DEG DEG: Saado Cali Warsame oo Goordhow Muqdisho Soo Gaartay, Loona Dhaariyey Mudane Baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame ayaa goordhow ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo weli aan ka soo kaban dhaawacii ka soo gaaray shilkii baabuur ee bishii hore ay ku gashay duleedka magaalada Garowe.
Saado oo ku jirta liiska xildhibaabada cusub ee Soomaaliya ayaa isla markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aden Cadde iyadoo gacanta ay u shakaalan tahay waxaa lagu dhaariyey gudaha garoonka oo ay joogeen xubno ka mid ah guddiga farsamada si ay ugu biirto baarlamaanka cusub. Dhaarta kadib ayaa Saado Cali Warsame iyo tiro mudanayaal kale waxaa isla markiiba loo qaaday xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho halkaasoo goordhow uu ka bilawday shir ay maanta leeyihiin xildhibaanada cusub laguna dhageysanayo khudbadaha musharixiinta afhayeenka baarlamaanka u tartamaya.
Dhanka kale musharixiinta u taagan jagada afhayeenka baarlamaanka ayaa goordhow bilaabay inay khudbahadooda ka jeediyeen kulanka baarlamaanka, waxaana illaa hadda guddiga doorashada ee baarlamaanka ay sheegeen inay hayaan illaa musharax oo u taagan afhayeenka, sagaal u taagan ku xigeenka koowaad iyo saddex u taagan ku xigeenka labaad.
Doorashada afhayeenka iyo labada ku xigeen, ayaa sida qorshuhu yahay waxay dhacaysaa maalinta Talaadada oo ku beegan 28-ka Agoosto 2012.
RBC Radio












waa soo dhaweynaynaa saado cali warsame oo a gabar soomaaliyeed oo kasoo qayb qaadatay halagankii soomaali lau raadinayey buburkii hada lagu jiro waa u mahadinaynaa soo alida baarlamaanka cusub soo dhawoow saado
Fanaanada Qaranka Soomaaliyeed, Mudana Ixtiraam iyo Maamus Saado Cali Warsame soo dhawoow ayaanu kuleenahay’
mansha allaah warbaahinta xorto ah
Toloow ina cali jamacadee ka soo baxday waxaan moo dayey in aqoon la is weeydiinayo mise meesha waxaa la rabaa in eey ka qaado kabayaroow kabayaroow
WOOOW maasha’allaah! Saado Cali runtii caadi ma ahan, waa qof dadaal badan, ilaaheey ha garab galo, oo hanuun iyo jidka muuminiinta haku toosiyo, aamiin!
Waan soo dhaweynay oo waan ku faraxsanahay walaasheen Saado Cali, ilaahey ha ku garab galo, oo qeyr haku siiyo aaqiro iyo aduunba, IYO CAAFIMAAD BADAN! Aaamiin aamiiin!
NOOLOOW NOOLOOW, VIVA VIVA SAADO CALI!!!!
Su’aal dadweynoow. saado ali warsame shahaado dugsi sare intee ayeey ka keente ?? mise malaga rabo dumarka ??
waan soodhawaynayaa saado cali warsame waa qof mawaadina oo jecel midnimada soomaaliyeed ..scww
Waa geesiyad la hubo- soo dhawow ayaan ku leenahay Saado cali
mar haday parlamaanka soomaaliya ay i matalayaan mr cali khalif iyo marwo sado ali i am on cloud nine aad baan ugu faanayaa reer khaatumo iyo soomaliyaba viva soomaaliya
maye hada waxay qaadi doontaa fanaanada kabawaynoow kaba waynoow maxaad saado oo la yaabaysaa ayadaaba haysato oo ilaahay u hibeeyaay af ay kusamaysankarto hal abuur nimo sakiinka utaagan maxaweeyna nimada shahaadadana kasoo iibsaday suuqa ayaanbo sugaynaa ama lagayaabo in uu madax weeyne noqdee..
Welcome saado waa ka Soomaali saantahay Kuwa Badan oo fadhiya maanta Parliamenka oo U adeega Shisheeye Iwm , Saado Waa Qof Soomaali nimadu Aay aad ugu Weyn Tahay , Viva Puntland & Soomaalia
Saado dugsiga sare ee faroole oo garowe ku yaal ayey kabaxday sanadkii hore ee amaan hala siiyo.
Kkkkkk tana somali ma u dambeyso in saado cali camal xildhibaan laga dhigo, madaxweyne waxaa somali u noqon doono shariif sakiin galayrna waxaa loo magacaabi gud.baarlamaan, saado calina waaba xildhibaanad, Alow adaa weyn e somalia badbaadi saan halaag waayee.
