DEG DEG: Shuruudii Aqoonta Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka oo Hoos Loo Dhigay Kadib Markii Saxiixayaasha Qaarkood Ay Dalbadeen
Muqdisho (RBC) Mid ka mid ah guddiga xubnaha guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in hoos loo dhigay shuruudii aqoonta ee lagu xiray mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kadib markii qaar ka mid ah saxiixayaasha ay saameyn ku yeelatay.
Xubinta ka tirsan guddiga ayaa galabta u sheegay Raxaneeeb in qodobkii ahaa in shahaadada dugsiga sare iyo wax ka sareeya laga rabo xildhibaanka baarlamaanka soo galaya laga saaray laguna bedelay qodob sheegaya “in waxbarasho aan toos ahayn” uu leeyahay xildhibaanka cusub.
Shuruudan ayaa sheegeysa in xildhibaanka looga baahan yahay oo kaliya “INUU WAX QORI KARO WAXNA AKHRIN KARO” sida xubinta ka tirsan guddiga ay shaacisay.
Sidoo kale waxaa laga dhaafay in xildhibaanka uu yaqaano luqadaha gaar ahaan Carabiga iyo English-ka oo aqoonta qeyb ka ahayd, waxaana hadda laga dhigay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo oo kaliya.
Xubintan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in sababta loo bedelay shuruudan ay tahay kadib markii xubno ka mid ah lixda saxiixayaasha ee horey u saneeyay shuruudan ay ka cawdeen inaysan ka soo bixi Karin shuruudan ama rag ay iyaga wataanloo diiday baarlamaanka aqoondari awgeed maadaama aysan heysan wax shahaado dugsi sare ama mid jaamacadeed toona.
Beryihii u dambeeyay waxaa soo baxay cabasho iyo hadalheyn xoog leh oo ku saabsan in rag badan xildhibaanimada loogu diiday shahaado la’aan taasoo qaar ka mid ah saxiixayaasha ay ku doodeen inaysan aqbali Karin arintaasi.
Dhanka kale xubnaha guddiga farsamada ee ka kooban 27 xubnood ayaa dhinac isaga riixay eedeymo uu shalay soo jeediyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo saxiixayaasha ka mid ah oo ku eedeeyey guddiga inay dad ka saareen xildhibaanimada, waxayna guddigu cadeeyeen inay raaceen dukuminti ay saxiixeen lixda saxiixayaasha ah.
RBC Radio











[...] Taken from: DEG DEG: Shuruudii Aqoonta Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka oo Hoos Loo Dhigay Kadib Markii Saxii… [...]
Waa maalintii ugu hireysay ee aan fikrad ka dhiibto webkaan oo aan ku xiranahay iyo website yada kale
ee aan akhriyo waxaan dhihi lahaa waa gudi u taagan inay dib noogu celiyaan dagaaladii sokeeya ee aan hada isleeyahay waa laga gudbay waa gudiga midab takoorka iyo dagaal hurinta
waxase is weydiin mudan liiska ay ka akhrinayaan dadka ay soocayaan yaa soo dhiibay ha cadeeyaan
uffffffffffff calayk….hadey runta tahey………..Qof aanan haysanan shahaadada dugsiga sare ……siday masuul…..La uga dhigikaraa…….ileen Millions of somali ah..ayuu masuul ka naqonayaa
Waxaa arintaan soo jeediyey Shariif Sakiin oo aan heysan wax shahaado ah, taasna ma diidi karaan
Guddiga fulinta oo markii horeba uu asaga so magacaawey.
Somaliya Illah ayaa u maqan. Sakiin illah hanaga qabto iyo kuwa ku caqliga ah.
