DEG DEG: Saraakiil Amisom Ka Tirsan oo Galabta Kulan Gaar ah La Yeeshay Farmaajo (Maxay Ka Wada Hadleen?)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb goordhow u sheegeen saraakiil ka tirsan xafiiska musharax Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa galabta guriga uu degan yahay musharax Maxamed C/laahi Farmaajo tagay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasoo sida la sheegay kulan saacad qaatay kula yeeshay gurigiisa.

Sida ilo wareedka noo sheegay, kulanka ka dib Wuxuu Farmaajo raacay saraakiisha AMISOM oo ay wada tageen xerada Xalane ee fadhiga u ah ciidamada AMISOM halkaasoo markale kulan illaa caawa maqribkii soo gaaray ay ku wada yeesheen Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Generalka ugu sareeya ciidamada AMISOM.

La taliyaasha Farmaajo faahfaahin kama bixin kulankan ka dhacay Xalane iyo waxa looga wada hadlay, laakiin Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in taliska AMISOM ay kala hadleen Farmaajo arimo ku aadan amaanka, ayna weydiiyeen dhacdadii shalay ay ku dhinteen labada ruux ee ka midka ahaa taageerayaal u bannaanbaxayey soo dhoweynta Farmaajo oo shalay Muqdisho ku soo laabtay. AKHRI

Waxaa kaloo la soo hadal qaaday tirada ciidamada iyo hubka uu heysto Farmaajo oo ay AMISOM iyana kala hadleen, inkastoo aan la ogeyn in Farmaajo uu codsaday in amaankiisa ay sugaan AMISOM.   Waxaa xusid mudan in Farmaajo uu heysto askar Soomaali ah oo isugu jira militari iyo boolis oo ku sugan hoyga uu degan yahay.

Saraakiil ku dhow taliska AMISOM ee Xalane oo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la xiriirto ayaa xaqiijiyey kulamada galabta dhexmaray Farmaajo iyo saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga.

Warar aan ka helnay dhanka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in wasaaradda arimaha gudaha iyo AMISOM laga codsaday inay hubka ka qaadaan musharixiinta tirada badan ee ku sugan Muqdisho, kadib dhacdaddii shalay ay ku geeriyoodeen labada ruux taasoo si weyn loogu tuhmayo inay geysteen taageerayaasha madaxweyne Shariif oo laftiisa musharax ah.

Waxaa kaloo aad loo hadalhayaa in amaanka Muqdisho uu khatar ku jiro waqtiga doorashada maadaama aysan jirin ciidan dawladeed oo awood leh inay amaanka guud ahaan la wareegaan, taasina ay keentay in cid kasta ay sameysato ilaalo u gaar ah mararka qaarna ay isku dhacaan ciidamadan wada hubeysan dhexdooda.

Amaanka musharixiinta

War saxaafadeed xalay laga soo saaray madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawlada aysan ogolaan doonin in dadka musharixiinta ah ay ciidamada u adeegsadaan ololaha doorashada isla markaana waxaa wasaaradda arimaha gudaha lagu wargeliyey inay iska xilsaarto amaanka musharixiinta.

Ma cadda in AMISOM ay hubka ka qaadi doonto musharixiinta isku ilaalinaya maadaama DKMG ah ay wada sugi karin amaanka dhamaan musharixiinta ku sugan Muqdisho kuwaasoo ay danta biday inay ciidamo gaar ah sameystaan.

Arimahan ayaa ku soo aaday xilli 24 saac kaliya laga joogo mudaharaadyadii tabshadaha watay ee shalay ka dhacay caasimada kuwaasoo labo ruux oo rayid ah ay ku geeritootay saddex kalana ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, Xubno ka mid ah dadka ka qeybqaadanaya ololaha Farmaajo ayaa maanta isbitaalada ku booqday dadkii shalay ku dhaawacmay rabshadaha waxaana sidoo kale maanta la aasay meydadkii labadii ruux ee la toogtay.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

3 Responses for “DEG DEG: Saraakiil Amisom Ka Tirsan oo Galabta Kulan Gaar ah La Yeeshay Farmaajo (Maxay Ka Wada Hadleen?)”

  1. moo says:

    mar marsiiyo kale may uraad san rabaan oo farmaajo looga saaro muqdisho walee ,a dhacayso. inaad tuugo tihiin la idin arag farmaajo asagaa u qalma madaxweyne wuuna noqon say shacabka ay doonayaan,

  2. Hanoolaato says:

    Dad aan waxba galabsan oo kaliya muujinaya rabitaankooda dadkii dilay iyo uwa soo amray dilkooda ayaa ka jawaabi doona dembigaas, waxaana rajaynayaa in maalin un lasoo taagi doono Garsoorka dalku uu yeelan doona markaan Dowlad-wanaagsa helno. Soomaaliya Soomaali baa leh, ninkii dadku rabo ayaana dooran idanka Eebbe. I believe Farmaajo is for the People of Somalia regardless of their clan background. STOP intimidating the free will!

  3. Rooraaye says:

    Wageray waa la yaab hada ciidamada afrikaanka waa dad shariif u adeega walee xaaladu wey ku xuntahay

Leave a Reply