagoo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in uu yahay musharax madaxweyne.
C/wali maxamed Cali gaas ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono xaalada wadanka hadii loo doorto xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa amaanay xukuumadiisa wuxuuna sheegay in ay wax badan ka qabatay xaalada wadanka intii ay jirtay, wuxuuna sheegay in guusha wayn ay gaartay ay tahay wax kla qabashada amaanka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Munaasabada uu isku soo sharacay Raysal wasaaraha ayaa waxay wali ka socotaa Hotelka City Plaza ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalaya masuuliyiin badan oo ay ka midyihiin xubnaha golaha wasiirada xildhibaano iyo waliba masuuliyiin kale oo badan.
Faah faahin intaasi sii dheer la soco goordhow











ku soo dhowooow mudane saaxada hertanka, wish you can earn !!
loooooooooool that’s funy and we will be seem who last an finally reech the gaol
2da SHARIIF WUU DHAAMAA in kastoo ay SHARAXAN YIHIIN rag kale oo AQOON iyo WADANIYAD ku DHAAMA gaas,,,, sida prof; SAMATAR.
amaanka la sheegayo miyuusan ahayn mid amison maxaa lagu faanaa ciidamo shisheeye ayaa Tangi idiku wada xor uama socotid caawa oo u danbeysey baa wardhiigley dagaal lagu qaadey xer ciidan shibis baan maqleyney nin is faanshey waa ri’ isnuugtey horaa loo yiritan labaad amaanka waxaa lagu fanaa marka ciidan aad adigu leedhay aad heysato kuwinii waad xaqirteen kuwa kalaa idin shaqeeya waxaad la mid tihiin naag dhaliweydey oo takhtar inta u tahatey tiri ilmo igu abuura misana abtirsiino siisey oo ninkii qabey magaciisii ugu abtirsey wax aad qabateen alaha aan ka ahayn lacagtii umada iyo raashinkii Turkiga oo aad iibsateen fadeexadiina Unta ayey taalaa is ogaada cidaad la hadleysaan ineysan ahayn dad shi sheeye ah ee ay yihin dad soomaliyee cod aad heleysaana majiro waaba dhurwaa hilba ku raro soomaliyeey weji cisib doonta siyaasi cusub keensada kuwaan sagootiya waa kiwii aanu aragnaye.
Wuu ugu hambalyeeynaynaa xilka.uu u istaagayints hada u sharaxan isagaa u mudun baan isleeyahau
waxaan u rajaynayaa in uu ku guuleysto ;
sababata aan u taageeraayo waxaa weeye c/weli soomaaliya waxa uu rabaa in uu wax u qabto laakiin shariifyo waxay rabaan in eey wax ka qabsadaan oo lacag ka sameeyaan .
aniga waxaan ahay dadka degan xamar oo waxaan isla beel nahay shariif laakiin waxaan taageerayaa ninkii mushtamaca soomaliyeed wax taraaya
guul madaxwyne c/weli gaas
Waxaa is weydiin leh, Waxqabadka Gaas sheeganayo waa maxay, ma inuu yahay Ergayga beelaha Waqooyiga Mudug , Nugaal, Barri, u fadhiya, ayaa ah waxqabad waa hubaal inuu yahay nin Caadifiya oo jecel tolkiis balse aan xabad wadaniyad ah lagu ogayn, Ma ninka ku raacay in Khaatumo State uu Faroole xubnaheeda soo xulo, iyadoo heshiis lagu gaadhay inaan Xubnaha Puntland xitaa Faroole awood u lahayn oo Isimada Puntland loo xil saaray, Ma ninkii ka dhawaajiyey inaan Khaatumo ahayn State, waxaa kaaga sii daran, waa shaqsi ay madax martay beelnimada iyo Cunsuriyadu, iska beelaha Soomaaliyeed ee magaca Soomaali la wadaagee ma heli karaa Gaas Kalsoonida, beelaha ay is xigaan? Jawaabtu waa maya, waayo nin Soomaalinimo, iyo xilkasnimo ka muuqata maaha, shirkii ugu danbeeyey iyadoo loo fadhiyo Shirkii saxeexayaasha ayuu galay Shir beeleed ay Reer Puntland leeyihiin, Miyuu ilaaway inuu yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee uusan ahayn Ra’iisal wasaaraha Puntland, dadka kale iyo aqoonyahanada kale ee ka soo jeeda Puntland ayaa ka mudan in la taageero, intii nin Faroole caqli u yahay oo maalinba Cajalad ku shubanayo la taageeri lahaa, kaaga sii darane , Damacani maba ku jirin isaga ee wuxuu ilaa hadda ku shaqaynayaa Damaca Marwadiisa oo jecel inay noqoto First Lady, markaa Awr awr wado iyo oday islaani wadaa midna kaama baydhee bal aan aragno halkay geeyso Gaas ruwaayada uu dhex galay, waxaase ayaan daro ah, inuu waayi doono xitaa meeluu hadhsado haddii laga guulayto, dibna ugu laaban doono Taksiila nimadiisii, allow alle
INKASTOO UU MUUJIYAY QAByaalad,iyo inuu danaha isaga farole ,beshoda uu fuliyo,, hadana wali wuxuu dhaamaa
sakiinta ,iyo craxmaan c.shakuurkii bada xaraashe ,asagana waxaa dhaama
Farmajo,baadiyow,samatar, etc,. Marka waxan leyahay ilaahow , Sharif sakin cid walba way noo dhaantaaa .