Tani haddii ay run noqoto waa dhibaato soo korartay. Sheekh Shariif iyo Gaas waxaan ka sugeynay inay tusaale u noqdaan kuwa kale, balse haddii maanta qabqablayaashii lasoo celinayo, aqoonna la iska rabin waa maalin mugdi ah.
asc marka hore iska dhaafa shaqsi caayga sakiin inaad ugu magac dartaan madaxda waa ceeb mida kale shadad dugsiga sare suuqa ayeey taalaye yaa diidi kara mase kuwo gooni ah ayaay xalaal u tahay beel walba ninka ay ku qanac san tahay hakeento maxaa kuwana loogu diidayaa kuwana loogu ogalanayaa mida aan la sii yabanahay ayaa waxeey tahay xagee waxaan oo gabdha ah loo wadaa 83 gabdhood oo xildhibaana ah soo ma badna umalayn mayo inay taasi dhici karo mahad saniddin
Kkkkkkkkkkkkk
war mesha maxaa hees iyo buraan bur laysugu keenay ! Tana makasoo socotay ceebeey tacaaaaal.
Sakinta miyaa fikirkaan layimi asagaa goofiyad aan waxba u dheerayn watee.
Baalashlayaal hala keeno dee hadaba iyo xamaaliin.
sakiin waa jaahil sheekh sariifna shaley ayuu taageerey nimankii dalka iyo dadka meesha dhigay labadooduba way kasoo horjeedaan dad aqoon leh inay yimaadaan. bal ninka ama kooxda ama qabiilka kasoo horjeeda in qof aqoon shahaado haysta uu noqdo masuul dowladeed waa wax caqliga saliimka ah ka weyn waxan so dhaweynaya in lagasaaro kuwa jahiliinta ah iyo qabqablayasha dagalka ah .
Nin aan waxba aqion muxuu tarayaa dadka iyo dalka aloow naga qabo jaahiliintaan
Salaan dhamaan,
Aqoon la’aan waa ifitiin la,aan laakiin halbaa jidha taasoo ah informal education waa wax aduunka laga isticmalo haddii oo shaqsigu uu yahay ADULT oo uusan chance u helin waxbarasho toos ah waxaa lagu qiimeeyaa khibradiisa iyo aqoontiisa dahsoon taasoo ay dadka soomaalidu wakhtigan xaadirkaa u badan yihiin sababtoo ah burburka ku dhacay dalka oon siin badi dadka chance waxbarasho toos ah marka waa macquul haddii uu qofku khibrad leeyahay, wax qori kadho, waxna akhrin kadho taa lafteedu waa aqoonta dahsoon ee ogaada!
sheikh shariif iyo sharif sakiin oo midba dhinac ka qeyliyey iyo odayaal been ah oo yiri gudiga khilaafka baa naheey baa waxaan waalayaa oo leh dadka yaan lakala reebin sidoo kale codkooda bay rabaane somalia dan kama laha iyo hormar la gaaaro.
shariif sakiin asal xagee ka soo jeedaa ===== ka hor ileyn waa raxan isu tagtay duulkaaniye mid mid ku shaqo leh jirine waa sideed koox iyo sagaal koox oo mid mid ku shaqo ah uusan jirine is weydiiya idinku isagaa noqonaya kan ugu sareeya wuxuu ku lahaa dr xoosh waa maqasheen sidey ila tahay sow idiin ma cada iska aamusa ama isu xagxagta reer reer ilaa qiyaamuhu idinku dhacayo
barashada B,T,J,da WAA INEY BOOBSIIYAAN INTA KA HOREYSA 20ka AUGUST, kkkkk
sakin waa geesi meesha ka saaray dakii aamin sanaa in jagada uugusaraysa dhaxal u leeyi hiin waana dhamaatay labadii qolo ee xukunka isku haystay ee sida indho laa aanta ah soomalidu isaga daba socotay ii daa waa geesigii naga xoreeyay badhaxlay,bardacad iyo beesha xamardaya oo amin sanaa wax walba in iyagu yihiin 1&2 midba mara. siyaasiga qarnigan sakiin kaligii ayaa daaqada ka saaray ku wii ina duleeya dalkan baabi iyen taarikh duna waa qori doon taa nin kii ka hadal siiyay beelihii amus naa ee wax loo yeedhin jira in ka badan 60 sano waa dhamaatay taa ee wax kale ka sheekeeya