Saado waxay isku darsatay…waa halyeey, wadani, geesiyad, af-tahan iyo siyaasi soomaaliyeed. Waxaan u rajeynayaa guul & horumar.
war kuwan mesha dhiladii ugu waynayd geeyay maxay ahayeen dadkale mawayeen dufkubax
saado waxaan ku leeyahay guuleyso rabina haku caafimaadiyo. madaxaa ha jiro maanta hadaad ku daba safnaan lahayd cali baaba ma aadan noqoteen mudane baarlamaan laakiin nasiib wanaag waxaad tahay puntlander. Guul Guul Guul ayaan ku leeyahay saado.
Well came saado ali warsame we love saado so much
soo dhawoow maamo saado cali waa puntlander waana rabnaa in ay noqoto xildhimaan masha allah
Maansha Allaahu:Saado Cali:waa gabar soomaaliyeed wayna istaahishaa inay ka mid noqoto baarlamaanka somaliyeed,waxayna istaahishaa,jagadaas iyo mid kasaraysaba inay qabato,waxaana hubaa inay ka mawaadinsan tahay rag badan oo wax isbidaya,oo jaamacado wata iyo shahaadooyin sar sare umana ay baahna,Saado oo waxay leedahay waayo aragnimo ku filan iyo caqli dheeraad ah iyo kalsoonida shacabka somaliyeed oo aan filaayo in ay wax badan ka badali doonto,arimaha wareeray ee soo daashaday ummadda soomaaliyeed,iyadoo waligeedba ahayd Afhayeenka u dooda dulmanayaasha somaliyeed,oo ah dadka la dhibaateeyo,dumarka,caruurta,waayeelada,oo lagu hayo barakicin,layn,iwm.
Saado ama kaba yare ama kaba wayne ha qaado balse waxay dhaantaa kuwii soo halaagay ummadda soomaaliyeed 22sano iyo ka badan,marka saado nooloow,guuuuuuul baan kuu rajeeyay,VIVA SAADO CALI,VIVA SOOMALI OO DHAN.
TO:Caalim:kan wata:gabar baa kula dhalatay,kuna dhashay,lagana yaabee,inaad dhashay gabar,marka aan kula tashee gabdhaha lama caayo oo waxaa dhacda inay kugu dhacdo,caydaas aad u quurtay gabadhaas walaashaa ah,miyaad marag u haysaa ceeeeebtaas aad ku tilmaantay soow kama haboona inaad Alle u waydiiso dambi dhaaf iyo Alle kacabsi oo aad waxsan u dardaarantid,oo aad ka xishootid Alle iyo ummadda soomaaliyeed ee aad u soo qoraysid,ceebahaas,waar gabdhahana ha ceeeeeeeeeeeeebayn diintana wax haw dhimin.
Saacdo cali in ay kudarsanto Baraarlamanka waanku farax sanahay waxaana u rejeynayaa guul
CALI MUQUUNO WAA DHAANTAA [MUQUUNADA WXAA LA DHAHAA NEEFKA XOOLAHA AH AMA GEEL AMA ARI KUU RABO HANOQDEE EE NAFACA LAHYN WXANA LAGA DHEEFIN WXA UU DHALO XATAA LA MID YAHAY WAA NEEF AAN CAD IYO CAANO LAHYN OO XOOLAHA KA DHASHA CALI MARKA WAA MUQUUNO KA DHALATY =======.KKKKKKKKKKKK
meesha ma la tumanyaa mise waa la heesayaa ????
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Somaliya way u dhamaatay…
aayaw ====== lahaa waa lodiiday mise boqor dabagooye ayay ka urinayaan walee khaatumo gool ayuu kadhaliyay haduu gabadh reer qararo ah iyo dhooble oo reer ceegaaga barlamaanka kudaray guul ssc and puntland not faroole
waa guul meeye kuwii xanuunsanayay ee ========= ee u diidanaa inay xildhibaan noqoto mawaxay ka urinayaan boqor dabagooye ,dabagooye khaatumo gool fiican ayuu kadhaliyay hadii uu gabadh reer qararo ah iyo dhooble oo ceegaaga kudaray baarlamaanka guul ssc and puntland not faroole
Kitaabka cinwaankiisaa tilmaama tayadiisa. Waa xikmad carbeed. Dawladda dhalaneysa kharkeeda ilaahay hana waafajiyo.