…..Kkkkkkk! Tolow ma Hodanbaa u tiri wuu sharraxanyahay Ileen asagu kuma dhecee?
Muxuu yiri Fuurrax? Wax wanaagsan baan qaban doonaa?? ….kkkk Ileen hadal Aaaaaaaa’ ma yiraahdo.
Waxa hadhow uu qaban doono muxuu u qaban waayay sanadkii uu meesha cambaraaqay? Asagoo waliba Aduun weynohoo dhami taageero la daba taagnaayeen?
Fuurrax Wuxuu ku guul darreystay;
• Ammaankii dalka iyadoo intaasoo dal iyo ciidamo ah joogaan. Maalin kasta inta shacabka xasuuqiisii laga soo gudbay baa shaqaalihii dawlada la laayaa. Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha oo ugu dambeeyay waa kii dhawaan la dilay.
• Dalka wuxuu iibsado oo uu shirkado ajnabi ah ka gado iyo wax uu dawlado shisheeye sida Kenya u saxiixo buu ka dhigay.
• Dadka Soomaaliyeedna wuu kala fogeeyay intuu qabyaalad iyo kala faquuq lasoo dhex galay. Intuusan imaan waad la socotaan bulshada soomaaliyeed siduu mowqifkoodu u midaysnaa oo ay isula mudaharaadayeen shisheeyaha dalkeenna duulaanka ku ahna oga soo horjeedeen. Hada laakiin jifo kasta cadawga ay iska ilaalinayso waa jifada iyada ugu xigta, waxaasna Fuurrax Gaas baa dib u bilaabay oo u cusboonaysiiyay. Asagaa qabyaalad iyo wax isdaba maris bulshada ku dhaqay ilaa is aaminaadii yaraatay.
• Wuxuu sidoo kale meel oga dhacay Odayaasheenii iyo hooyooyinkii qarankeena. Bararafka Mahiga ah oo uu horboodayay wuxuu maalin kasta ku xadgudbi jiray Odayasheenna. Tii ugu dambeysay waxay aheyd xushmad darradii ay Fuurrax iyo Mahiga kula dhaqmeen odayaasha soomaaliyeed ee uu Nabadoon Xaad kamidka ahaa. Waa isla odayaasha uu Fuurrax doonayo inuu Madaxweyne u noqdo.
Ninka marka Sannad meesha Cambarraaqay ee ku guul darreystay inuu wax ku kordhiyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aasaasiga ahaa sida Sugidda Ammaanka, Ilaalinta dalka iyo hantida qaranka, Tixgalinta Duqeydeenna rag iyo dumarba, iyo Mideynta Bulshada, miyaa hadhow wax soo kordhinaya?
Jawaabtu Waa maya. Asaguba wuu ogyahay midaas ee naqaska unbuu iska saarayaa.
Jj
Khadiija maxaad ka sheekeeneeysaa, halkaan hilibka geela cunistiisa iyo maskaxda qeebta waalida qaabilsan xiriirkoodaa looga hadlayaa adigana bad kalaad gashay iyo siyaasad.
Guul baan u rajeeynayaa wiilka gabanka ah. Haduu guuleeysto waxuu balan qaaday inuu joojin doono hilibka geela cunistiisa!!!
maansha AllahAllaah illaaa ha guuleeyo waa halyey dalkiinii badbaadiyey ee soomaaliyeey hiiluu nooga bahan yehee aan u hiilino Abdiweli GAAS!
Kkkkkkk waad mahadsantihiin dhamaan dadka shacabka somaliyeed ee taageersan jidka toosan lkn kuwa ka dhacsan waxaan leeyahay walalayaal dadkiina dhinac karaaca ogaadana hangaraarac lug uma dhutiyo marka madaxweynaha gaas xushmeeya oo adeeca waa owlo amrigiinee
Ku soo dhawow Pro beenbeen hardanka waalaida.WADINIYADDA AYAANAYA DADKA ISKU U AQOON ninkii qabiil ku taageeraa puntland waa wadani cajiib.