AAD BAAN UGA XUMAHAY CAYDA IYO AF LAGAADADA WABSEYDKA((HOR FADHI)) UMARINAYO HAWADA OO KUMANAAN QOF OO ADUUNKA DACALADIISA JOOGA UU GAARSIINAYO DUMARKAA LAGU YAQAAN WALIBA QAARKOOD MARKII WAXSAN LOO SAMEEYO MUDO OO QUFKU SIBIRIIRAXDO ILEEN WAA BINI AADANE YIRAAHDA WALEEGY WAXSAN II MUUSAN QABAN HADABA KHAATUMOOY WAA LA OGAA GEED GAABAN IYO GEED DHEER BA IN AY UFUUSHAY OO DAD BADAN OO MAATAY KU ABTIRSADA AFKA SOOMALIGA AY KUKALA DHINTEEN LA AJLI KHAATUMO AMA DHULBAHANTE ILAMAA AY TIRI DHAGAX KAMA DHALAN EE WAXAAN AHAY SOMALI DAAROOD HARTI DHULBAHANTE OO WALIBA GABAR REER HAWD AH HADABA WAXAAN LEEYAHAY KHAATUMOOY YEELKADAA ALINA WAA KAAS HADABA LA ARKI DOONEE WALIBA ISKADAA XILDHIBAANE WAXAA FAROOLE MIISKA U SAARAY WASIIR FADARAALI AH KANAXOOW NAFTABA WAA HADABA
kuwa kasoohorjeeda saado waa layaqan wa cadowga somaliyed iyo dabadhilfyadoda guulayso saado . saado wa gabdha kaliya ee faninta somaliyeyd u danqada umada somaliyed waa gabadha kaliya ee qaxootiyada ku booqada lanawadaagto dhibkooda car yaa sheega fanaka kale rag iyo dumar saado baal dahab ayey gakaga jirtaa umada somaliyed gulayso cadowgaguna hadhaco.
masuulsare10
adigu masuul hoosaad tahay webka horufadhi saado laguma caayin dadkaad la hadlaysaana waa siyaaran karaan webkaas insu dirka umada joogi iyo kala gurka beesha khaatumo marwo saado waa reer buuhoodle buuhoodle iyo degaankaasna reer khaatumo 50% baa dega maamulka khaatumana waa maamulaa buuhoodle oo cashuur ka qaada oo danta degaanka ka taliyaa saado calina taas ma badalayso waanuna ku faraxsanahay qof reer khaatumo ah oo qadiyada ssc u hagar baxday inay barlamaanka noo gashay meeshay doonto ha ka soo gashee saadana ka caqli wayn in maskaxdeeda lagu cayaaro markaa viva xildhibaan saado hadalkaaguna waa jug jug meeshaada joog kala fadhiiso dadka xasarada iyo isku dirka
waa guul SNM lagu ciribtirayo oo somaliweyn iney timid ayaan ka marqaati kacayaa guul khaatumo marka SNM waa gabogabo oo dhamaan waxey joogan xamar oo warkii waa dhamdey iyo beentii
SAADO WAA KHAATUMO DIIDAY WAXAY DABA ORDAYSA FAROOLE MARKAAS WAXAY KU CIYAARATY HALGANKEEDII
Maansha Allah Saado,meeye kuuwii lahaa Saado waa loo diiday inay baarlamaanka cusub gasho ee Boocame wb,?kan wata @caalim Gabadhaas sharafta iyo maamuuska leh oo aad afla gaadaysey sidaad adigu daawaneysey oo kale adaa ka jawaabi doona akhiro hadaadan cafis weydiisan, Saado kuwa bada oo niman ku sheega ayey ka caqli iyo aqoon badantahay markii runta loo hadlo,LONG LIFE SAADO.
aba aba saado ayaa shuushow bax saado qowjad meeshay gasho libaax baa galy waana qof dhalad ah kor ayay u baxdaa ciyaaraha hoose gaagaabaydaa kama ciyaarto guul la gaary sharfna waa haysataa maanta wax dad badan ay u ordayeen ayay heshy maalaayiin sooomaali ah ayaa isku dagaalay xildhibaanada si ay waana guul u soo hoyatay ;;; cali muquuno wxaan u rajaynaynaa in uu san naceebayn oo galgalinta uu san fariisan
Cali Khalif Galaydh Jaamacaduu ka soo baxaye maxuu yaqaan?Saadaa dhaanta boqolkiiba boqol.Waayo Saado waxay ku hawlan tahay isu imaadka soomaaliweeyn.Calina wuu sii kala cayrinayaa.
Saado nin necb iyo mid jecelba waa xildhibaanad,waana muwaadiniyad,geesiyad, garasho dheer,u halganta ummadda soomaaliyeed oo dhan meelay joogaanba,mana kala soocdo.
Waxaana laga sugayaa garashadeedii badnayd inay kaga dhexmuuqato baarlamaanka cusub ee loo dooranayo xildhibaanada ay maskaxdoodu fayoowdahay ee aan lahayn dagaal oogayaashii hore,waana dad fayoow maskaxdooduna waa fareesh.
Saado waa qaali iyo qiima badan lahubo
oo hawla badan iyo qorshay qaalidii wadaa.
.
Soomaali oo idil ayay heegan ugu jirtaa,
Allaha darajeeyo inanteena qaaliga ah.
Cadawga soo hujuuma caana badan ma dhamo
curyaan buu noqonoo cayntiisba waa la’cunin.
Saado wacaneey salaan baa laguu hayaa
samada iyo Aaradkaa laga ajiibayaa,
ee Alloow cadawgaagu ciidda hoos u galo[[aamiin.