2 shariif gaas iyo farmajo waa in maxakam la soo tagaa ay ka jawaabaan waxa loo haysto marka lagu waayo wax xatooyo ah markaa ka dib qofku wuu isa soo sharaxi karaa qof dambi loo haysto waa yaab in uu ku hadaaqo madaxweyne ayaan noqonayaa
kkkk khadiija wallo adiga waxan kuu arkaa dadka iska hadla oo qof walba eedeya wax badan wan aqriyey adiga qoraalkaga mar aad wanaad sheegaysid ama aad wadanka taageraysid maleh wayo waxii laqabtay oo han waxaad dhahdaa waxba lama qaban adigoo miiran ayaa dadka niyada kajibinaayaa maxay wax hagaagan intii aad taageeri lahayd ama aad uceyn lahayd ayaad wadankii habaraysaa run weye maaxda hada jirtaa inay wax qabteen wana run inay wax qalden lakiin ha oran waxba lama qaban ama amnigu sidii hore madhaamo mida kale wanaga ay qabteena sheeg waxan qabaa midka cusub ee ladoortana waxbaad kasheegaysaa wayo dadka iska hadlaa oo dhan ayaa dhaqankaas leh ee ska badal
xaqiida jirta waa in cabdi wali yahay nin qabiil ee maahan nin dawladadeed doorashadiisana soomali bay utaalaa lakin waxa uuyahay dadku waa yaqaa niin,
Prime Minister Gaas is a traitor, driven by his clanish agenda, and more loyal to his cousins and kin back in bintiland than the interest of the Somali Nation. Qaladkana waxaa iska leh 100 percent Madaxweeyne Shiiq Shariif markii uu ninkaan qabyaaldiista ah ee Gaas uu ku badashay Prime Minster Farmaajo iyo dad badan oo kaga haboonaa shaqadaan. Calaakuli xaal, waxaan rajeynayaa in uu ku fashilmo is sharaxidiisa Madaweeeynenimo, walibana uu shaqadiisa hada uu haayana ku waayo, oo one way ticket back to the USA loo soo jaro, insha’allah.
Salaan dhamaantiin. Aniga waan kasoo horjeedaa ninkaan prime ministerka ee hada rabo in uu Madaxweeyne noqda. Sababtoo ah, markii aan aragnay waxyaabihii ugu dambeeyay ee uu ku kacay iyo waxyaabo badan oo looga samray, aniga waxaan aaminsahay in uu qabiilkiisa prime minister u yahay ee uusan Somali oo dhan prime minister u aheeyn, specially he ain’t my prime minister, therefore, sidaas oo kale, ayuu qabiilkiisa Madaxweeyna ugu noqonayaa ee uusan Somali oo dhan madaxweeyne ugu wada noqoneeyn, waa hadii uu ku guuleeysto damaciisa waalan. Marka, walaalyaal, Somaliyeey ka digtoonaada ninkan iyo nuuciisa waa hadii aad rabtaan in aad sharaf iyo qaranimo, iyo Somali isjecel rabtaan, ha teegeerina ninkan qabyaaladiista ah ee Gaas la yiraahdo. Hadii aadnaan saas sameeynin, waxaan hubaa in aadnaan diyaar u aheeyn in aad dhibka 22 sano jirsatay ka baxdaan, ee waxaad rabtaan in aad kusii jirtaan silicii iyo saxariirtii aad kusoo jirteen. Marka go’aan ayaa la idinka rabaa aad ku dhahdaan “down with Gaas iyo Faroole, two clanish individuals not fit to lead anyone”, ha dhacaan labadan spoiler, qaswade ee u soo shaqatagay in eey dadka somaliyeed inta kala qeeybiyaan, qabiilkoodana u shaqeeyaan.
[...] (RBC) Somalia Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali has officially announced on Tuesday that he is running for the upcoming presidential election which [...]
[...] Maalintii shalay ayaa raysul wasare Gaas xaflad uu gaarkiisa ugu qabsaday hotelka City Plaza, taasoo socotay mudo 12 saacadood ah. Raysul wasaaruhu wuxuu xafladaasi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne xafladaasoo uusan tegin madaxweynaha iyo wasiirada madaxweynaha taageersan, halka ay goobjoog ahaayeen saaxiibada gaarka ah ee raysul wasaare Gaas. [...]
[...] Maalintii shalay ayaa raysul wasare Gaas xaflad uu gaarkiisa ugu qabsaday hotelka City Plaza, taasoo socotay mudo 12 saacadood ah. Raysul wasaaruhu wuxuu xafladaasi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne xafladaasoo uusan tegin madaxweynaha iyo wasiirada madaxweynaha taageersan, halka ay goobjoog ahaayeen saaxiibada gaarka ah ee raysul wasaare Gaas. [...]
Farole iyo gas waxey raban qabyalad inay ku so dhisan …oo ////ah walee kama yeelin intu nin ,,,,, taganyahay ma qadi karo nin///////waa ki doqonka aha itobiyan ;;;;;;